Monday, May 20th, 2013

Lamaane kala Fog Taleefan Maku raaxeeysan karaan (Jawaab diini ah).

Published on December 10, 2012 by   ·   6 Comments Akhrisatay :22018
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in la ogaado su’aasha ah , Lamaanaha is qaba ee xalaasha isku ah maku raaxeeysan karaan Taleefanka.

Sida sharciga islaamka ku soo aroortay ninka xaaskiisa wax kasta oo uu ku raaxaysan karo waa ku samayn karaa wixii daliil khaas ah ku soo arooray mooyee,
Allaah wuxuu yiri { نساؤكم حرث لكم فأتوا حرثكم أنى شئتم } (Naagihiina waa beerihiina ugu taga beerihiina saad doontaan ) Alle wuxuu kaloo yiri :

وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ* إِلَّا عَلَى أَزْوَاجِهِمْ أوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ

((mu’miniinta) waa kuwa ilaaliya farjigooda xaaskooda mooye iyo wixii gacantooda xanatay oo addoon ah,dadka doona arrinkaas wixii ka soo haray waa kuwa xadgudbay)

Marka xaaska wax kasta raaxaysi ah waad ku samayn kartaa istiin sheeko galmo Alle ayaa kuu banneeyey, marka waxaa isweydiin mudan ma bannaantahay ninka inuu xaaskiisa taleefan ugu raaxeeyo ?

DAAWO.

Culimo qaarooda waxay dheheen haddii uu hadalkeeda ku gudan karo uuna u baahanaynin gacantiisa way bannaantahay laakin haddii uu u baahdo inuu gacantiisa isticmaalo ma u bannaana waa seego culimada qaarkooda waxay eegeen haddii qofka uu ka fogyahay oo ka baqayo inuu sino ku dhaco waa samayn karaa raaxada taleefanka xitaa haddii uu gacanta ku dhamaystirto maxaayeelay madaahibta islaamiga qaar baa qaba haddii qofka uu ka baqo sino inuu biyaha iska bixin karo waxaana laga wariyay imaam axmad,

Caalimka la oran jiray ibn xazm isaga seegada wuu banneyeyba wuxuu daliilsaday وقد فصل لكم ما حرم عليكم (Alle waa idin faahfaahiyey waxa uu idinka xarrimay)

Su’aashan waxaa la weydiiyay Sheekh ibn cuthaymiin wuxuu ku jawaabay waa banaantahay qofka inuu ugu raaxeeyoo xaaskiisa taleefanka laakin inuu gacantiisa adeegsado ma u bannaana haddii uu sino ka baqo mooyee. marka waxaan kaloon ku dari lahaa qofka la sheekaysanayo xaaskiisa waa inuu iska jiraa taleefanka maxaayeelay waxaa laga yaabaa ina la din dhegeyso.

Readers Comments (6)

  1. m.med sheikh xagar says:

    asc wa wax wanagsan waloobahanyahay waxyaalaha bulshada afcicikara walobaahanyahay

  2. cumar shine c/raage says:

    asc walalyaal waxan wa wax culumadu ku kala qaybsantahay marka in telephone wax logu raaxeeyo ma ahaan wax quruxbadan , hadi aad rabto raaxo ama galmo utag oo aad mesha xaaskaaga ay joogto, hadi-kale codkeeda ku raxayso, wcs

  3. Sheybani says:

    Sxbyal arinkan ka digtonada cidii isku deydana wey ka qoomameydonta wayo adiga marka gacantada isticmashid naagtadana farteda ayey isticmaleysa mana ku qanceyso wayo Allah aya wax walbo noga aqonbadan siilna gus ayu ku qancaya e far waxbo kama qabaneyso waxan dheceso gabadha aad hawada uga raaxeyo adiga gacantada ku dhameyso lakin iyada ninki u dhow ayey ii dhameystir dhihi donta

  4. Axmed says:

    Asc dhamantin sln kadib sxb waxay ilatahay marhidii culamadii iskukhilafen inlaga fogado
    tankale markagacanla isticmalo
    sowdhawac sogadhimahayo?

  5. Ahmed mahir says:

    Ani waxan qaba inay sax tahay madama u aduunka jiro cuduro laga baqayo waa in sidi la isku anfici karo la sameyo

  6. xasan says:

    waxan dhihilahay inti kalamaqan alaha isku keno



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...