Markii Aan Suuxay Ayuu Iga Faa’ideestay “Qisa Xanuun leh”
Published on December 19, 2012 by admin · 28 Comments
Akhrisatay :23504
Ma ahan mid qoraal oo kaliya lagu soo koobi karo dhibaatada loo gaysto hablaha Soomaaliyeed waxaana marar badan dhacda in ay maraan dhibaatooyin adag oo aysan xamili Karin.
Qormadaan ayaa ah mid aan ku soo bandhigeeno qiso xanuun badan oo ku dhacay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda ku soo koobtay Nasteexo waxa ayna dagantahay Magaalada Adis-ababa sida ay inoo sheegtay.
Sheekadu waa mid xasaasi ah waxay ka bilaabatay waddo dhexdeed markii aan si kadis ah isku baranay nin da’diisu u dhaxeyso qiyaas ahaan 28-35 oo magaciisa iigu sheegay Cabdi Xakiim wuxuuna sidoo kale ii sheegay inuu dhaqtar yahay, wuxuu igula muuqday nin akhyaar ah sida aan muuqaalkiisa ka gartay.
Lambarkayga ayuu igu qaatay kadibna si wanaagsan ayuu ii soo xariirin jiray waa hubaal inaan anigu guur doon ahaa balse wixii guur aan ahayn ma jecleyn dhowr habeen ayuu gurigeyga igu yimid waxaana u martiqaadi jiray si wanaagsan.
Inkastoo muuqaalkiisu ahaa mid Akhyaareed hadana hadalkiisa iyo gacanta oo ka soo horreysa ayaan ahayn kuwa is leh, wuxuuna dhowr jeer isku dayay oo uu iga codsaday inuu Ishumiyo ama jirkayga taabto taasna uma ogolaan jirin guurka ka hor waxaana u sheegay in guurka hortiisa arimaha yimaada aanan ogolayn.
Wuxuu ii balan qaaday inuu I guursan doono oo nolosheydana uu wax ka badali doono maadaama ay nolosheyda iska xumeed waxaana niyadda iska iri “ Haddaad heshay Ninkii Noloshaada wax ka badali lahaa”.
Siduu xirriirkeenu u dhisnaa hamigeyguna u raacay ninkaasi ayaa maalin wuxuu iga codsaday inaan ugu tago gurigiisa si sharuud lahaan ah ayaan uga aqbalay sababtoo ah xumaan kuma aanan baran mana is dhaheynin wax ay niyaddaadu diidantahay ayuu sameenayaa.
Horay ayuu in badan ii dhihi jiray haddallo aan u malaynaayay kaftan oo dareenka qofka kicinaya, Wexeyna Niyadeyda Aqbali weysay inuu si dhab ah u sameen doono hase yeeshe sidaan filayay iyo sidey noqotay waa mid aan loo noqon doonin.
Markii la gaaray xilligii balanta ayaan si dhaqso ah uga soo baxay gurigii aan deganaa waxaan ka fikirayay sidaan ugu hagaagi lahaa gurigiisa halka uu iigu tilmaamay, gaari ayaan soo raacay 15 daqiiqo kadibna waxaan soo gaaray halka ay tilmaamto ahayd telefan ayaan ku garaacay waxaana u sheegay meesha aan taaganahay.
Wax yar markii aan taagnaa qiyaastii 5 daqiiqo kadib ayuu ii yimid waxaana isu raacnay hoygiisa oo aan islahaa martiqaad wacan buu kuu sameeyay, waxaan nimid guri si wayn loo xardhay oo quruxdiisa aad isleedahay haka dhex bixin.
Markii aan iridka ee guriga soo dhaafay ayuu iri “Soo Dhawoow qalanjo, guriga waa gurigaaga waxaana tahay marwadii guriga” iyo hadallo kale oo macaan ayuu igu soo dhaweeyay. Aniguna mahadsanid ayaan si dabacsan ku iri.
