Saraakiisha ugu sareysa Qaramada Miwobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in iminka lama huraan ay tahay in wadanka geeska Africa ku yaala il,gaar ah ay ku eegaan wadamada beesha caalamka islamarkaana ay ka taageeraan sidii sanadkaan uu horseed ugu noqon lahaa sanadkii laga baxay haraadkii iyo baahidii Soomaaliya ay ka dhaxleen dagaalada Sokeeye.
Ergayga gaarka ah ee qaramada Midowbay u qaabilsan Soomaaliya Mr Augostin Mahiga Warbixin uu soo saaray inta badan kaga hadlayo xaaladihii uu soo maray dalka sanadkii tagay ee 2012 iyo waxyaabaha loo baahan yahay sanadka cagta la saaray,ayaa waxa uu sheegay in kaliya lagu hormari karo iskaalmeen beesha caalamka ku booriyay in Soomaaliya muhiimada koowaad la siiyo si aayaheeda ay kaga tashato.
Ugu horeyn waxaa iska leh ka shaqeynta nabaad dalka Dhalinyarada u dhashatay,markaasi ka dib ayaa la rabaa in ay taageero laga helo wadamada deriska si markaasi loo dhamestiro inta harsan.sidaasi waxaa sheegay Mahiga,isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay in beesha caalamka looga baahan yahay in ay gacan qabato dowlada Soomaaliya.
Hayeeshee wadada loo marayo xasilinta dalka ma fududa,waxa uuna intaasi raaciyay hadalkiisa in Soomaaliya wali ay u baahan tahay gacan qabasho si ay hadafkeeda u gaarta taasi oo ka timaada beesha caalamka,waxa uuna sidoo kale sheegay in Soomaaliya hamuun weyn ay u qabto in maalgalin lagu sameeyo wadanka.
Augostin Mahiga oo ka faa’ideysanayay sanadkaan cusub ayaa waxa ku dheeradaay muhiimada Soomaaliya ay u leedahay sanadkii tagay,waxa uuna waxan la ilaabi karin oo taariikhi ah uu ku tilmaamay dhaarintii baarlamaanka Soomaaliya oo baarlamaan rasmi ah la dhaariyo mudo ka badan 20sano.
Sidoo kale Mahiga ayaa ka hadlay sanadkaan cusub iyo waxyaabaha kaga aadan kaalmeynta Soomaaliya ee dhanka qaramada midowbay waxa uuna sheegay in ay sii laba jibaari doonaan taageerada ay siinayaan.