Thursday, May 23rd, 2013

Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh u Qaataa 20 Saac oo Xafiiska uu Fadhiyo Maalin Kasta, Muxuuse Dareemayaa?.

Published on January 1, 2013 by   ·   3 Comments Akhrisatay :2403

Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu dhowaan siiyey wargeyska Al xayaat ee afka Carabiga ku soo baxa ayuu uga sheekeeyay sida uu u qaato jadwalkiisa maalinlaha ah ee uu ku sugan yahay xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 56-jir ah ayaa sheegay inuu shaqeeyo 20 saacadood oo xiriir ah, uuna soo galo 8:00 subaxnimo maalin kasta.

“Habeen kasta waxaan gurigeyga tagaa 2:00 saqda dhexe, waxaana soo toosaa aniga oo dareemaya daal fara badan.” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu ka sheekeeyay waayo aragnimadiisa uu u leeyahay marxaladihii dalka soo maray mudaddii burburka ee uu isaguna ka shaqeynayay ururada maxalliga ah.

“Waa markii ugu horeysay oo madaxweyne uu Soomaaliya ka noqdo shakhsi darsay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.” ayuu wargeyska u sheegay madaxweynaha oo tilmaamay inuu isagu ahaa nin noloshiisa inteeda badan ku qaatay gudaha Soomaaliya.

“Wixii dalka ka dhacay labaatanka sano ee fawdada iyo burburka goobjoog ayaan u ahaa.” ayuu yiri madaxweynuhu.

Buugaagta uu akhriyo madaxweynaha

Madaxweyne Xasan wuxuu wargeyska u sheegay in aroortii laga bilaabo 6:00 subaxnimo illaa 7:30 inta uu ku sugan yahay gurigiisa oo aan ka baxsaneyn xeyndaabka Villa Soomaaliya inuu akhriyo buugaagta iyo kutubada ay qoreen dad aqoonyahano kala duwan uuna jecel yahay inuu wax ka kororsado.

“Waxaan akhriyaa kutubka la yiraahdo “Dhakhtarkii Guriga” ee uu qorey raysul wasaarihii hore ee Malaysia Mahatir Mohamed oo ahaa ninkii isbedelka dhaqaale u horseeday wadankiisa.” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu kaloo madaxweynuhu sheegay inuu akhriyo buugga kale ee la yiraahdo “Dib u Hagaajinta Wadamada Fashilmay” kaasoo ay qoreen labo nin oo qoraaya ah oo lagu kala magacaabo Ashraf Qani iyo Clare Lockhart.

“Waxaan rumeysanahay in Soomaaliya maanta ay heysato hoggaan karti u leh inay la yimaadaan isbeddelm hoggaan awoodu leh inay keenaan isbeddelka, sidaasi darteed waxaan qabaa in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay dhabihii saxda ahaa.” ayuu sii raaciyey madaxweynuhu.

Wixii uu kala kulmay Villa Soomaaliya

Madaxweynaha waxaa uu ka sheekeeyay wixii uu kala kulmay xafiiskiisa markii uu xilka la wareegay isagoo qeexay in baaxada burburka iyo dhibaatada hortaalla uu dareemay maalintii labaad ee ku xigtay maalintii isaga la dhaariyey.

“Waxaa iigu yaab badnaa markii saraakiisha amaanka ay ii sheegeen inaysan awood u lahayn inay maareeyaan ciidamada dawlada waayo shan bilood wax mushahar ah lama siinin, xitaa cunto ma heysanin ciidamada.” ayuu yiri madaxweynaha oo ssheegay in taas ayba uga sii darneydmarkii Agaasimihii Bangiga Dhexe iyo Agaasimaha Wasaaradda Maaliyada ay ku soo wargeliyeen inuusan HAL SHILIN ku jirin khasnada dawlada oo “wixii lacag ahaa ay la bexeen madaxdii hore”.

Wuxuu yiri “taas waxay keentay in kaaliyaasheyda aan ka dalbado inay ii soo ballamiyaan ganacsatada Muqdisho si aan u weydiisto inay dawlada lacag siiyaan si mushaharka looga dhigo ciidamada.”.

