Sunday, April 20th, 2014

Jah Wareer Ka Taagan Kala Garashada Ragga, Gabar Iyo Garoob!

Published on December 9, 2012 by   ·   16 Comments Akhrisatay :24776

Aqristayaal sida aan wada ognahay waxaa jira hab dhaqameed qoomiyad kasta ay leedahay, Soomaalidu waxa ay ka mid tahay Qabaa’ilada leh dhaqamada gaarka ah ee lagu garto, aqriste haddi aad aragto nin ama wiil xiran macawiis markiiba waxaa qalbigaaga ku soo dhacaya in u yahay  Soomaali ama Carab.

Intaa kaddib, waxaan jecelnahay in aan qormadeenna ku qaadaa dhigno  bal farqiga u dhaxeeya dumarkii hore iyo kan haatan jira.

Haweenkii hore waxa ay u badnaayeen oo ay ka sinnaayeen dhamaantood daacadnimo, xishood iyo qadarin, waxaana ku idlaaday sharaf dhamaanteed, waxa ay lahaayeen astaamo lagu kala garto gabadha la qabo iyo tan madaxa banaan ee aan la qabin, waxay aad ugu xishoon jireen in ay rag badan xiriir ay la sameeyaan ama ay shunkaansadaan, waxaana taasi ka sii darneyd sida ay uga weecan jireen oo ay u nebcaayeen furiinka .

BILCAGSI

Waxa jira walaac ballaaran oo ku wajahan dumarka hadda jooga, sida la wada ogyahay haweenka waxa ay caadaysteen dhaqamo xun xun, haddii aan tusaalle u soo qaato qeybo ka mid ah dabeecadaha ay la nooliyhiin ee saaxiibka yihiin ayaa waxaa ka mid ah qoddobada soo socda:-

1- In ay gabadhu ku faanto furiinka.
2- Shukaansiga ama la socoshada ragga badan.
3- Raadinta lacagta.
4- Hamigooda oo daneysi kaliye ku xiran.
5- Ka bad-badinta beenta.
6- Xishood la’aan
7- Iyo qadarin xumo
Iyo sidoo kale wixii la halmaala ama la mid ah arrimahaasi.

U JEEDDADA QORAALKEENA RUNTU AH MAXAY TAHAY?

Anigoo dhinac u hiilineyn, waxaa soo ifbaxaya waayadan dambe in raggu ay kala garan waayaan gabadha tan la qabo iyo midda madax banana tan carmalka ah, maadaama daraysku isku mid yahay, daacad ay ku fogyiihin  dabeecada iyo dhaqanka ay ka siman yihiin.

Maxamed Cabdullaahi Xasan, waxa uu ka mid yahay dhallinta ka timid waddamada reer galbeedka, islamarkaana hadafkiisu ahaa in uu nolol iyo qoys ka yagleello dalka kenya! waxaana soo food saartay Maxamed arrin la yaab leh, waxayna u dhacday sida tan.

kaddib markii uu la aqal galay gabar (inan) ay muddo wada socdeen, waxa uu ka codsaday oo uu sheegay marka hore in uu gabar bikra ah uu rabbo oo aanu rabin naag nin horey u soomartay, maadama aan la kala garanayn dumarkii.

Gabadhii ayaa iigu jawaatay buu yiri, Maxamed aboowe waxaan ahay gabar aan waligeed la guursan, waana iska aaminay buu yiri wiilkii Maxamed ahaa, walaahi aqal gal kaddib waxaa la gaaray runtii, waxaa meesha ka baxday gabarnnimo, (Alla go’ayi, ciil badnaa).

Jabkaas isagoo qaba iskana qarsaday oo Alle tala saartay ayaa hadana  waxaa ku dhacay ka daroo dibi dhal, macnaheedu waxa ay tahay

qoftii falkaas gaysatay oo hadana ku qasbaysa in uu dibadda geeyo (Yaab), aqriste dhacdadaasi waxa ay ku dhacday wiil Soomaaliyeed.