Qol Fadhi ah oo si wayn loo sharaxay ayuu I kaanay wuxuuna shiday TV-ga oo ku tuuray Cajal heeso ah durbadiiba waxay ku bilaabatay hees aan in badan jeclahay oo aan miraheeda ka fahmay in gabar lagu ammaanayo fanaankana maba xasuusto, wax yar kadibna Cabitaan qabow iyo cunno fudud ayaa la isoo hoos dhigay.
Ninkiina kama daalayo hadallada jilicsan ee isku dayayo inuu igu soo xerro galliyo aniguna waanba xishoonayaa oo hadalka lama sii wadi Karin, Hubaashii waan aaminay ninkaas ismana laheen wuu kugu xad gudbayaa.
Cabitaankii ayaa la ii keenay ayaan mar kabaday mise waa cambe oo aan aad u jeclahay, waxaan u cabay sida qof ka baqaya in laga dhameesto laba daqiiqo kadib waxaan iska dareemay caajis iyo hurdo mise waa ila tagtay hurdadii.
Ma hubbo intaan suuxsanaa balse waxaan ku qiyaasayaa 40 daqiiqo waxaana soo toosay anigoo jiifo qolkii jiifka oo wata dharkii hurdada katabaanka waxaa iiga muuqday dharkaygii aad baan u naxay waana is day dayay waxaaba cajaradeyda ( Bowdyahayga) ka dareemay Qoyaan aad baan u sii naxay, iyo gudaha xubinteyda taranka oo aan wax ka dareemay.
Anigoo naxsan ayaa waxaa qolkii soo galay ninkii oo isna Shukumaan hoosta ugu xiranyahay waa iga dhaadhici waayeen waxa dhacay inkastoo ay xaqiiqo tahay hadana waan aamini waayay, isagoo dhoola cadeenaya ayuu I yiri gacaliso aad baad u macaantahay qadada Cashada waa diyaar ee isa soo diyaari intuu igu yiri ayuu iga laabtay.
Indhahayga waxaa markiiba ka soo daatay ilin qalbiga ayaana ka ooynaayay dharkayga ayaan katabaanka ka laacay anigoo u jawaabin ayaan galay qolkii fadhiga oo ka soo horjeeday qofla aan ka soo baxay ee jiifka.
Musqusha ayaan galay wajiga ayaan iska soo dhaqay waxaana si dag daga iskugu dayay inaan guriga uga baxo mise waa kan oo ileh macaaneey ila cuntee intaadan bixin aniguna madaxa ayaa I kacsanaa Hadalkana dhuunteyda wuu soo dhaafi la’yahay xanaaq dartii anigoon u jawaabin ayaan ka baxay gurigiisa.
Durbadiiba Taksi (Taxi) ayaan helay oo aan Gurigayga u raacay, way jirtaa marar badan oo gurigayga iga soo raadin jiray aniguna waan burin jiray anigoo aflagaadeenaya ,wixii markaa ka dambeeyay lambarkayga waan badashay nin dambana lama sheekaysan waxaana niyaddeyda ka dhaadhiciyay inay raga dhan isu mid yihiin.
Jugta I gaartay waa mid aan gabarnimadaydii ku seegay waxaana goolkana wuxuu dhashay markii aan miyir belay haddaan miyir lahaan lahaa sida tan ma dhacdeen.
Halkaan kala soco Qaybta labaad.
W/Q: Cabduqadir(Cadde)
Email: cadde13_1@hotmail.com
February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...
OH shit kaas oo kalaa raga ceebeeyay really waa wax laga xumaado in gabar walaashaa ah oo walibo wanaagsan inta kuusoo xero gasho aad waxyaabo aan suitable ku aheyn kusameyso wlh waan laooyaa markastoo arko qof gabar ku dheelaya waayo waa naflaha ilaahey abuuray midkooda ugu naxariista badan iimaanka in uu layahay waaba uu awoodaye muu iska guursado intuu xaaraan raadinayo anigu shaqsi ahaan waan kaguban really waan ka gubanayaa wxa gabadhaan wanagsan ee walaashey ah ku dhacay uuna kusameeyay midka jaahilkaa ee ay umaleysay in uu lahaasaawayo waxaana leeyahay walaal guurka haka quusan waxa kusoo gaarayna waa wax kuu qornaa wax aad danbi kuleedahayna maahan adigu couz maadan rabin adigu
I DON’T LIKE HER, WHY SHE GO WITH MAN THAT SHE IS NOT MARRY TO. WHY SHE DIDN’T STICK HER GO’AANIS.
