6 Urur oo kasoo Gudbay wajiga 1-aad ee isdiiwaangelinta Ururada Puntland.
Published on December 31, 2012 by cade · No Comments
Akhrisatay :2141

Kadib shir jaraa’id ay xarunta Gudiga doorashooyinka Puntland (TPEC) ee Magaalada Garoowe Masuuliyiinta Gudiga ku qabteen ayaa lagu shaaciyay in uu xirmay wajigii 1aad ee isdiiwaan gelinta ururada doorashooyinka Puntland iyadoo loo gudbi doono wajiga labaad inkastoo aan saxaafada loo soo bandhigin waxa ay noqon doonto qaybtaas labaad.
Gudoomiyaha (TPEC) Maxamed Xasan Barre oo Saxaafada u aqrinayay Warsaxaafadeedka ayaa sheegay in dadaal dheer kadib iyo waqti kordhin ay gudigu sameeyeen lagu guulaystay in ay soo baxaan 6 urur oo kasoo gudbay marxaladii 1aad ururadaasi oo kala ah.
1: Horseed
2: Hormarin iyo Cadaalad (HorCad)
3: Midnimo
4: Ururka Dimuqraadiyada Puntland (PDP)
5: Wadajir
6: Ururka Dadka Puntland (UDAD)

Ururadan ayuu Gudoomiyuhu sheegay in ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa iyadoo ay jiraan ururo kale oo haray kadib markii ay iyana ku guuldaraysteen in ay buuxiyaan waxyaabihii laga doonayay, Gudoomiyaha ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay in la galayo Sanad cusub sidaa darteedna ay rajeynayaan inuu noqdo mid barwaaqo hormar iyo kamira dhalin Geedi Socodka Dimuqraadiyada Puntland la yimaada haduu alle idmo.
Arintan ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan Gudigu uu waqti kordhin ku sameeyey xiliigii ay ku ekeed in lagu dhawaaqan karo ururo Siyaasadeed iyadoo dabadeed ay jireen ururo badan oo ka faa’idaystay waqti kordhintaasi waxaana hada Gudigu ay tibaaxeen in wajigii 2baad loo gudbi doono waqtiyada dambe ee soo socda.
May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...
February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...