Hadaan in yar dib uga noqdo dhaqankii iyo hidihii ay dumarka somalidu lahaan jireen,waxaa lagu tilmaami jiray in gabdhaha somaliyeed ay ahaan jireen kuwa ugu dhaqanka iyo guurka wanaagsan caalamkan aynu ku nool nahay.
Hadaba akhriste mudooyinkii ama sanadihii ugu danbeeyay waxaa isbedelay weyni ku yimid qaabkii ay isku guursan jireen ama isku xulan jireen dhalinyarada somaliyeed.
Waxaan jecelahay in aan manta maqaalkan kusoo qaado guur la’aanta wiilasha somaliyeed ee jooga gudaha somaliya iyo gabdhaha somaliyeed ee jooga isla gidha somaliya balse u hanqal taagaya in ay guursadaan raga qurba jooga ah.
Mudo badan oon u kuur galay arintan ayaa waxaan ogaaday in hablaha somaliyeed ee guurdoonka ah ay wakhti badan ku lumiyaan sidii ay mar uun ay nolosha ula qabsan lahayd raga qurba jooga ah iyaga oo muhiimka saaray sidii ay u tagi lahayd qurbaha.
Waxaa hubaal ah in dhalinta somaliyeed isku xulan jireen jacayl dhexmara labada qof ee nolosha qaybsanaya,qoyska labada lamaane ka soo kala jeedaan iyo in labada qof ee is guursanayaa ay mudo dheer kulmi jireen si uu midba midka kale uu u barto dhaqankiisa iyo dabeecadiisa u gaar ka ah.
Laakiin guurka manta ee qurba joogta iyo gabdhaha somaliya ku sugan ma eegaan xeerarkaasi aaynu kor ku soo xusnay,gabdhaha somaliya jooga intooda badan marka la yidhaahdo heblaayo waxaa ku doonaya in uu ku guursado nin qurbaha ku nool,su’aalaha ay ninka gabdhaha la soo doonay ay ninka weydiisa waxay tahay ninkaasi qurba joog passport ma leeyahay,wadanka u joogaa lacag badan ma leeyahay iyo ma ii kaxay karaa halka uu ku nool yahay Haday tahay America,Europe.
Gabdhaahaasi hadba waxay si fudud u ogolaataa guurka ninkaasi qurba jooga ah iyada oon eegin waa maxay ninkaasi mid aad nolosha la wadaagi karto mayahay ayay horey ka guursataa.
Guurkaasi isaga ah inta abdan waxaa la tilmaamaa in uu ku dhamaado fashilaad iyo isfaham la’aan.
dhamaan akhristayaal waxaa iaga su’aal ah maxaa la gudboon raga somaliyeed ee guurdoonka ah eek u sugan gudaha dalka somaliya meel walba ha ka joogee mar hadii gabdhaha somaliyeed 57% ay doonayaan in ay guursadaan raga qurba jooga ah eek u sugan Europe,America iyo Wadamada Hodanka ah.