Dadku markay diintooda kaleexdaan waxaa kudkudgaca wax kssta oo xun soomaali waxa meeshan dhigayna waa cadhada alle waxaa dardaaran iga ah qofkasta oo dulmi gaysta inuu alle ka abaalmarin ee bini aadanoow allahaa kaxishoo oo qiimee hadiikale cadhada alle cidna iskama celinkartee
Dhinaca kale zinada xukunkeedu wuu cad yahay waana hadday sooguursadeen in dhagax lagudilo hadiikalena lagaraaco
Marka qof alle ceebtiisa asturay inuu kasheekeeyo ma ahan ee waa inuu xataa haduusoobandhigayo uu yidhaa dhacdo dhacday ee ma han isagoo alle asturay uu isagu iskeeno fagaaraha marka gabadhu hakafaa iidaysato naxariista alle hana joojoojiso qoraalkan dhacdo dhacdayna ha u badasho mahadsanidiin.
Asc all walalaha somaliyed tan xigta wlhi ad & ad ban uga xumahay gabadha walashey waxa qabsaday wana ayandaro anago dhan na qabsatay mcnto wana kula qabna xanunka & dhibatada kuso gadhay alaha ku bogo dhayo mcnto asagana hadad adiga amintay o u ku shirqolay xaga rabi ayu abaalmarin ka helaya e adiga marnaba ha qusan nolosha mar unbad ka guleysan donta mcnto {inkasto an jeclan laha inan helo addreskaga mcnto} hadana inta nolosha kaga dhiman waxan ku rajeynaya farxad an dhaman mcnto …kaadheeri
Shiit wlhi wan ka xumahay
wax laga xumaadana weetahay
gabar somaliyeed oo sidaa loogu ciyaaray
gabar nimadediina la dhaaf shay
wlll
raga is ku da miir m aha
kuwo damiir lehna way ka buxan
marka rajada ale ha ka quusan
eee guurso
taasna mid aad kas u sameesay ma aha
ee wa mid kuu qornd in ay kugu dhacdo
Shukaansi iyo gabar nin raacda soomaali ceeb kuma aha, laakiin dhibta gabarta uu gaarsiiyey waa mid ku maqan aduun iyo aakhiro, gabadha waxaan u sheegayaa in ay arintaasi gabdhaha oo dhan ay haysato iyo mid ka daran, taasna xusuusnow, iskaba daaye hal nin waxaa dhacda marka uu ka dan gaaro in uu saaxiibadiis ugu yeero. tan gabadhaa oo aan aad aqyaarnimadeeda ugu bogay, waxaan kula talin in ay eebe u noqoto oo danbi dhaaf ku jirto, waxa ay jeceshahay ilaah ayaa u fududayn.
sheeko ahaa taasi ma dhici karto. inaad iska seexato guri islaameed waa lagaa yeelayaa sunno gud baan ahaa istiin kadibna waan miyir beeley lkn waa iska seexday mana aanan dareemin intii la i bigro jabinayey taasi macquul maahan intaas inaad ogaan weyso
run ahaantii qisada ku dhacdey gabadhaan aad baanu uga xumahay runtiina raga markii loo fiiriyo ragow maxaad rag ku tahay tani mahan ragnimo buuxda isagoo si kalsooni guurigiisa looga imaadey misna cabitaankii wax uga darey adunyadan wax walbo waa la arkaa waxaan la arkin malahan midaan oo kale dumarka inta bdan waa ku dhacdaa laakiin mahan qisadaani in la sameeyo in ragoo idil ay raali ka wada yihiin run ahaantii action kaan oo kele waa wax la filaan ah waana mahadsan tihiin dhamaan
sorry dear sis waa wax foolxun runtii ogoowna raga kuli isku mid maaha oo rajadaada iyo aaminaada ha u tuurin mooryaan aan wadno wanaagsan laheeyn asagaana ka heli doona hortiisa qalad aad sameeysayna ma jiro ee waa lagu dhibaateeyay,itoobiya boliis ma leh miyaa aad ku dacweeyn kartid iyo tol midna ,runtii murugada ugu weeyn ee jirta waa dadka soomalida ah oo eedeeya gabdhaha la dhibaateeyo iyo gabdhihii oo cabsi gasho hadii ay sheegaan in la dhaho waa dhilo ayadaa qaladkaas leh oo ah danbi binuaadanimo oo laga galayo dhibanaha,runtii waa arin adag laakiin kuwaas oo kale in joornaal lagu soo qoro ayaa mudan oo gabdhaha danbe laga badbaadiyoloona sheego in uu hebel arinkaas galay si uu aduunka uu ku noolyahay loogaogaado oo xitaa gabar la siin,samir wallaal waa aduun,..
