Dhoobleey Media Corporation
MUNAASABAD LAGU TAAGEERAAYEY JUBBALAND STATE IYO DOORASHADA MADAXWEYNAHA JUBALAND AYA LAGU QABTAY MAGALADA NAIROBI.
MUNAASABAD AY KA QEYB GALEEN MAS’UULIYIIN KA TIRSAN DOWLADA SOMALIYA OO LAGU TAAGEERAAYO JUBBALAND STATE IYO DOORASHADA MADAXWEYNAHA JUBALAND AYA LAGU QABTAY MAGALADA NAIROBI.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la kulmay wafdi ka socda IGAD.
Wafdigii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii Shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga oo uu hoggaaminayo xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxay kulan hal saac qaatay kula yeesheen madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo saxiixayaasha maamulka Jubbaland.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qodobbada ay uga wada hadleen kulanka, hase ahaatee wafdiga IGAD ayaa qiimeyn wuxuu ku sameynayaa sida ay u dhacday doorashada madaxtinnimo ee Jubbaland iyo xaaladda ka jirta magaalada Kismaayo .
Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan xarunta jaamacadda Kismaayo iyagoo halkaas kula kulmi doona ergooyinka dhisay maamulka Jubbaland iyo qeybaha bulshada.
Kulan saddex geesood ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu galabta ka dhaco garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kaas oo u dhaxeyn doona wafdiga IGAD, maamulka Jubbaland iyo guddiga xaqiiqo raadinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo.
Xaflad lagu taageerayo Jubaland State oo ka dhacday Sweden.
Xaflad lagu taageerayo maamulka Jubaland oo  ka dhacday wadanka Sweden.
Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Kismaayo.
Xaalada Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalada Jubaland ayaa ah mid degan .
Kulumadi Gudigi xaqiiqa raadinta IGAD ay la lahaayeen bulshada qeeybaheeda kala duwan ayaa soo idlaaday, waxayna ku soo dhamaadeen guul iyo farxad dhamaantood. Gudiga ayaa waxa ay haatan ku sugan yihiin Airporka Kismaayo oo ay ka ambabaxi doonaan saacadaha soo socda, iyagoo warbixinta geyni doona Shirka loo balansanyahay ee ka dhici doona Magaalada Addis .Maamulka Jubaland ayaa waxay guda geli doonaan howlaha hor yaala ee ay ugu horeyso dhameystirka Maamulka Jubaland State . Sidoo kale qabqable Bare hiiraale ayaa airporka looga yeeray oo su’aala lagu weydiiyay,bare waxuu sheegay Xasan Culusow inuu soo diray oo uu isagu lacag ka qaatay isla markaasina lacagta uu xalaashanayay, wararka qaar ayaa sheegayanin la musaafirin doona barre iyo kooxaha kale ee xamar laga soo diray oo diyaarad ay sugayaan.
Wararka xamar laga helayo ayaa sheegayan in dowlada xasan Culusow diyaaradaha ku amartay in aysan doonin kooxaha xamar laga diray ee Kismaayo ku xayiran.warar kale ayaa sheegayaan in Cabaas Talxa loo qaadi doona maanta Gobalka Gedo.
Dhanka kale : Waxaa la mideeyay dhamaan Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Jubaland State ,waxaana hogaankooda la wareegay Generaal: Ismaaciil Saxardiid keedsane,Ciidamada raaskaamobiyiinta iyo kuwi Saxardiid hogaaminayay ayaa hal ciidan laga dhigay.  Sidoo kale Ciidamada booliska ayaa iyaguna dhisan oo ka howlgalaya dhamaan degmooyinka, haatan gacanta lagu hayo.
Maamulka Jubalanda yaa waxay si toosa haatan ula wareegeen maamulka gaadiidka cirka ,dhulka iyo Bada, maamulka cidd uusan raali ka aheyn kuma soo xad gudbi karto , diyaarad maamulka uu fasaxin kama soo degi karto. Airporka ayaa waxaa horey u maamulayay ciidamada AMISOM, taasoo sahleysay in dowlada Xasan Culusow maalin kasta kooxa qaswadayaal ah ka soo dejiso. haatan dowlad ayaa dhalatay, wax kasta oo ku saabsan arimahaasi maamulka ayaa la wareegayaa ,Ciidamada AMISOM ayaa howshooda ay noqon doonta la dagaalanka Argagaxisada oo ah shaqada ay u joogaan.
Sidoo kale maamulka waxuu talaabo ka qaadi doonaa,dhamaan koox ama shaqsi kasta oo isku deya inuu fowda ka abuuro gudaha magaalada Kismaayo, iyagoo ka adacoonaya dowlad banahay.
