Sunday, May 19th, 2013

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Qaybaha Ka Dulwan Ee Bulshada Baydhabo Iyo Maamulka Gobalka Bay.

Published on January 2, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2103

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi oo maanta gaaray magaalada baydhabo asaga iyo waliba wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay kulan la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waliba maamulka gobalka.

Kulankaan ayaa waxa looga hadlayay guud ahaan xaalada gobalka Bay iyo waliba sidii amaanka looga wada shaqayn lahaa, sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka gobalka.

Saraakiisha amaanka ee gobalka Bay ayaa wafdiga dowlada kaga warbixiyay xaalada gobalka waxayna sheegeen in xaaladu ay tahay mid wanaagsan isla markaana amaanka uu soo hagaagayo.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa shacabka iyo saraakiisha gobalka Bay ku booriyay in ay wada shaqeeyaan isla markaana ay ka hortagaan wax walba oo ka soo horjeeda amaanka Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ka shaqaynayso sidii ay u soo laaban lahayd nabadgalyadii iyo xasiloonidii wadanka, wuxuuna si gaar ah uu u booriyay ciidamada dowlada Soomaaliya.

Maanta ayaa magaalada baydhabo waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga ee xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi waxaana wasiirka socdaalkiisa ku wehlinayay saraakiil ka tirsan dowlada oo uu ku jiro taliyaha ciidamada xooga Dalka Soomaaliya.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...