asm waana ka xunahay Abaayo wax kale oon ku dhahno ma laha alaah hakuu danbi dhaafo insha Alaah ilaah ha kuugu badalo waxaad ku faraxdo AMIIN Ninkaan isku sheegayo M SALAD WAXAAN KU WEEYDIIYAY GABAR MA KULA DHALAN MAIYAA MAXEEY TAHAY WAXAAD KU HADALEEYSO SUNO MAA TAHAY IYO ASTIIN SHEEKADAAN RAQIISTA AH QOF DHANAA MUSTAQ BALKEEDII WEEYSAY DULI BAATAHAY EE XISHOO
M SALAD OO KALAA KUJIRO HADAABA SAA U HADLEEYSO WAAD SAMEEYN LEHED ILAAHAAN KAA MAGAN GALNAY SIDEE NIN GURIGIISA U SEEXANEE KU LAHAA DHAGAHA MAA LADAHAY CABITAANKAA WAX LEEYGU DAREY AYEEY KU TIRI GABADHA WAANA WAX DHOCO DHICINA KARO HADA DHACAY EE CAFIS WEEYDIISO GABADHA SOOMAALIYEED EE WALAASHEEN AH
Inkasto sheekadan lagayaabo in lasoo alifay aniga waxan dhihilahaa gabadheey wakhti kaama tagin ee hada kadib islaali calafna wuu jiraa oo marnaba kuseegi maayo..
asc gabadhaan muslimad ah koley diin yari baa ka muqata sheekadeeda ee alle ha u laabato qaldkaan oo kale kuma dhaco qof ahlu diin ah, diiniyan ma banaana in aad nin aan kula dhalan kuna dhalin hooyadaa iyo aabahaana la dhalan oo ku geeya casuunto oo hadana gurigiisa aad ugu tagto oo hadana heeso kuu shido waliba kuwa aad jeceshahay waxaas oo qalad ah baad gashay danbiga qeyb ayaad ka tahay adaana isu horseeday arinkan ogoow heesuhuna waxay fududeeyaan sinada.
