R/wasaare Saacid; Waxaan Ilaah ka Baryaa In Sanadka Cusub Ay Shacabka Soomaaliyeed Ku Talaabsadaan Caafimaad,Nabadgalyo iyo Barwaaqo.
Published on January 1, 2013 by cade · No Comments
Akhrisatay :2106

Xukuumada Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada sanadka cusub waxayna ka dalbadeen in si buuxda loo garab istaago dowlada Soomaaliya, R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadka cusub.
Raysal wasaaraha ayaa sheegay inuu u rajeynayo umada Soomaaliyeed iney Sanadkan ku dhameysato Caafimaad, Nabadgalyo iyo Barwaaqo, wuxuuna ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed iney xukuumadiisa u garab istaagaan si hagar la’aaneed, R/wasaare Saacid ayaa ilaah ka baryey in sanadkan uu noqdo mid ay ku ilaawaan dhibaatadii xanuunka badneed ee soo martay shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuuna tilmaamay ahmiyada ay leedahay in laga wada shaqeeyo midnimda umada Soomaaliyeed oo uu sheegay iney tahay mid lama taabtaan ah, isagoo ka hadlayey waxyaabaha u qorsheysan xukuumadiisa sanadka cusub ee 2013 ayaa tibaaxay in xukuumadiisu ay damacsantahay iney dalka ka hirgaliso isbedel dhab ah dhinacyada ammaanka, adeegga bulsha, iyo xiriirarada caalamiga ah.
Raysal wasaare Saacid ayaa Soomaalida ugu baaqay iney gacmaha is qabsadaan cid kasta oo ka hor imaatay rabitaanka shacbiga Soomaaliyeedne ay hal meel uga soo wada jeestaan.
Sanadkan cusub ayaa yimi xili dalka Soomaaliya uu kasoo kabanayo dhibaatadii 20-kii sano ee lasoo dhaafay uu dalku la daalaadhacayey, dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ku raja weyn in dalka uu galo sibedel dhab ah oo ka hanaqaada dalka waxaana dib dalka ugu soo laabanaya qurbajoogta Soomaaliyeed kuwaas oo mashaariic horu marineed ka bilaabay gudaha wadanka.
February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...