Isku soo duuboo Shacabka reer Jubaland ayaa waxaa u soo hoyatay guul taariikhi ah, haatana waxaa looga baahanyahay reer Jubaland dal iyo dibadba inay u guntadaan horumarkooda.
Maxaa ka socda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada?.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay ka soo kabanaysa dib u dhacyo badan oo ay u gaysteen kooxda Al-Shabaab.
Magaalada ayaa waxaa ka socda Dhismayaal  iskugu jira ,Guryo, wadoyiin iyo Warshado yar yar oo Magaalada laga hergaliyay.
Waxaa dhismo iyo dib u habeynba lagu sameyay Hotelada Magaalada Kismaayo oo hada u shaqaynaya si xowli ah ayado Hotelada Magaalada ugu Mashquulsan uguna casrisan ay yihiin Hotelada Tawakal International, Hotel Kismaayo iyo Hotel Hareed Yarow waxaa dib u habeyn iyo Casriyayn ay ku socota  Hoteladi Magaalada Kismaayo ugu waaweyna sida  Hotel Cascaseey iyo Hotel Qiilmawaaye,
Dakada Magaalada Kismaayo ayaa waxay u shaqaynaysa si xowlihi ah ayado alabaha Dakada Kismayo laga soo dajiyo ay galan  Gobolada, Jubbada dhexe , Gedo , Bay , Bakool , Guud ahaan Gobolka Waqoyi bari Kenya, ila Wadanka Yuganda oo ay tagaan alabo laga soo dajiyay Dakada Kismaayo.
Arinta la yaabka leh ayaa waxaay tahay  in Garoonka  Diyaaradaha ee Axmed Guray Internetional Airport uu mudo gaban gudahood ku noqday Airporada ugu Mashquulka badan Somalia,
Mar aan Boqday Garoonka Diyaaradaha ee Axmed Gurey International Airport ee Magalada Kismaayo ayaan ku arkay waji ka duwan midki aan ku soo arkay 2 bil ka hor.
Garoonka ayaa waxaa lagu sameyay  dib u habayn aan sidaas u badnayn balse ku muqanaysa  in  garoonka hanti la galiyay waxaa markaasi garoonka fadhiyay ila 5 diyaaradood  oo ka kala yimid Muqdisho iyo Nairobi inta aan ku sugna garoonka waxaa kacay labo diyaaradood halka Diyaarad kale oo ka timid dhanka Kenya ay ka soo dagtay.
Waxaa dib u habayn lagu sameyay  qaybaha Magaretionka iyo Hollka rakaabka ay ku sugaan diyaaradaha iyo qaybo badan oo ka mid ah  Garoonka Kismaayo.
Amaanka Garoonka ayaa ah mid la isku halayn karo waxaana Amaanka si wadajir ah u suga Ciidamada Amisom iyo Ciidanka Dowlada Somalia iyo kuwa Raskambooni.
Isku soo wada duubo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda Hormaro dhankasta ah oo farxad galin kara dhamaan shacabka reer Kismaayo ee in badan ku soo jiray  dagaalada sokeeye.
Daawo Sawiro: Bayaan ay soo Saartay Xarakada Al Ictizaam oo ku Baaqday Dagaal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.
Bayaanka
1- Waxaan u mahad celinaynaa allaah Subaahanahu Watacaa oo fududeeyey hawlo baddan oo ka mid ah aaskii Sheikha iyo qabqabashadii Danbiilayaasha. Waxaan kaloo u mahad celinaynaa Dowladda Puntland, sida wayn ay howshaan isugu xilqaantay waxna uga qabatay. Sidoo kale waxaan u mahadd celinaynaa dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland kaalinta ay ka qaateen wax ka qabashada dhacddadaan iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay.
2- Waxaan u cadaynnaynaa Muslimiinta, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed in kooxda Al-Shabaab ee dishay Sh. Cabdulqaadir ay tahay koox burcad ah, diinta Islaamkana aan wax shaqo ah ku lahayn, ayna tahay musiibo iyo cadow aan ummadda u reebayn, Diin, Naf, Maal, caqli iyo sharaf middna. Waxaana arintaas cadaynaya shirqoolka hal doorka ummadda, sida; Culimmada, Aqoonyahanka, Salaadiinta, Siyaasiyiinta, Saraakiisha, Ardayda, iyo Ganacsatada. Sidoo kale Qarxinta, Xasuuqa, qaxinta, cabsigalinta, niyad jabinta iyo dullaynta ummadda Soomaaliyeed.
3- Waxaan u cadaynaynaa ummadda Soomaaliyeed in aan illaahay iyo Rasuulku farin in dadka Muslimiinta ah lagaalaysiiyo ama la laayo, shareecada Islaamkuna aysan
qabin, kooxda Al-shabaabna ay illaahay iyo Nabiga ku been abuuranayaan.