Ilaa iyo waqtigan nama soo gaarin wiilashii wadanka ku dhaqnaa ayaa gabar ka la, a wadankii. Waxaan ognahay gabdhaheena ineey ku soo hagaagayaan ninkiiba sedex iyo ka badan.nimanka qurbaha ku noolna waxeey ka mid yahiin nimankii somaliyeed oo sedexdii tiro midkooda sugaayey.marka tirada gabdhaheena qurxoon marnaba isma dhimaayiino.weeynu wada ognahay mida ilqabadka leh ineey ka xushaan qurba jooga taas micnaheeda ma ahaaneyso wiilashii weey ku guur la, a yahiin. Mar walbabana weey jiri jirtey gabdhaha ineey u janjeertaan xagga dheefta iyo nafciga tani ma ahan mid hada bilaabatey oo waxeey ahayd mid soo jireen ah.waqtiyadii hore gabadha kuma jiri jirin hanqal taag weyn iyo hawo meel ku aad.gabadha hadii eey hesho nin dhaqani karo waxeey maqsuud ku ahayd ineey gurigeeda ku nagaato.balse waqtigan xaadirka ah taasi weey ka bedelentey wajigii hore.gabadha marka eey guursaneyso nin qurbaha ka imaado mowqifkeedam ahan in ninkaas eey u noqoto xaas u degan oo reerkeeda dhaqato.mowqifkeeda kaliya waxuu yahay sida eey ninkaas ugu tagi lahayd dibada. halkaas ayuu ka bilaabanayaa iska hor imaadka iyo burburka reerka. Gabdhaheena qurxoon ee wadanka joogo waa ineey mid ogaadaan taas oo ah wiilasha qurbaha ka imaanaya dhowr arimood ayeey guur ugu soo raadsadeen wadanka.mida ugu horeysa ineey dooqooda no u xushaan mida ugu tayada wanaagsan.mida xigta wiilka inuu rabo in xaaskiisa meesha eey u joogto maaadama uusan gabdho ka soo waaynin halkaas.mid ugu dambeysa wiilka waxaa laga yabaa inuu goal leeyahay uuna rabo xaaskiisa iyocaruurtiisa ineey wadanka u joogaan maadama uu arkey dhaqanka qurbaha. Asagoo kutalagalkiisa uu sidaas yahay ayeey gabdhaheena rabaan in dibada uu geeyo.marka gabadhii eey ninkeeda qaaliga ahaa eey ka xulato dibada ninka waxuu ita qaadayaa gabadhan niyadeeda ineey tahay kaliya sideey dibada ninkaas ugu tagi lahayd ee aaysan ahayn ineey xaas mustaqbal ninkeeda u noqoto.dabcan nin walba aad ayuu u rabaa in xaaskiisa eey isla noolaadaan, balse gabadha waa ineey ka kasbataa ineey ninkeeda jeceshahay eeysan jecleyn dibada.taas marka eey dhacdo guur badan ayaa ahaanaya mid lagu nagaado.hadii aan gadaal u soo noqdo qof walbo oo bili, adam qofkiisa wuu u diyaarsan yahay inta dunida la joogo.wiilasheena wadanka joogana u maleyni maayo hal gabar oo qurbaha looga imid ineey guurkooda dib u dhigi doonto. Maxaa yeeley qalanjooyinka inta ugu qurxoon ayaaba agtooda joogo.
who ever post the picture the stole from some one and this lady is happily married so please n please remove these picture before i report it thanks.
asc ma aha mid sax ah hadii ukuxirxnyahay basspot ama beeso bada asga wuxuuraba in ugursado gabar somaliyeed o asturan eewadankii jogto ooo cosob ah ama bakra ah simustaqbalkiisa uu uhagaago lakiin maxa kasokeeye dhib badan lamawada dhihikaro waxunyihiin lakiin waxajiraa kuwo gabdha magaca kadila gabdhaheena sharafta lah wayjogan halka anyjogno lakiin ganacsi raadis ee maha an mutaqbal shaqokulaheen marka hore ba heshiis xagadha dhaqaalaha ah ama dhan walba wayo waxay arkan galadi o qoska ayhaween taliyaa uninna hadlikarin haydiy kuwaakaduwan yihiin nolal ayaan uhaynaauhaynaa iyo kalgacal iyo gacma furan ayaankusodhawaynaynaa gabdheena sharafta lah
Raga somaliyeed dhamaan ha adan qurbaha haday raban imay gursadan gabdho somaliyed.kkkkkk
Kkkk cid calafkeyga iga hor istaagi karto malahan oogu danbeytii
waxa la su xayiraa ba la yaableh, dantada dhinac karaac. ruuxaad jeceshahay ,somali nice muslim go for it. iraaqa ilaah baa balan qadey.
Kkkkk asc aqyaareey waad salaaman tihiin dhamaantiin been maaha qof kasta iyo calafkiisa weeye waloow ay ujanjeeren dumarkii somaaliyeed raga qurbaha ka imaanayo kk taana waa sax ileen in lawaday rabaan oo nolo raaxo leh ay ku noolaadan aha aha hadaan qaldamayna iga raali noqoda