sorry, huunooy aad & aad bnu uga xunahay hororkaa rag biiska ah ee aad mooday nasteexa & future ee wanaag ka doortay ishiish. way dhacdaa mararka qaarqof hagaagsan in illaah ku beego ruuxan uba qancin. waa qayb aduunoo qofna laysma raacsho. ruuxna ruuxisa mahelo. adiguna wallalo daacad baad ahayd denbina kaa raaci maayo inshaa allaah waxaanan kugula talin lahaa arinkaagu yuu noqon shinbiri beribay dab qaday markiina buulkeeday ku gubtay. rag badan oo akhyaara way jiraan inkastoo qofka hagaagsan aanay wejiga kagaba ool waaqof wacan. raga qudhooda waxaa la’arkaa in badan oo ay daacad ka ahayd wada noolaanshaha & naf qaybsiguba in illaah ugeeyo ruux dumara oon rag & rabitoona wax ka aqoon. wanaagna mooda been ka shegid guur khaa’inimo hoose & xabiibi ujeedo leh. qof noocaas ahina wuxuu ku danbeeyaa iimaan la’aan & khaatumo daro haba ubadnaadaan dumarka qurbaha inay uniikiyaan raga ajaanibta ah ragooda soomaliyeedna ee is yidhi uhiilina ay ugu goodiyeeyaan hadaad xagayga soo dhawrto police kaan kuugu yeedhi qiyaamahaagaana kici. waxayna taasi keentay in hablihii qurba jooga ahaa inay noqdaan xoogoodii saan buuse laga eedaamay. maxaa wacay hadaad ku heshiisaan aan raga wanjalno in laydinka tashadaa waa xaq waayo idinkaa ka been sheegay wada noolaanshihii & gurkiiba. waxaa inta badan dhegahaagu maqlayaan siba qurbaha yarkii abdi yare 8 baa loo hayaa midibaana daabka loo haystaa. THE REAL OMARPK. HOLLAND. *UNITE GIVES US POWER.*
Inalilahi wa ina ileygi rajicun subxanalah nastexo wax ku qorna ma adan segten wankaga tacsiyeyna walh ale wayne aya joga qof walbo ale aya malin ka abal marinayo waxu falan abayo dhibka ku garay wlh waxa u garay wa walashay wa muslimad wa gbr somaliyed wa sharafti umada somaliyed ninka sas falay ale waxan uga baryaya dhbka u geste ale inu ka hanuniyo hadusan hanun la rabin ale inu naga qabto umadana ka wado
Bahda dhobley waxan idinka codsanaya plz and plz hadalada an munasabka ehen in adan so gudbin maxamud ader manta naftada ayad ku wayn lahayd erayga ad gbrta ku darineysid aqi walagu xisabin dona ogaw malin un nastexo dhbka wana wada galay wlh ale aya wali jiro jogo xasusta ale ku tagnaw
Bahda dhobley waxan idinka codsanaya plz and plz hadalada an munasabka ehen in adan so gudbin maxamud ader manta naftada ayad ku wayn lahayd erayga ad gbrta ku radineysid dhibka waxu ku dhacy wa walasha o kale ma sida ad ugu jawabi lahayd ah wanka xumahay ragu isku damir ma ha aqi walagu xisabin dona ogaw malin un nastexo dhbka wana wada galay wlh ale aya wali jiro jogo xasusta ale ku tagnaw
Sheekadaan Mid Macbil ah Ayay u Egtahay/
Fadlan Hasoo Gudbinina Waxyaabahaan OOkale.
Haday Jirtana Aqoonyari Ayaa Kamuuqata, Waayo Sharcigu Ma ogala Laba Qof Oon Isqabin in Ay Guri iskula Kalinoqdaan. Waana Wax Aasaas ah oo Qofwalba oo Muslim Ahi gararnkaro.
Hadaba waxaan Runtii Aaminsanahay, Sheekadaan Waa Xayaysiin ay Dhoobleey.com Ay Dadka kusoojiidanayso.
Allaahu Aclam.
Aad ayan uga xumahay warkan hadu run yahay waxana leyahay ninkas nacas nimo ayu sameyey iyadana qalad ayey ku sameysey inay gurigii u raacdo. Si kastaba walashey mcn wn ka xumahay hadan Adis Ababa jogi lahayana wan ku so radin nololo wcn ayan kula qeyb san laha micnaha wn ku gursan laha anigo eegayn waxa uu kugu sameyey ninkaa.