(sir ma qabe Allaa u maqan).

TALO U JEEDIN

Dhammaan gabdhaha Soomaaliyeed waxaan jeclahay in ay ka waan toobaan waxyaabaha qaldan, waayo waxa aad u dulman raga, sababtoo ah, waxaa jira qoddobo badan oo dumarku ragga ku sameeyaan, waxaad ku xisaabtan taan in nin uu mar walba yahay marti, xitaa haddii uu yahay madaxweyne naag uun buu hoostagayaa.

Sidaaasi darteed dumaroow waa in aad iska ilaalisaan xad-gudubka raga (Rabbi ka cabso iyo rag iska riix meel ma wada gala).

Gunaanudkii qormada Dumarow balanteenu waa daacadnnimo iyo Taqwada Allaah (Subxaanahu wa tacaalaa).

Shabakada kala soo xidhiidh E-mail-kan: dhoobleynews@gmail.com

Ra'yigaaga oo Qoraal ah halkaan noogu soo dir:

Readers Comments (16)

  1. Maxamed cali nur says:

    K.k.k.k.k.k.k.k.k alle maxa lagulayabi marki la akhriyo war dumarka hada joga waxa ma maqlan mana dhagaystan mana aqabalan walidkod aya kadaley ee ninkasta gabadh u yaqano haradsado dumar waa hilib bisil bananka ayey is dhigen dhurwa kasta aya cunay dhamantod wahanbo ninki hanbo rabo adey kutala heyeye hayeye hayey rago bohol madow aya laa idunk jidaya

  2. Xildiid says:

    Kkkkkkkkkk horta waa run waxa qoragu qoray lakin gabdhaha 100 shan fiican walaga heli ee yan lagusii xadgudbin

  3. Libaaxkiciye says:

    Suaal utaala dhamaan ragoodhan ? Gabadh walboo xumaata yaab xumeeya ? Jawaabtu waar waxa kuciyaara ee dhaqama xun xun bara dumarka yaanan eeda lasaarin dumarka oo kaliya anakaakadaran ee marka koobaad aan isa saxno kadib dumarku way iska saxmi doonaan inshaa allah waxa cagahooda kudoonda gabdha waa anaka

  4. Cali balaag says:

    Ninka dhanbalkan qoray 1000 jer ayu khal danyahay markad ledahay gabarnimo ayay shegate garobnawayahed maxakudiday inad ninkii gabadhas bikra dedi jabiyay ad wax kashekto had iyo jer raga aya hogan ah wax alale waxay ragu ralikunoqdan aya ayagana raligeliya hadad adiga xuman kadonin lagamayana inay gabdhu ayagu xuman kugu yeran marka mawaxa adiga olataktay ayad kucayni tasi miyayna aheyn sakhid nimo halki ogu danbeyse

  5. Afmado-boy says:

    Acw . Libaax kiciye ayaan ku raacsanahay fikirkiisa 100% . inaga Ragga ah haddaan hagaagno Gabdhuhuna way hagaagi . Waan kasoo hor jeedaa in Gadhaha lagu eeedeeyo inay ka tageen Dhaqankii & Xishoodkii Kaligood . Haweenku waa Caruur oo kale . Hadduu Aabaha Caruurta dhalay bilaabo inuu Ciyaaro, Caruurta maxaad ka filan kartaa ???. Waa inay qaylo ku daraan ciyaarta !!! . Kkkkkkkk . Tusaale : Naagta laqabo xiitaa waxay dhowrsan tahay markuu ninkeedu Dhowrsan yahay . Hadduu dhaqan xumo bilaabo iyaduna way bilaabi . Ragga ayaa ah Qalbigii & madaxii jihaynayay Dumarka, haddu hagaago Qalbigu jidhka intiisa kale way hagaagi . Haduu Xumaadana wuu Xumaan . Dumarkuna waa sidaas oo kale . Waadna mahadsan tihiin .

