
Waxaan kuu soo gudbin doonaa dhowaan qodob oo muhiim kuu ah, gabaryahay il gooniya ku fiiri Qodobadaan aad ayay kuu anficidoonaan.
*Haddii ninkaada uu soo galo guriga oo aadan ka tagin shaqo waliba oo aad gacanta kula jirtay kana hortagin si aad ugu qaabisho dhoola cadeynta hadaba xaas ahaan uguma qalantid , haddii ninkaada uusan guriga ka heleyn qof iloowsiisa daalka shaqada hadaba maxay tahay faa`idada ku jirta in aad xaas ahaato .
* Haddii ninkaada uusan ka heleyn cunada aad gacantaada ku karisay oo banaanka ka soo cunteynayo , dharkiisana goobaha dharka lagu dhaqo geeysanayo hadaba ogaaw xaas uma qalantid .
* Haddii ninkaada uu caroodo(Xanaaqo) oo aad kun eray ku sii cel celiso adiga oo codkaada dariska maqalsiinaya hadaab xaas uma qalantid Ogaaw ninkaada waxa uu ku soo daalay cadaadiska nolosha iyo hunguri raadintiina mararka qaar neerfooso ayuu noqon karaa waxa uuna doonaya haweeney dajisa mar waliba .
* Haddii ninkaada aad guriga meel ka wada faristaan halka jirkaada uu soo buuqayo (shiirayo) ama dharkaada loo adkeysan karin hadaba xaas uma qalantid , waxaa haboon in haweeneyda ku jirto muuqaal kan ugu qurxoon marka ninkeeda ay la joogto .
* haddii waqtiga salaada la gaaro oo aad ninkaada u kicin salaadda kulana talin in wax yaabaha xaaraanta ka fogaado iyana waxa ay muujineysa in aadan xaas u qalmin .
* Hadaadan ihtimaam iyo dareen aadan siin ninkaada marka uu kula hadlayo oo aad kaga mashquusho PC-ga ama Tv-ga halka ninkaada arin muhiim ah kuu hayo iyana waa arin kale oo xaas uma qalantid , waxaa haboon in haweeneyda dareenkeeda dhan isugu geyso dhageysiga ninkeeda marka uu la hadlayo.
Haddaba wixii Talo ah waa lagaa caawina ee kala soo xiriir cinwankan hoose.
Email: cadde13_1@hotmail.com
Waa runoo ninka mar walba waxuu rabaa naagta isku doosan dhan walba.gabadha hadii eeysan ninkeeda wanaag ku qancini karin ha ogaato waxaa banaanka joogo gabar kale oo hawshii ayida eey qabani lahayd uqabaneysa. Gabdhoow da, daala hadii aad nin wanaagsan heshaan.
Gebdhow qata wixi nili shego maqlana hdlki nimanka ni qabo
Asc dhamaan walalaha muslimiinta eh melkasta oo ay jogaan runtii waxaan umaleynaya inaysan jirin haweney aan usamen karin zaygeda waxkasta ow ubaahan yahay lkn haday jiraan kuwo saas eh oo aan usameynin zeygeda waxaa dhicikarta inaysan awodin sababtoo eh hawenku waxaad ogtihiin inay yihiin lafdhexaadka dunida waxaana kudhisan bulshada oo dhan saasay tahay waxan isleyahay majirto midaan kaafi karin gurigeda iyo zaygeda iyo qaraabada intaba waxan idinleyahay asc wr wb.
waa run qerbadan alaha ku siyo gabgaha yunta aya ushegyay
Waxaan dhihilahaa Hawenka Raga Ha.udhega nugladaan allah haka cabsadaan
Asm kkkk istaaq furulaah wax lagu qoslo maaha lkn waxaan u qaatay inaad ka sheekey neysaan film kii BEAUTIFUL markaan saa dhahayo yaan qalad ii fahmin waxaad dhahden haduu guriga soo galo ka hortag haduu careysan yahay kun eray ha ku cel uu dhibsanayo OK adigoo dadka ama dadka is maqshiinaayo cudurka i leen waa wada qabtiin wax baa lees maqshiiyaa mid ogaada in naagtaba aay xaq leedahay waxaana aamin sanahay naag uu ninkeeda uwanaagsanyahay ineeynan waxaad shageeysaan iyo wax udhaw ka suuroobin nimanka yurub ma ahaan umaleeynaa nimka in sidaad sheeg teen loo noqdo nimka ma wada xumo lkn waa ubadan yihiin adin koo RAALI AH
Asxaabey walaahi iyo bilaahi waxan hubaa in lahelaay ama ay jiraan haweeney aan sameynin qodobada la soo sheegay. Waqtiga hada la jooga markaad gurigaga timaado oo xaaskaga salaanta kuuma suurtagasho in salaanta laga radiyo ilaad soodha bixiso. Kuwaasi ma,xaasnimey u qalmaan?
Hadii lafurana naag maqabto khasaaro waxaa khasaaro qaba ninle ee waxaba hanugu gubabinina taas.
Horta anigu waxan isleeyahay gabdhaha dhan in ay darensan yihin waxa ninkoda farxad galinaayo iyo waxan farxad galineyn gabdhaha in badan khayr alaha siiyo wey fiican yihiin weyna garanayan xaqa ninkoda uu ku leeyahay halka kuwa kalana u baahan yihiin in la wacyi galiyo marka gabdhaha waxan leeyahay oo adheeca ninkiina is carfiya xiliga kulanka habenkii cunto fiican siiya ninkiina u sheekeeya ninkiina markuu shaqada ka yimaado ka hortaga dharkana kasiiba taasana idin khayr badan aduunyo iyo aakhiraba. Asc
War gabdhaha waa kolba sida ay raga ka arkan lakin waxa horay loyidhin wano aburba kahoreyey
Asc waan idinsalaamayaa gabadha waa in ay ninkeeda kafarxiso marwalba laakiin kawarama hadii. Waxwalba gurigu ubaahan tahay dumarku ay qabtaan oo daalaan ninkina marfishka joogo goormaan ka farxiyaa waanba daalanahee habeenkiina baatigeeday kuseexan uma qalmo in naag loo noqdo