Sunday, May 19th, 2013

DAAWO VIDEO-GA: Gabar Soomaali Holand Oo Muqdisho Dhaqan Celin Loo Geeyay Oo Nin Lagu Daray Iyo Gabadhii Oo Kasoo Carartay Ninkii.

Published on January 1, 2013 by   ·   3 Comments Akhrisatay :22135

Gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inay ka soo carartey ninkii qabay oo ay waalidkeed ku dareen oo ay kula nooleyd magaalada Muqdishu, islamarkaana ay u geysatey ninkaas aflagaado sidoo kalena ay ku sheegtay inuu kula kacay arin xun oo la yaab leh oo maskaxda ka weyn, iyadoona sheegtay inay ninkaas si qasab ah ay ugu dareen waalidkeed ayadoon raali ka ahayn.

Gabadhaan oo loogu yeeray Sahra laakiinse magaceeda saxda ah la qariyey arimo la xiriiro nabad galyadeeda ayaa waxaa la sheegay inay ka soo baxsatey nin ay qaraabo yihiin oo qabay oo ay hooyadeed ku dartey, Gabadhaan oo ay da’adeedu ahayd 16 sano jir oo ay waalidkeedna ka shakiyeen hab dhaqankeeda aan wanaagsaneyn ayaa waxay hooyadeed u sheegtay inay tagayaan magaalada Muqdisho si ay halkaas ugu booqdaan ayeeyadeed oo xanuunsan oo ayna dib ugu soo kaxeeynayaan dalka Holland oo ay ayeeyadu horey ugu noolaan jirtey, Laakiin markii ay halkaas tageen ayey hooyadeed u sheegtay inaysan meelna u socon oo ay mudo joogayaan magaalada Muqdisho iyadoona mudo ka dib gabadhaas lagu darey oo uu aroosay nin ay qaraabo yihiin oo ka weyn oo 35 sano jir ah islamarkaana lahaa xaas kale iyo hal cunug.

GUJI HALKAAN:

Gabadhaan oo ka warantey inaysan jecleysan arooskaas ayaa waxay sheegtay in habeenkii ugu horeeyey ilaa hal todobaad ay marmarsiiyo ka dhigatey inay qabto caado dumarka taasna uu ninkii iska dhaafay laakiin todobaad ka dib ayuu ninkaas qasab ugu tagey, Gabadhaan ayaa intaas ka dib waxay u soo tahriibtey dalka Itoobiyo iyadoona iska xaadirisay safaarada dalka Holland ee magaalada Addis ababa, laakiin shaqaalaha safaarada ayaa waxay u sheegeen inaysan caawin karin gabadhaas maadaama ay tahay qof 17 sano jir ah oo aan walina qaan gaarin si ay wax ugu qabtaana ay tahay inay ogolaansho ay ka heysato waalidkeed taas oo aysan gabadhaasi heli karin maadaama ay tahay qof baxsad ah, ama ay sugto inta ay ka gaareyso 18 sano jir markaas oo ay tahay qof qaan gaar ah oo is maamuli koro, Laakiinse qoyska ninkii qabay oo ka war helay arintaas ayaa gabadhaas ka soo qabtey magaalada Addis ababa dibna ugu soo celiyey ninkeedii iyo gurigeed.

Hasayeeshee gabadhaan oo aan wali sal dhigin oo ayna ka go’aneyd inay baxsato islamarkaana uu markaan gacanta ugu jiro baasaboorkeedii oo ay ka xaday hooyadeed ayaa waxay bilowday inay internetka ay ka raadiso cid caawisa waxayna ugu dambeyn is heleen haweeney lagu magacaabo Shirin Musa oo Hollandees ah oo u madax ah urur caawiya haweenka dhiban oo lagu magacaabo (Femmes For Freedom) iyadoona ay haweeneydaas uga warantey dhibaatada heysata kana dalbatey inay caawiso, taas oo ay haweeneydaan Hollaandeeska ah ay u gurmatey gabadhaas oo ayna u dirtey tigidh ay kaga soo dhoofto magaalada Muqdisho ilaa dalka Turkiga ka dibna ay soo gaartey dalka Holland gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaalada Amsterdam ee Schiphol halkaas oo ayna ku soo dhaweysay haweeneydaas Hollandeeska ah ee caawisay, gabadhaan ayaa waxay sheegtay in sidoo kale ay kula kulantey magaalada Muqdisho gabar kale oo ka timid dalka Holland oo ay qabsatey sheekadeeda oo kale oo iyadana damacsaneyd inay sideeda oo kale ay ka soo dhoofto magaalada Muqdishu laakiinse la ogaadey oo nin raadinaayey oo sawirkeeda wato uu kala degay diyaarada.

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaasi ay hada ku sugan tahay dalka Holland oo ayna sheegtay inaysan wax nin ah aysan diyaar u ahayn xilligaan ayaa gabadhaan oo wareysi siisay warbaahinta dalka Holland ayaa waxay aflagaadeysay ninkaas guursaday, Laakiinse arinta la yaabka leh islamarkaana meel ka dhac ku ahayd dhaqanka, diinta iyo sharafta dhamaan dadka Soomaaliyeed ayaa waxay ahayd ka dib markey gabadhaasi ay sheegtay inuu ninkeeda oo aad iyo aad u jeclaa inay uur u qaado si uu u yimaado dalka Holland markii uu wax ka keeni waayey asagu oo ay uur u qaadi weysay uu nin saaxiibkiisa oo caruur badan dhalay uu ku qasbay inay isu tagaan si uu ugu uureeyo xaaskiisa taasoo uu ninkaas saaxiibka ah uu ilaa 3 jeer uu gabadhaas u tagey si ay uur u qaado, run ahaantii waa arin ku adag qof kasta oo Soomaali ah inuu rumeysto inuu jiro nin Soomaali ah oo xaaskiisa xalaasha ah sidaas kula dhaqmaayo, Gabadhaan oo iyadaba siday qirtey dhaqan doorsoontey oo iska noqotey dhalinta reer Yurub ayaa waxaa laga yaabaa in waxyaabaha qaar kood ee ay ka sheekeynayso inay yihiin kuwo ay ku beerlaxawsaneyso gaaladaas qaabishay oo ayna ka dhigeyso inuu soo gaarey dhib aad iyo aad u weyn oo ayna u baahan tahay caawimaad badan.

Readers Comments (3)

  1. daljir says:

    anigu ayada lama yaabani fadllan ninka soomaaliya jooga ee helli kara marwo dhaqan leh balse ka doortay dhaqan celis asaga ayaa khaladka leh,
    ilaahoow na astur inta ilmuhu sidaas u dhaqan ba ayeen odeyguna muqaaxi ayuu fadhiyey islaantuna ayuuto ayey ku jirtey.

  2. khadra says:

    asc amu islah halu dhuufiyo

  3. Osman says:

    Waa naagaha soomaalida oo aad moodid fudeedkooda Falaadha oo kale maalinkastaa waxay Hoos ordayaan gaalo qaarna waaba gaaloobeen am arkaysid naag Ethiopian ah oo dhaqankooda wax ka sheegaysa wali ma arag naag xabashi ah oo nin madow jamaykaan , black american uu qabo AMA u Saaran markaa naagaha soomaalida esteerinkoodaa fudud dhoqsana waa dhaqandoorsoomaan inkastoo qaar badan oo fiican jiraan laakiin wali ala hayo dad dhowr sano ku doorsooma maalinkastaa gabar diinta caayaysaad arkaysaa waa la I guday iyo aabahaybaa nin igu daray ayay shaqo ka dhigteen



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...