Friday, May 24th, 2013

Hay’ada MSF Holland Oo Joojisay Adeegyadii Caafimaadka Ee Ay Ka Waday Cisbitaalka Magaalada Beledweyne.

Published on December 31, 2012 by   ·   No Comments Akhrisatay :282

Hay’ada MSF Holland oo joojisay hawlihii caafimaad ee ay ka waday Cisbitaalka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya, MSF ayaa shaacisay in maanta ay gabi ahaanba joojisay adeegyadii caafimaad ee dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ay ka wadeen magaalada Beledweyne oo ay ka  faa’iideysan jireen shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo gobolada ka agdhow.

Hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa u aaneysay joojinta adeegyadii ay u hayeen shacbiga ku dhaqan beledweyne iney ka danbeysay kadib markii la dilay 2 kamid ahaa shaqaaleheeda iyadoo laba kalane ay mudo dheer gacanta ugu jiraan dabley hubeysan oo afduub u haysta,

Hay’ada ayaa walaac ka muujisay ammaanka magaalada Beledweyne waxayna sheegtay ineysan sii wadi karin adeegyadii ay u hayeen dadweynaha gobolka Hiiraan oo xiligan si weyn ugu baahnaa gargaarka caafimaad ee ay u haysay ha’ada MSF.

MSF Holland ayaa hore u joojisay hawlihii caafimaad ee ay ka qaban jirtay Cisbitaalka weyn ee Istarliin ee kuyaala magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud kadib markii ay sheegtay hay’adu inaan la isku halayn karin ammaanka magaaladaas.

Dadka ku dhaqan gobolada dhexe ee wadanka Soomaaliya ayaa walaac ballaaran ka muujiyey bixitaan hay’ada MSF Holland oo gacanta ku hayn jirtay xarumaha caafimaad ee kuyaala goboladaas, waxayna ka codsadeen hay’adaas iney ka laabato go’aanka ay albaabada iskugu dhufaneyso Cisbitaalada ay gacanta ku hayso.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...