Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo hadda socdaal ku joogta magaalada Lodon ayaa galabta kulan la qaadatay dhigeeda wadanka Ingiriiska William Hague.
Kulanka labada wasiir ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada Ingiriiska ee magaalada London, waxaana uu ahaa kulankii ugu horeeyay oo si fool-ka-fool ah u dhexmara labada wasiir iyadoo sidoo kalana ay tahay markii ugu horeysay oo kulan uu dhexmaro wasiir ka tirsan dawlada federaalka Soomaaliya iyo wasiir reer galbeed ah.
Hadal kooban oo ay labada wasiir saxaafada siiyeen kadib kulankooda galabta ayaa waxay ku sheegeen inay ka wada hadleen saaxiibtinimada UK iyo Soomaaliya iyo kaalinta ay dawlada Ingiriiska kaga jirto taageerada Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiya ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay maanta oo Khamiis ah is arkaan wasiir Hague ayna ka wada hadlaan xiriirka labada dhinac ka dhexeeya, gaar ahaan waqtigan oo ay tiri, dawlad cusub oo aan ku meelgaar ahayn ay ka dhalatay Soomaaliya.
Wasiir Fowsiya waxay kaloo sheegtay inay kala hadashay wasiirka sidii dib loogu bilaabi lahaa cilaaqaadkii siyaasadeed iyo midkii diblomaasi ee ka dhexeeyay labada wadan, waxayna sheegtay in dawlada Soomaaliya ay dib u furaneyso safaaradeedii Ingiriiska iyadoo dawlada Ingiriiskuna ay wado sidii danjiraheeda cusub oo hadda ku sugan Nairobi uu ugu guuri lahaa magaalada Muqdisho.
Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegay in dawlada Ingiriiska ay sii xoojineyso xiriirka saaxiibtinomo ee labada wadan iyadoo dawladiisuna ay sheegtay in sii wadeyso kaalmada dhaqaale ee dhanka bani’aadanimada ee dawlada Ingiriiska ay siiso Soomaaliya sanadkan 2013.
Labada wasiir waxay si isku mid ah carabka ugu dhufteen in bisha May ee sanadkan 2013 magaalada London lagu qaban doono shir diirada lagu saari doono Soomaaliya oo ku saabsan dib u dhiska Soomaaliya kaasoo uu ka qeybgali doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kale wasiir Fowsiyo ayaa xalay magaalada London kulan kula qaadatay jaaliyada Soomaalida ee wadanka Ingiriiska ku nool iyadoo uga warbixisay xaalada dalka iyo dadaalada ay ku jirto dawlada cusub ee ay iyada wasiirka ka tahay.