Wasiirada Horumarinta Adeega Bulshada Oo ka Warbixisay Socdaal Ay Ku Marayso Wadamo Ay Kamidyihiin Tuniisiya & Turkiga.
Published on January 1, 2013 by cade · No Comments
Akhrisatay :2167

Wasiirada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa ka warbixisay waxa uga qabsoomay socdaalo ay ku marayso wadamo ay kamid yihiin Tuniisiya iyo Turkiga, wasiirada ayaa ka warantay waxyaabihii uga soo qabsoomay Shirkii 21-aad ee horumarinta waxbarashada wadamada Jaamacada carabta oo lagu qabtay dalka Tuniisiya waxayna sheegtay iney shirkaas ka jeedisay qudbad dheer oo ku saabsan marxalada cusub ee uu galay dalka Soomaaliya.
Wasiirada ayaa sheegtay iney ka dalbatay wadamada carbeed iney u istaagaan sidii loo hormarin lahaa tacliinta Soomaaliya, waxayna qudbadeeda ku dalbatay in wadamada carbeed ay Soomaaliya u sameeyaan Sanduuq lacageed oo lagu taakulaynayo waxbarashada Soomaaliya, waxayna sheegtay iney ka heshay ballan qaadyo rasmi ah wadamadii shirkaas kasoo qayb galay.
Maryam qaasin ayaa xiligan ku sugan wadanka Turkiga oo ay kulamo kula leedahay masuuliyiinta dalkaas, waxayna sheegtay iney la kulantay wasiirka waxbarshada wadanka Turkiga oo ay kala hadashay sidii dalka Turkigu uu u kordhin lahaa taageerada uu Soomaaliya kasiiyo dhanka waxbarashada iyo qaadista arday cusub oo Soomaaliyeed si ay wax ugu soo bartaan wadanka Turkiga, waxayna sheegtay in wasaaradeeda loo ballan qaaday in muqdisho laga dhisi doono machad weyn oo kuyaala magaalada Istanbuul mid lamid ah.
Waxayna sidoo kale intaa ku dartay iney la ballansantahay R/wasaare kuxigeenka dalkaas iyo wasiirka wasaarada caafimaadka dalka turkiga oo ay kala hadli doonto sidii kor loogu qaadi lahaa arimaha adeega bulshada wadanka Soomaaliya.
February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...