Saturday, May 25th, 2013

DHIBAATOOYINKA SOO KALA DHEX GALA LAMAANAHA IS JECEL MARKA AY KALA FOGAADAAN.

Published on December 17, 2012 by   ·   2 Comments Akhrisatay :21343

waxaan doonayaa in aan ka hadlo ama aan halkan ku soo bandhigo arin u baahan in aan kala taliyo dhamaan lamaanayaasha is jecel taas oo badanaa u keenta dhibaato dhanka lamaanayaasha is caashaqay waxaan in badan oo wakhtigan ah aan dareenaa in dhibaatooyinkaasi soo noqnoqdaan waayo hore ayaa loo yidhi jacaylkii kal dhoofa dhaayihii kala raaga dhibaataa dhex timaada” waxayna dhibtani badanaa soo wajahdaa marka labada lamaane ee mucaashiqiinta isku ahi ay kala fogaadaan iyada oo wakhti kala geeyey arooska iyo xidhiidhka meherka hortiis taas oo keenta in labada dhinacba shaki yimaado. Sidoo kale waxaa meesha yimaada saddexeeye iyo in gabadh walbaa iyo wiil walbaa ba iska dhaadhiciyaan in qof walba lamaane kale raadsanayo oo jacaylkiisii hore halkaa ku eegyahay hadii ay kala fogaadaan, sida in uu la socod iyo sheeko la sameeyo ama lasameyso gabadh ama wiil kuu doono ha noqdee dhalin yarada uu la kulmay ee uu meesha kula noolaaday iyga oo baray qof kale kana dhaadhacsiinaya in aan qof binu aadan ah laysku aamini karin oo leh dumar layskuma haleeyo ama ina rag aamin ma galo,balse labada lamaane ee kala fogaaday marnab isma weydiiyaan sida aad adigu daacad ugu tahay qofka aad jeclaatay ayuu isagaun daacad kuugu yahay waxaanad moodeysaa in mar walab qalbigiisa ay ka tan badan yihiin dadka uu markaas soo dhex galay maalmo yar gudahoodan waxaad arkaysaa qofkii oo jacayl cusub sameeyey isaga oo leh jacayl hore waan soo sameeyey laakiin waan ku guuleysan waayey !!! Ma kula tahay in qof qalbigiisu nadiif yahay oo jacaylkiisu in yar laabta kaga jiro in uu been ka sheegi karo jacaylkiisa dhabta ah oo uu odhan karo waan ku guuleysan waayey mise waxay kula tahay in uu odhanayo waxaan si xad dhaaf ah u jeclahay hal qof oo dunida ku nool hadan iga durugsan?

Maxaa keenay in qofku jacaylkiisii dhabta ahaa ee u horeeyey uu been ka sheego isaga oo leh waa isoo maray jacayl laakiin wuu guursaday ama layga guursaday ama waan kala hadhnay iyo kelmado badan oo been ah oo uu doonayo in uu ku beer laxawsado qofka markaas uu doonayo barashadiisa Runtii beentu waa mid aad u xun marka qofku kelmadaa leeyahayna ilaahay waa maqalayaa oo waxaa laga yaabaa in loo qaado oo dhab ay noqoto lagana guursado kadibna uu waali iyo isla hadal ku dhameysto waayo si walaba oo qofku uu u war wareego kama tago asal ahaantiisa jacaylkuna waa midka u horeeya ee dhabta ah in kasta oo dhalin yaradu jecel yihiin sidii ay marba qofka nafsadoodu doontay ula socon lahaayeen. Akhriste walba oo akhrista maqaalkan waxaan weydiinayaa su’aasha ah maxaad u tidhaahdaa kelmadaha aan kor ku soo xusay marka aad gabadh la kulantid adiga oo qarinaya jacaylkaaga ama marka aad wiil la kulantid ? taasi maaha ilaa hada mid ay dadku garanayaan waxa sababa laakiin waa xanuun ku dhex jira dadka is jecel ilaa xanuunkaa daawo loo helana wax hagaagayaa oo jacayl la odhan karaa ma jiro waayo beentu waxay mar walba burburisaa nolosha qofka binu aadanka ah mana u ogolaato in uu nolol raaxo ah ku noolaado, badanaa qoysas badan oo jacayl lagu dhisay ayaa muddo yar gudahood burbura taasina waa been ka dhex dhalatay dadka is jecel dhexdooda taas oo sababtay in kalsoonidu burburto. Ma jiro qof binu aadan ah oo wax u hagaajin karo sidii la doonaayey laakiin waxaa loo baahan yahay in laysku dayo dadka is jecel ee kala dheeraaday wakhtiguna u saamixi waayey in ay hal meel ku wada noolaadaan waxaan mid walba uga digayaa kana codsanayaa in ay jacaylkooda dhabta ah been ka sheegaan iyaga oo door bidaaya qof cusub barashadii ama la socodkii taasi hadii ay suurto gasho oo qofku jacaylkiisa dhab ka sheego kalsooni, qaderin, kaladanbeyn, iyo is aaminid ayaa imanay nolol raaxo leh oo aan welwel iyo welbahaar lahayna way ku noolaanaya lamaanayaasha is jecel meel walba oo ay dunida kaga nool yihiin. Ugu danbeyntii waxaan ka raali gelinayaa qof walba oo akhrista maqaalkan hadii uu khalad u arko qoraalkaaan soo bandhigay waxaan leeyahay ka raali noqda waayo ilaahay ayaan wax khaldin.

Readers Comments (2)

  1. Husseinabdolla says:

    Ascww walaal run ahaantii qoraalkaaga waa mid sax ah xaqiiqdana taabanaayo, waadna ku mahadsan tahay sida aad runta u soo bandhigtay, mar walbana sidaan u soo bandhig xaqiiqda

  2. Ak_143 says:

    asc haa walaasheey walhi waarunta runta ayaad kahadashay laakiin dawada arintani waxay tahay in labada mucaashaq ay is aminan oo ay isku kalsoonaadan cadawga dhag udhigin waa lakal foogaan karaa wana lawada socan kara haday taasi dhexdooda jirto jaceylku sidiisaba waa dareen dhab ah oo ku dhisan run iyo aaminaad jaceylka daacada ahna mahungoobo waligiis wuu miro dhala ilaah ayaana garabkooda jooga markasta haday waqtiga iyo duruufta kala fogaysay aykusamraan oo udulqaatan kalinimada saas ayaan anigu qabaa lkn in been lagasheego maqabo jaceylkaaga



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...