Thursday, May 23rd, 2013

Sida Lagu Dejin Karo Maseyrka Dumarka Marka Lala Guursado.

Published on December 26, 2012 by   ·   4 Comments Akhrisatay :21185

Maashaa Allaah. Waa qoraal qiimo badan, qoraaguna muujiyey khibrad iyo aqoon. Waxaan filayaa iney tahay qof dumar ah qoraagu. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku daro khibraddeyda dhanka ragga. Horta ninow maxaa kugu kallifaya inaad adoo marwo wanaagsan qaba mid kale u guursato? Way jiraan duruufo ama duruuf mar marka qaar kugu kallifaysa inaad xaas 2aad guursato, laakiin waxaa jira waxyaalo badan oo wax laga qaban karo. Horta ma u sheegtey inaad la guursaneyso. Maya, inteenna badan waan qarsannaa. Laakiin waxaa fiican inaad u sheegto, si haddii sababta kugu kallifeysa ay dhankeeda tahay ayna wax ka qaban karto aad u siiso fursad ay wax kaga qaban karto. Haddiise aya tahay duruuf aysan waxba ka qaban karin, sida dhalmo la’aan, jirro wakhti dheer ah IWM, isku day inaad ku qanciso oo iyadoo raalli ka ah aad la guursato, inkastoo ay adag tahay iney raalli marna ka ahaato, laakiin iskudey samee. Haddiibase ay dhacdo inaad la guursato horey ugu sii sheeg ama ha u sheegine, ogow iney maseyreyso kuna tala gal isbeddel weyn oo reerka ku dhaca.

Waa run masayrku waa jirro dawadiisuna waa Alla ka cabsi iyo samir badan. Sidaas darteed waxaan kula talinayaa raggu markay xaaska la guursadaan oo ay maseyrto iney la yimaadaan samir badan. Waa inaad fahamtaa in dhibka aad adigu keentey illeen adaa la guursadey gabadhan maseyrsane. Ha u arkin iney iyadu khaldan ee ogow khaladka inaad adigu leedahay. Waxaad kalood ogaataa in gabadhani la maseyreyso jacayl ay adiga kuu qabto, waayo, haddeysan ku jeclayn dan kaama gasheen haddaad 3 kale xataa la guursato. Marka waa qof ku jecel oo aad kuu rabta, rabtana siday kuu jeceshahay inaad u jeclaato keligeed oo aanay gabadh kale jaceylkaaga la qaybsan. Ogow qoftani ineysan caadi ahayn oo isbeddel weyn ku dhacay. Intaas haddaad fahamto waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho sidaad ku dejin lahayd adoon la buuqin, lana dagaalin. Waxay u baahan tahay inaad wakhti badan siiso. Waa inaad ka ilaalisaa oo aadan marna ka hadlin xaaskaaga cusub. Haba soo hadal qaadin. U samee wax alla waxay kaa dalbato intaad awoodo, aan ka ahayn furriin. Ogow hubkeeda ugu weyn waa ama aniga ama iyada. Taas marna ha yeelin. Marna ha kula buuqin carruurta hortooda, hanaba la buuqin, Waayo xal ma aha buuqu. Waxaad isku deydaa inaad la kaashato haddey jirto qof dumar ah oo ay saaxiib yihiin, laakiin ah qof diinta ku fiican, aadna ogtahay iney sida wanaagsan wax ugu sheegeyso.

Haddaba waxaan ku soo gabagabeynayaa: 

1- Xaaskaaga haddey tahay qof gudaneysa waajibkeeda hooyonimo iyo naagnimo ha la guursan haddeysan jirin duruuf kale oo qasab kaaga dhigeysa inaad la guursato, ee sii dhiirrageli si ay u sii fiicnaato. Yuusan ku hoggaaminin damacaaga iyo jaabkaagu.

2- Waa inaad la timaadaa samir iyo dulqaad badan. Marna xalku ma aha dagaal iyo buuq.

3- Ha ka dhigin xal inaad furto marnaba. Ogow qofka wax furaya waxna xidhaya waa adiga, waana awood Ilaahay ku siiyey maadaama aad nin rag ah tahay. Marka awoodaas ha ku ciyaarin.

Readers Comments (4)

  1. Afmado-boy says:

    Acw . Waa maqaal wanaagsan runtii . Waxan fiicnan lahayd inaad dumarkana mid ku saabsan soo daabacdo . Mahadsanid

  2. Afmado-boy says:

    Acw . Waa maqaal wanaagsan runtii . Waxana fiicnan lahayd inaad dumarkana mid ku saabsan soo daabacdo . oo lahadlayo Dumarka si khaas ah, markay jirto xaalad Guur labaad oo ninkoodu sameeyay . Mahadsanid .

  3. Garsoor waa Alle says:

    Sxb fiicana haday dumarku ula dhaqmayaan ragga soomaaliyeed xalkoodu badi waa furiin ee fdlan ragow raaca taladan wacan

  4. hooyo soomaaliyed says:

    walal waa talo wanaagsan waa talo dumarka iyora gaba anfaceyso bals ma dhacdo in ay raga sheegaan iney guursanayaan taasin waa qaainimo wayn maxaa yeeley nin aad daacad u tahay oo naag kale kula qaba oo aadan oqeyn waa ayaan daro waxaa ila quman in uu marka hore u sheego in uu guutsanayo



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...