Sunday, May 19th, 2013

Hay’ada Nabad Sugida Dowlada Oo Maanta Fashilisay Weerar lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Gudoomiyaha G/Banaadir.

Published on December 31, 2012 by   ·   No Comments Akhrisatay :2190

Hay’adaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta fashiliyey qarax miino oo la damacsanaa in lagu qaarajiyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmednuur Tarsan Taliyaha hay’ada nabad sugida gobolka baandir Khaliif Axmed Ereg oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in laamaha amaanka dowlada Soomaaliyey ay fashiliyeen weerar ay soo maleegeen kooxda alshabaab kaas oo la doonayey in lagu waxyeeleeyo gudoomiye Tarsan.

Khaliif Axmed Ereg ayaa warbaahinta usoo bandhigay ninkii loo soo adeegsaday inuu fuliyo mu’aamarada lagu dili lahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahne duqa Muqdisho iyo miinadii uu falka ku fulin rabay , ninkaas oo lagu magacaabo Tahliil Cabdullaahi Nuur ayaa qirtay in shabaab ay usoo adeegsadeen sidii uu u qaarajin lahaa gudoomiyaha maamulka G/Banaadir.

Wuxuuna sheegay in Shabaab ay u sameeyeen ballan qaadyo si uu uga soo taqaluso gudoomiye Tarsan balse wuxuu sheegay inuu go’aansaday inuu fashiliyo arintaas, Tahliil ayaa sheegay in shabaab ay usoo dhiibeen miino loogu talagalay in uu ku xiro xafiiska Gudoomiyaha, Ninkan ayaa kamid ah shaqaalaha maamulka G/Banaadir.

Wuxuuna intaa ku daray iney lasoo xiriireen rag ay isku hayb yihiin oo ka tirsan ururka Shabaab kuwaas oo ku qanciyey inuu fuliyo weerarka la damacsanaa in lagu dilo gudoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmednuur Tarsan.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ka sameeyey  Muqdisho hawlo wax ku ool ah kuwaas oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho iyo masuuliyiinta dowlada.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...