4- Hadaba waxaa waajib ku ah ummadda Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan sida; Maamulada, Qabiilooyinka, iyo bulshada oo dhan inay si wada jir ah uga hortagaan kooxda Al- Shabaab ee dabargoynaysa Ummadda , maadaama ay yihiin khatar ku wajahan ummadda idilkeed.
5- Waxaan Shacabka u cadaynaynaa in kooxaha shirqoolada iyo qaraxyada fulinya aysan matalin qabiilooyinka ay ka dhasheen , lagalana tashan, dadka ay bartilmaameed sanayaana aysan u dilayn qabiil ahaan, aysana jirin qabiil loogu danaynayo falalakan guracan ee ay ku kacayaan. Sidaa daraadeed;
b) Sharci ahaan looma aanayn karo beelaha ay ka soo jeedaan,
t) Mana banaana in dadka falalkaas fulinaya, lagu kaalmeeyo falkooda qaldan, lamagan galiyo, ama gabaad loo noqdo.
j) Marka laqabto danbiilayaashana looma gurmankaro. Looma doodi karo, lamana difaaci karo.
x) Waxaan u cadaynaynaa cidii sidaa yeesha lacnada illaahay inay mutaysanayaan.
6- Waxaan usoo jeedinaynaa beelaha Soomaaliyeed inay ka digtonaadaan utunta, iska horkeena iyo colaada ay ka dhex abuurayso koox Al-Shabaab. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa inaan dheg loo dhigin dicaayadaha marin habaabinta ah ee kooxdaasi u adeegsadato weecinta iyo daboolista faldanbiyoodkooda.
7- Waxaan cadaynaynaa in kooxdii faldanbiyeed isu kaashata ama wada fulisa sharci ahaan isku xukun yihiin. Sida; kan amray, kan dilay, kan lacagta baxshay, kan soo ilaaleeyey, kan gaariga ama guriga u kireeyey, kan qariyey, iyo kan raacdo reebka ah.
8- Waxaan usoo jeedinaynaa dhamaan Maamulada Dalka inay ku dhaqmaan shareecada Islaamka, cidkasta oo faldanbiyeed gaysatana lagu qaado xukunka Shareecada islaamku ka qabto arinkaas.
9- Waxaan marlabaad usoo jeedinaynaa ummadda Soomaaliyeed maamul iyo shacaba in la isugu yimaado shir wayne heer qaran ah oo looga arinsanayo dhibaatada kooxda Al-Shabaab ay ummadda ku hayso.
10- Ugu danbayntii waxaan u dardaarmaynaa ummadda Soomaaliyeed illaahay cabsidiisa iyo inay ku dhaganaadaan Diintooda, caqiidada saxanna ka qaataan culimmadda, si ay uga badbaadaan marin habaabinta kooxda Al- Shabaab wado.
MAHIIGA OO CAMBAAREEYAY QARAXYADII UGU DAMBEEYAY EE KA DHACAY DALKA SOOMAALIYA.
Warqoraal ah oo ka soo baxay xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS),ayaa lagu dhaleeceeyay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya inta lagu guda jiro bilowga iyo bartamaha bishan February 2013,oo ay ka mid tahay dilkii Magaalada Garoowe loogu geystay Sheikh Abdiqadir Nur Farah, “Ga’amey”.
Sidoo kale warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska UNPOS ee Muqdisho,ayaa lagu tilmaamay in shirqoolka dilka Dr. Nur Farah uu imaanayo waxyar un kadib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,kaasi oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Boliiska Maamulka Puntland.
Iyadoo weerarada ay dhaceyn bishan gudaheeda ayaa hadana waxaa dhanka kale warbixinta ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya lagu canbaareeyay weerarkii ismiidaminta ah isna loo adeegsaday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo isku qarxiyay baarka Liido ee Magaalada Muqdisho.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine P. Mahiga,ayaa ehalada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Mas’uuliyiintaasi ugu tacsiyadeeyay.
Mahiga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Xukuumada Soomaaliya si looga mira dhaliyo hadafka ah gaaritaanka Nabad waarta iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada ka dhanka amaanka ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka Ka dhaca.
Ergayg gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mahiga ayaa shaaca ka qaaday in Xafiiska UNPOS uu garab taagan yahay shacabka iyo xukuumada Soomaaliya si cadaalada loo horkeeno dadka ku mashquulsan carqaladeynta amaanka dalka,
Isagoona dhanka kale sheegay in dhankooda ahmiyada koowaad ay siinayaan in Nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya oo haatan wadadii Hormarka cagta saartay.
Warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan weeraro qorsheysan oo isugu jira dilal bareer ah iyo Qaraxyo ay ka dhaceen qeybo ka tirsan Dalka Soomaaliya.
Munaasabad Lagu Sagootinayo Waftiga Baarlamaanka Soomaaliya Oo Lagu Qabtay Magaalada Jigjiga.
Munaasabada lagu sogootinayey wafti ballaaran oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hor kacayo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheeekh Cismaan Jawaari oo maalmihii danbe ku sugnaa magaalada Jigjiga ayaa xalay lagu qabtaya qalka martiga magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaana munaasabadaasi qudbado kala duwan ka jeediyey masuuliyiintii ka qeyb galay.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalka ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in horu marka uu ku arkay magaalada Jigjiga intii uu ku sugnaa  uu yahay wax farxad galinaya qof walba oo jecel wanaaga dalka Soomaaliyeed meel ay joogaanba wuxuuna ku amaanay madaxda dowlad deegaanka Soomaalida dadaalka ay muujiyeen iyo waxa la taaban karo ee ay deegaanka ka qabteen mudada kooban ee ay jireen.
Max’ed Sh Jawaari ayaa sidoo kale uga mahd celiyey shacabka iyo masuuliyiinta dowlada deegaanka sida niyad samida ah ee ay ugu soo dhaweeyeen deegaanka isagoona ku amaanay maamulka deegaanka sida uu u hirgaliyey nidaamka Federaalka oo looga dhaqmo dalka Itoobiya.
Waxaana ugu danbeyntii hadalka qaatay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar oo sheegay iney si weyn uguy faraxsan yihiin booqashada ay jigjiga ku yimaadeen waftiga ka socda baarlamaanka Soomaaliya isagoona tilmaamay iney wax badan kala faa’iideysteen wuxuuna ka codsaday madaxda kale ee dalka Soomaaliya iney deegaanka ku yimaadaan booqasho sidan oo kale ah si loo sii xoojiyo iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyada Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
GAALKACYO OO LABO RUUX LAGU DILAY IYO TALISKA BOOLIISKA OO FAAH-FAAHIN KA BIXIYAY.
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in xalay kooxo hubaysan ay halkaasi ku toogteen labo ruux oo kamid ah dadka deegaanka.
Dilkan labada ruux ayaa wuxuu ka dhacay xaafada Garsoor ee dhanka bari Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo rag biskoolado wato ay ku toogteen labadaasi ruux halka sidoo kale mid kale ay dhaawaceen.
Jaamac Maxamed Axmed Taliyaha qeybta Booliiska ee Gobalka Mudug ee maamulka Puntland oo la hadlay Shabakada Dhoobleey.com ayaa wuxuu sheegay inuu jiro falkaan dilka ah balse ciidanka Booliiska ay wadaan baaritaano.
Wuxuu sheegay in kooxo hubaysan ay fuliyeen falkaasi taasina ay tahay arin naxdin leh isaga oo sheegay in kooxaha dilka geestay sidoo kale ay dhaawaceen qof kale oo iminka xaaladiisa caafimaad ay aad uliidato.
Ilaa iyo iminka lama garanayo cida ka dambeysay falka dilka ah ee loo geestay labadaasi ruux oo kamid ah dadka deegaanka Magaalada Gaalkacyo.
Gaalkacyo oo maalmahan dambe ammaankeeda uu ahaa mid wanaagsan tan iyo markii uu ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ayaa iminka umuuqaneysa meel ay kusoo noqdeen amnidarada iyo dilalka qorsheysan.
MAAMULKA G/SH/DHEXE OO SHEEGAY INAY QORSHEYNAYAAN LA WAREEGIDA DEEGANADA KALE EE GOBALKAASI.
Xilli ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Jowhar ayaa saraakiisha Gobalka Shabeelaha Dhexe waxa ay sheegeen inay qorsheynayaan la wareegida deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalkaasi.
Cali Cismaan Ibraahin Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada ee Gobalka Shabeelaha dhexe oo la hadlay Shabakada Dhoobleey.com ayaa wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay la wareegayaan deeganada aysan iminka joogin.
Wuxuu sheegay howlgalkii shalay lagula wareegay Garoonka Degmada Jowhar uusan noqon doonin mid istaaga uuna sii socon doono ilaa guud ahaan Gobalka Shabeelaha dhexe laga saarayo Al-Shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada ee Gobalka Shabeelaha dhexe Cali Cismaan Ibraahin ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Gobalka looga baahan yahay taageerada Dowladda Soomaliya.
Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha ee Degmada Jowhar halkaasi oo ay Shabaab maamuli jireen.