  6. Realy says:

    Aniga ninkan uma naxayo bcz nagtan kenya ayey jogta wana qasab will akteda jogo iney xirir lalahet marka ninkan mohamed ladhaho waxan filaya inu awood lacaget uu ushegtay ninka kale marka qofki awood loshegto wax umbu awoodeda leyahay
    (marka maskinki an lacagta heysan wuxu sameyay shaqati lo bahna)

  7. Raaxeeye says:

    War 100 jer haduu ragu dadaalo dumarku way darmaden o mel ay kaso noqonkaraan majogane fikirkena oo gabadha marku naasku fiida sobixiyo hala guursado hadikale midmarada gacanta uga dhigaysa gursada aad dhawan webka kucabataane

  8. wiil waamo says:

    Lugooyada nambar 1 waa raga , gabadh miskiina ayaa lagu odhan waan ku jeclaha,cirkaan ku geyn,badaan ku marin iwm.ka dib markii gabadhu run moodo ileen waa masaakiine ayuu ragu jar uga boodaa.taas yaa khaladkeeda leh.waa raga hadana waxaa la leeyahay dumarkii kanbay noqdeen ? Waxanoo khalad ah ragbaa aabbe u ah.

  9. kkkkkkkk says:

    Naxdinta ) nagihii hore waxaay ahayen , idiibo an daqee (sirtaada ken cml) iga dal aan dunkadee , ideh aan dageystee, MAXAA BADALAY, idiibo aan dumiyee , iga dal aan darbaxee, ideh an daqaaqe , kkk nag laisku haleyn karo nin dona runtii wey jogan , gabda yar yar o sarwalka wali lagasiibin

  10. Saragale says:

    dabcan, anigu gabdho baddan waan shukaansaday anoo waliba u shukaansada inaan guursado. Saqayaansi iyo gaabsina waligay gabar ma waydiin balse waxaan ogaaday inay addagtahay in lakala saaro gabadha iyo garoobta gurbaha waayo waxaa dhacda boqolkii gabdhoodba sideetan galmooyin iyo saxiibo ayay sameystaan oo iyagaaba qurdoodu lasoo maray. Gabdhahan shukansadayna si sir ah ama kaftan ah ayaan u waydiin jiray in lasoo cunay kuwo way qirtaan sida tii igu tiri, “war intaad dalinyarada tahay waa la bashalaa oo caddan, madow, iyo somali ha u aabe yeeline bashaal”! Ala naxdin iyo argaga waynaa!

    Balse gabbda wax dhashay iyo taan wax dhalin waa la kala garan karaa. Waa hadii gabdhu aysan aad u cayilnayn oo buruuri qarin kala sooco xubneheeda sida addhaxda, dhabarka, miskaha, xiglaha, rinjiska, iyo doolaha (boody)…ralina iga ahaada!.

    Markaa, hadda waxaan la shaqeeya labo qabdhood. Mid waa 22 jir, waxayna la socotaa 40 jir Mexicon ah oo markay shaqada ka baxdo ku rita gaddhiga, takalena waa ilaa 27 jir, iyana Kenyan bay la socotaa oo anigii somalidayba noo arkaan dad liita. Markay afka kaa furaanna nin SOmali uunbay wax ka sheegaan. “Nimanka Somaliyeed isma qurxiyaan. Dumarka ma yaqaanin.”

    Markaa, hadda waxaan go’an ku garay inaan xataa fiirin oo aanan la hadlin balse Mexicon xun balin walba haduu ka ak qoslayo isagoo kugu dhago hadlaya, iyana u rixinayso waxaa ku qabanaysa ilahow yaa intuu garuun madax wayn soo qataa oo sida abguri badda ka tila. Haddana waxaa ku is oranaysaa, war madaa lagula cadamabayaa, lagula xisabayaa? Madaa la ceebaysan? Madaa dhalay, ma walalshaaba? Maxa kala galay oo is mashquuliyaa.Saa haddana wadnaha i xunuuunaa oo neef kulul baan siidayaa anoo hinraagaya.

