Friday, May 24th, 2013

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Xukuumada Ka Dalbaday Inay Soo Gudbiso Tirada Ciidamada Iyo Shaqaalaha Dowlada Ee Mushaarka Qaata.

Published on December 31, 2012 by   ·   No Comments Akhrisatay :2121

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday xukuumada Soomaaliya in ay soo gudbiso tirade askarta ay mushaaraadka siiso iyo waliba shaqaalaha dowlada ee u diiwaan gashay.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad C/lle Cawad ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay arintaasi ka sugayaan baarlamaanka Soomaaliya.

Mahad C/lle Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu galayo fasax islamarkaana Bisha March 03-deeda Xukuuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada maaliyada looga fadhiyo inay keento dhaqaalaha ku baxo ciidanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya in ay wasaarada soo gudbiso shaqaalaha dowlada u diiwaan gashay ee musharaarka qaata.

Muddooyinkaan dambe xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaye arimaha miisaaniyada xukuumadda iyadoo shalay ugu dambeyn la ansixiyay miisaaniyada Xukuumadda.

Baarlamaanka Soomaaliyana Wasaarada maaliyada uu uga fadhiyo inay keenaan qarashaadka ku baxa ciidanka inta uu la eegyahay iyo shaqaalaha u shaqeeya dowlada.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...