Qaramada Midowqbay ayaa waxa ay amaan dheer ay u jeedisay ciidamada Midowbay Africa ee ka howlgala Soomaaliya ee taageerada Siinaya ciidamada dowlada Soomaaliya,kaasi oo ku aadan sida hagar la’aanta ah ay ugu adeegeen shacaka Soomaaliya iyo iyagu daashadeen dagaalada inka badan 21ka sano wadanka kasocday.
Warbxin sanadkaan cusub laga soo saaray xafiiska siyaasada ee Qaramada Midowbay uu ku leeyahay Soomaaliya,gaar ahaan Muqdisho uu ku saxiixnaa ergayga Soomaaliya u qaabbilsan qaramada Midowboy Mahiga ayaa waxaa lagu sheegay in sanadkaan tagay ee 2012 ay tahay sanad si wanaagsan loo dhihi karo guulo la taaban karo ayay gaareen ciidamamada AMISOM ku sugan Soomaaliya,iyadoo tusaalooyin loo soo qaatay taloobooyinkii ay deegaano badan ay kula wareegeen.
Waxa uu sheegay Mahiga in ciidamada ka kala socda Wadamada kala duwan ee Midowga Africa ay mudan yihiin amaan gaar ah oo ku aadam sida guusha leh ee sanadkaan horay ay ugu dhaqaaqeen.
Augostin Mahiga ayaa micneeyay in ciidamada uganda,Kenya,Burundi iyo Jabuuti ka socda ay micnahooda tahay sidii Soomaaliya ay u heli lahayd dowlad cagaheeda ku istaagsan ee aanay jirin cid kale taageereysa.isagoona ciidamada Huwanta ah ku dhiira giliyay in ay sii wadaan dadaalada ay ku doonayaan in dalka soomaaliya ay dig ugu soo celiyaan.
Sidoo kale Mahiga ayaa tilmaamay ins sanadkaan cusub la dejin doono istaraatijid cusub oo lagu doonayo in dalka lagu hago sanadkaan cusub ee iminka la guda galay,taasi oo ku aadan in la sii kordhiyo tirada iyo tayada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.
Sanakaan bilowgiisii waa sanadkii aan Xafiiskeyga iyo shaqaalihii ka howlgalayay ay u soo guuraan Muqdisho,si loogu sii wado shaqada saaxiibtinimada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan leh,sidaasi waxaa sheegay Mahiga,
Ugu danbeyntii Mahiga ayaa sheegay in la joogteyn doono adkeynta amaanka guud ahaan Muqdisho iyo dalka Soomaaliya,loona baahan yahay in dhamaan beesha caalamka xafiisyadooda ay yimaadaan Magaalada Muqdisho.