    Markaa ilaahow na astur if iyo aakhiro. Labana yaabaniyoo, kulli fidma cida geela, nimanka somaliyeed iyaagaa dalkoodi burburiyay oo dadkoodi ku kala bayhoofiyay dadkoodi aduunka dacaladiisa.

  11. wiil soomali says:

    asw
    ceeb gabdhaha ha ugafin
    tan kale asgu ma bigraa
    nin kasta oo soomaali ah waxa uurabaa gabar bigra ah inta uu asgu gabar soomli kasoo jajabiyey
    taaas macquul ma aha
    ayaad quraana weeyana nin xun waxa uu helaa gabr xun
    ee gabdhaha afka kadaaya asgaa toog ahaa kaas oo wali lagayaabbaa in uu jiranyahey

  12. shaxshaxlow says:

    ANIGA FIGRADAYDA WAY ISKA CAD TAHAY WAAN QARSAN LAHAA MARKA DAMBANE WAXAAN DHIHI LAHAA MAXAA KUUGU QASBAY TAN SEDDEXAADNE KAMA TAGI LAHAYN WAAN KA XAYSAN LAHAA HADDII KALE KII SHALAY AYAY RAADSANAYSAA HADDII AAD KA TAGTO EE WAXAAN KU LEEYAHAY QOF FIICAN MA TIHIE WAXA WAA LAQARSADAA EE BANNAANKA LAMA SOO DHIGO ILAAHNE WUXUU KU YIRI HADDII AAD QF CEEBTIISA ASTURTIT ANIGANE 100 MAR AYAAN CEEBTAADA ASTURAA WA BI LAAHI TOW FIIQ

  13. caqli badane says:

    waxaa loo baahanyahay marka hore in caruurta guriga lagu tarbiyeeyo tarbiya ku saleeysan diinta islaamka waalidiintana toosnaadaan kabid gabadha marka uu naaaskeeda liin dhanaan la ekaado waa in loo guuriyaaa walidka waa inaay guurka u fudeeydiiyaan gabdhaha lana kaalmeeyo ninka gabdha kaa guursanaayo oo aan la weeydiin yarad ama gabaati ama aan yarad lagu dhiganin sababtoo ah wiilasha markaay guursanayaan waa la kaalmeeyaaye maxa gabdhaha iyaga loo iibsadaa

  14. Cabdirashid karaama saxdii says:

    Waa cajaaib marka hore naag aad lasheeg kay atay oo kurabta nhadaad ku tidhaahdo inan ayaan doonaya iyana adiga ku doonaysa kuuma sheegayso runtu waa shul ama shal markaa shuruudi aabahaa ka wayn shuruud lagal haday inan tahay axsan haday naag lafuray tahay dee shuruud aad lagashay ku fur

  15. ruuxi says:

    Waka xumahay in sharafta Dumarka meel looga dhaco Dumarka xumaanta kama wada sina ninkii Garadkiisu Gurac ushaqeyneenine wukala garan karaa Qaabka Garoob Gabar Dumarka wax kasta Ooaad kala kolantaan Oo xumaato eh Rag umbaa masuul kaeh maxa yelay Dumar Waaiska Maan Gaab waa caqli Caruur taasne waxa anigu kaligeey dhahaayo maahe waa Wax horay Loo yiri Raga ayeey wax kasta ka,arkeen Dumarku lax meshey isdhigtaa lagu bireeya Raga Qaayano iyo Daneyse Dumarku Fahansaneen Bey Kula kacaan Gabdhaha Wax kastoos usheego Bey Gabadhu Run Moodee ilaasaa waaiska Caqli caruure markuu dantiisa kabogtane Hadhow uba uga boodaya sidaas baa qoftii Daadku kuqaadaya walalayaal Dumarka kaliyah yaan Qaldka lasaarin Inkastoo Aan Runta kagambano Hadii Gabar Somaliyeed meshii lagu Arkaba ragu indhaha ushidan lahaayen Oo Dumarkooda ey kawar qabi lahaayeen sidaan madhici lahaay lkn hada tii la.arko meel xun taagan Indhaha lee laga firinaaya Walaayaal Anigo Cidna Garab siin maayo Lkn Waxa idin leeyahay hada Gooreey Xeero iyo Qarsin kala dheceen waxba Dumarka kaliya qaladka haku soo koobina Gabdhaha walalehey ehna waxa leeyahay midkasta kuimaado Runta iskaga sheeg hadii aad guur soo martay iyo hadii kalaba Kii kugu nacaayo hakugu naco haduu mid kugu naco wax tahay mikalaa kugu jeclaanaayo Macasalamo

