Thursday, May 23rd, 2013

YEMEN OO SHEEGTAY INAY GACANTA KU DHIGTAY MUWAADINIIN SOOMAALIYEED OO HUB WADAY.

Published on December 31, 2012 by   ·   1 Comment Akhrisatay :2233

Warbixin lagu daabacay jariirada carabta ee fadhigeedu uu yahay magaalada London Al-Sharq Al-Awsat .dowlada Yemen ayaa si aad ah waxa ay kaga walaacsan tahay doonyo sida hub sharcidaro ah oo gala dalkeeda,waxa ayna sidoo kale sheegtay in iyadoo taasi jirto ay gacanta ku dhigtay labo muwaadiniin Soomaaliyeed oo hub si sharci daro ah ku gilinayay wadankeeda.

Jariirada Al-Sharq Al-Awsat oo soo xiganeysay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka hadal uu soo saaray,ayaa waxa uu ku sheegay in dowlada Yemen gabi ahaanba ay joojisay doonyaha iyo maraakiibta sida sharci darada ah ku galaya dalkeeda ee adeegyada kala duwan wada,kuwaasi uu sheegay in lagu soo dhexqariyo hubka sharcidarada ah ee loo wado dagaalyahanada ka soo horjeeda iyo waliba kooxo qabiilo ah oo deegaanada Yemen ku dagaalsan.

“Hada waxaan gacanta ku haaynaa labo muwaadiniin Soomaaliyeed iyo 16 u dhashay wadanka Siiriya,waxa ayna ku eedeysan yihiin hub sharcidaro ah ay giliyeen Yemen,waxaana dadkaasi ku qaadi doonaa sharciga dalka u yaala,sidaasi daraadeed dadka kale ee ku mashquulsan in hub ay soo giliyaan Yemen waxaan u sheegeynaa inay arintaasi ka digtoonaadaan.sidaasi waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha.”

Waxa uu sidoo kale wasiirka arimaha gudaha oo lahadlayay Jariirada hadalkiisa uu intaasi ku daray in si weyn loo adkeeyay amaanka biyaha kala qeybiya soomaaliya iyo yemen,xitaa sidoo kale waxa uu carabaabay in ay ilaalo gaar ah u yeelanayaan qaxootiga galaya wadankeeda ee Soomaalida ay u badan yihiin.

Hadalkaan ka soo baxay dowlada Yemen ayaa ku soo aadaya xili dowlada Yemen ay ka cabsi qabto in dalkeeda ay si dhuumaaleysi ah ku galaan dagaalyahano isugu jira ajaaniib iyo Soomaali oo ka tagaya soomaaliya ee doonaya in ay gaaraan yemen si ay u caabiyaan dagaalyahanada Yemen ee ku kacsan dowlada dalkaasi.

Readers Comments (1)

  1. Ahmed says:

    Sawarkan ma caasimada yamen, war foolxuma bilicda gaalkacyo ba ka qurxoon



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...