asc..marka hore aad baan uga xumahay gabadhaas somaliyeed ee walaasheen ah ii qaladka adka u weyan laga galay…. lakin waxan u shegaya gabdhas iyo gabdhaha kale ee la mid ka h in ay qaldan tahay sababtoo ah sharciga islaamku maba qabo mana aho dhaqan somaliyeed in aad in ajinabi kaa ah aad gurigiisa kula kaliyeysato.. ilahay intaa u labato cafis ka dalbo ninkaas qaladka galayna ilahay meeshuu ka galaayo asaa yaqaano.. lakiin walal nasteexo waxan kugu waninaya wax dhib leh maaha noloshaada mid kale oo ku wanajiya allaha kugu badalo kuguna abal mariyo. Amiin…wabillaahi tawfiiq
Aad baan ooga xumahay waxa qabsaday gabadhaa walasheenada ah waxaana kacodsanayaa ineysan mooral jabin ragana ragbadan oo wanaagsan baajira waxaana kuu rajeeynayaa mustaqbal wanaagsan in uu ilaah kuugu badalo doqonkaasna dhibaataa kuugeestay waxaa jiri doonta maalin ladhaho yowmul xisaab insha allah ilaahbaa xisaabibin doono waxaana udigayaa hablaha muslimaadka ah ee kaleento ineey cashir noqoto inkastooo maalmahan dambe aan quus kataaganahay hablaha somaliyeed ee adis ababa nala joogo aadna oogu xirtay xabishida nadaafad ahaan iyo dinn ahaanba liita iney kawaantoobaan ogaadaadaan in eey uwacneen tii allana dambeeysa
Waxan usheegilaha gabadha ay ku dhacday qisadan way ku marte iskada calacalka
Asc all of you walaalaha dhamaantiin intaakadib waxaan halkaan ooga tacsiyadeynayaa walashey nasteexo islaam soomalia waxaankuleeyahay nasteexo markakoowaad iskasabir markalabaad ninkii waxaaskugu sameeyay alle kusiidaa alle ayaa ka agoodbadan marka sadaxaad dadka soomaliyed xumaan iyo wanaagbo waa isku dhexyaalaa rag iyo dumarbo taasiiwaxaan kala jeedaa kanwaxaaskugu sameeyay in aadan wiilasha soomaliyeed oo dhan aadan unicin macadalaahiyee waxaajiro kuwo taqiyiin ah unajajaban gabarkasta oo soomali ah aanan uquurin in aktooda hanqaruufo lagugaarsiiyo marhadeysastahay midkaanii nasabka xunmamatalaa walaalahaa maye nasteexo alxamdulilaah haduubo kudilin ilen weykasuurowdayee eewaxaankuleeyahay waxxun anaga aamin sanaanin hana naga quusan insha allaah alle waxaankabaryayaa midkeena noogufiican nooguna aqligabadan nooguna xilgaradsan in uu kuguhagaajiyo si aad uhilmaanto lafaxumaha waxa uu kugu sameeyay oo waxshiga ah waana aankusalaamayaa
Asc walashey wankaxumahay waxa kugudhacey iskanasamir takale walaley dinta hadad kudhaqmi lahayd xumaanta kumaad dhacden waanad kuqaldantay inaad nin aan sharcigu kuubaneyn lakaliyeysato ilaahay dambi dhaaf weydiso wabilahi tawfiq
Waan ka xumahay wll mcto haday qisadani tahay qiso dhabaa wll waa mid laga naxo waana qiso layaable waana nin ceeboobay sabankan lajoogo gabdhaha soomaaliyeed waa dhibsan yihiin waan wakhti dhamaan soomaalidu ay dhibaatay sanyihiin by
WAXAAN FILAYAA in gabdho badan taa iyo tu la mid ah ku dhacayso hadii ayna is elaalin
waayo ragu waa waraabayaal waraabna hadii adan yur dhihin kaama leexdo , Adigana intaad is sharaxday baad nin gurigii sii ugu tagtay adoo kaligaa ah maxaad sugaysay yaakuu baneeyay somalidu waxay dhahdaa naguhu waa hilib bisil—adiguna hilibkii bislaa bad nin baahan miiska u saartay ,guurku waa calaf wixii ILLAAHEEN kuu qorayna gafimaysid ee gabdhoow xishooda anigu khaladka adaan ku saarayaa.
Asc
Yab waye welshi somaliyed hadayna una xayn walalahod yawaye mid ka kalo oo no naxayo kee ad wanag kubarato ayaa xuman iyo waxadan kafilanayn kula imanayo marka hadayba sas tahay waa is amin la.an iyo wada xarir laan sababto ah mid mid kudhamayo majiro btter inadan nin dhanba laqabsanin sababto ah dareen malahan 100 kiba 10 waxay duleyan kudarn kwa adunka ago naxdinta badan ayay raban marka ilaah unbaa og waxa jiraya iya ka agu wanagsan marka illahay gabdhaha guur kuda haa wanajijo