  16. zayedcali says:

    ilahy dumar hanowanajiyo



Current day month ye@r *

WARARKII HORE

yus

Dhageyso : Xildhibaan Yusuf Xasan oo si adag uga hadlay howlgalka Xaafada Islii.

April 19, 2014
Iyadoo ku dhawaad saddex isbuuc uu socda howl-galka ka socda xaafadda islii ee magaalada Nairobi ayaa maalmo ka ...
KENY

Dhageyso : Dowlada Kenya oo Qaxooti Soomaali ah dib ugu celisay Xeryahay Qaxootiga

April 19, 2014
Dowladda Kenya ayaa kooxdii ugu horeysay oo qaxooti ah dib ugu celisay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma. Ilaa ...
dhacdo

Daawo Muuqaal Naxdiin leh: Wiil Hooyadiis Mindi Ku dilay Danmark iyo Sida Wax u Dhaceen

April 18, 2014
Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Denmark ka dib markii uu ...
w2

Sawiro Layaableh : Hal Qoys oo 115 cod kuleh Doorashada Dalka Hindiya

April 18, 2014
Waxaa laga yaabaa in ay u muuqato wax lala yaabo laakiin, waxaa jira qoys u dhashay wadanka India ...
xasaan

Kiiskii loo haystay Sheekh Xasaan iyo Xaaskiisa oo markale dib loo dhigay

April 18, 2014
Maxkamad kutaala magaalada Nairobi ayaa shalay waxay dib u dhigtay go’aan ka gaarto codsi uu mar labaad soo ...
somali

Deg Deg Daawo Muqaal: Afar nin Soomaali ah Oo Laga Qabtay Xadka Kenya Iyo Tanzaniya.

April 18, 2014
Afar dhalinyaro Soomaali oo ka soo qaxay dalka South Africa ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ay ku ...
Uhuru

Dhagayso: M/weyne Uhurru Kenyatta.Soomalida kenya joogta wan iska saareyna.Dalkooda ayeey soo qariben nabad maraban.waanu iska Saareyna..

April 18, 2014
M/weynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlay xaflad tababar loogu soo xiray saraakiil boolis ah oo ka ...
lamaane

Daawo Muuqaal: Lamaane maxkamad loosoo tagay gabar yar iyagu dhaleen oo u dhimatay Gudniinka Fircooniga kadib markii..

April 18, 2014
Lamaane is qaba ayaa mudo 7 maalmood ah xabsiga lagu sii heyn doonaa, si ay u waahaan dawac ...
AMINARTS

Daawo Amin Arts & Sawir yaab leh “Kenyaan bahan oo difaac uga jiro guryaha islii, markii somalida la tarxiilo ayaan..

April 17, 2014
Dawo Sawirka Maanta iyo Amin Caamir:- Kenyaan bahan oo difaac uga jiro guryaha islii. markii somalida la tarxiilo ...
farah

Dhageyso : Faarax Macalin’ oo ciidamada ladagaalanka argagaxisada Dalka Keyna su’aalo weydiiyeen

April 17, 2014
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya Farah Mo’alin, sidoo kalena ah siyaasi dhaliila dawladda oo si cad ...