Friday, May 24th, 2013

SABABAHA KA DANBEEYA DILALKA SAXAFIYIINTA LOO GEYSANAYO OO LA SHAACIYAY.

Published on December 31, 2012 by   ·   No Comments Akhrisatay :2227

Ururka u dooda xaquuqda saxafiyiinta caalamka oo la yiraahdo International Federation of Journalists (IFJ) ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in sanadkaan uu ahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa marka loo eego saxaafada kala duwan ee ka howlgala warbaahinta,waxa ayna sheegeen in warbixinta ay ku hayaan sanadkaan kaliya in la dilay 121 saxafi oo dunida dacaladeeda ku kala nool oo weeraro kala duwan ay ku dhinteen.

Ururkaan caalamiga ee u dooda saxafiyiinta caalamka ee loo soo gaabiyo (IFJ) ayaa arintaan dilalka ah inkastoo ay qornaayeen hadana eedeynta waxa ay dusha kaga tuureen dowladaha lagu dilay saxafiyiinta iyo Qaramada Midoobay oo xil buuxa iska saari waayay dhowrista waajibaadka saxafiiyinta ay ku leeyihiin dowlada iyo waliba maamulada kale ee goobaha lagu dilay xakuma.

Sii socoshada geerida saxafiyiinta caalamka ee 2012 waa arin murogo leh,laakiin arintaasi waxaa xil iska saari waayay in laga hortago xadgudubyada saxafiyiinta kuna guuldareystay ilaalinta xaquuqdooda dowladahooda,sidaasi waxaa sheegay madaxa Ururkaan (IFJ) Jim Boumelha.

Layaab malahan cir isku shareerida tirada saxafiiyinta dhimatay sanadkaan,waxa ay noqotay maqaal dadka ay maanka ku hayaan qarnayadii la soo dhaafay,marka loo eego jawaabaha ay bixinayaan dowladaha iyo qaramada Midoobay oo hadalkooda ku soo koobay kaliya erayo kooban oo canbaareyn ah.

Marka loo eego warbixinta ka soo baxday maanta ururka caalamiga ah ee u dooda xaquuqda saxafiyiinta caalamka Jim Boumelha ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta geeriyootay ay u geeriyoodeen siyaabooyin kala duwan,oo lagu sheegay in qaarkood ay u geeriyoodeen xanuuno haleelay iyo weeraro lala bartilmaameedsaday.

Waxa ayna warbixinta intaasi ay ku dareysaa in wadanka siiriya uu yahay wadanka saxafiyiinta ugu dhimashada badan caalamka gaar ahaan wadamada dhibaatada ay ka taagan tahay,iyadoo soomaaliyana la sheegay in kaalinta sedexaad ka gashay goobaha saxafiyiinta xadgudubyada loogu geysto.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...