Wuxuu kaloo sheegay inuu telefoono kula hadlay madax ka tirsan beesha caalamka uuna ka dalbadey wixii dhaqaale ah ee Soomaaliya loo hayo in deg deg loogu soo dito, laakiin nassiib darro ay lacagtii ugu horeysay dawlada soo gaartay mudo hal usbuuc ah kadib.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xafiiska Villa Soomaaliya aanu ugu imaanin dad karti u leh hawsha madaxtooyada sida qeybta la taliyaasha iyo qeybta baratokoolka dhibaataduna ay ahayd amni darrada iyo caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka jirtay mudada dheer in dadka soo haray ay ahaayeen dad aan karti lahayn ama aanu qalmin shaqada.

“Arrimahaas ma ahayn kuwo iga yaabiyey aniga laakiin haddana ima dhiirigelin.” ayuu u sheegay wariyaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wargeyska u sheegay inuu qortay masuuliyiin cusub xafiiskiisa sida madaxda shaqaalaha madaxtooyada, madaxa barotokoolka, madaxa maaliyadda iyo madaxa amniga gaarka ee madaxweynaha.

“Marka loo eego xageyga waa wax aad u yar, waxaase aad iila weyn waa dhismaha heykalka dawladeed.” ayuu sheegay markii uu ka hadlayay xafiiskiisa.

Mar uu madaxweynuhu ka hadlay waxyaabaha uu iska bedelay aragti ahaan, wuxuu sheegay in isaga weligiis uusan u ogolaan gurigiisa ruux hub sita ama inuu baabuurkiisa la raaco, laakiin markii uu madaxtooyada tagay uu bilaabay inuu la saaxiibo saraakiisha amaanka waqti badana ay wada qaataan maalin kasta, inkaastoo uu haddana taxadaro, sida uu yiri.

Aragtidiisa Xarakada Al Shabaab

Mar uu ka hadlay ururka A Shabaab wuxuu sheegay in maamulkii ururku uu burbur badan soo wajahay, ayna ku dhow yihiin inay kala firxadaan, haddana wuxuu cadeeyay in Al Shabaab ay tahay koox adag oo dhib badan.

“Waxay qaadaneysaa illaa saddex sano inaanu ka ciribtirno dalka.” ayuu yiri isagoo sheegay in muuqaal ahaan iyo militari ahaanba haddii Al Shabaab ay dhamaadaan uu weli sii joogi doono fikirkii ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku shubeen kaasoo uu sheegay inuu waqti badan ku qaadan doono sidii dhalinyarada looga saari lahaa fikirkaasi.

“Waa koox adag, waay waxay leeyihiin garab ajaaniib ah , kuwa Soomaalida ahna wax yar ayey talada ku leeyihiin.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu madaxweynuhu ka codsaday beesha caalamka in dawladiisu ay u baahan taageero dhaqaale, mid farsamo iyo mid diblomaasiyadeed si ay u noqoto dawlad buuxda.

 

Readers Comments (3)

  1. Cabdallah says:

    adeer adigana daacad matahay? Maxaad ooga dhuumatay wasiirkaadii warfaafinta isagoo jooga Nairobi oo aad uaaday Kampala adigoo aay kula socdaan dad aad isku faamili tihiin? Somalia masidasa baa daacad loogu ahaani? Hadii wadanka laisla leeyahay maxaa jagooyinka muhiimka ah loogu dhibay dad xiriir laleh dadkii dhibkan geesanaye?

  2. waamo says:

    Si walbo oo arinta eey noqoto waan dareemi karnaa mixnada ka jirta dalka.marka hore nin walbo oo masuul ah waxuu rabaa halka uu joogo inuu cantuugo maadama uu itiqaadsanyahay bari ku kale oo qabiil kale ayaa lagaaga qaadayaa.somalia waxeey u baahantahay nin wadani ah uma baahno nin somalinimo kaliya sheeganaayo oo hadana aan qalbigiisa ku dheehneyn wadaninimo.madaxweynaha waxaan ilaah aga baryayaa inuu hantida qaranka ku ceebeynin hawshiisana allah u fududeeyo.waxaa horey loo yiri far kaliya fool ma dhaqto.qof walbo oo somali ah wadanka dhankiisa ha aga shaqeeyo.somali ha is raacdo.aamin.

  3. abdi says:

    war soomaaliyeey intiinnii yareed ee soo hartay,yuusan iskukiin dilin kani khayr masoo wado,waana nin jiran.



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...