Tuesday, May 21st, 2013

DAAWO SAWIRADA KULAN ISIMADA PUNTLAND UGU IDLAADAY GALDOGOB.

Published on January 3, 2013 by   ·   1 Comment Akhrisatay :2298

Shirkaan oo ay isugu yimaadeen Dhamaan Isimada, Nabadoonada, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha Puntland ee Gobolka Muduga, ayaa waxaa ka soo baxay waxyaabo badan oo muhiim ah.
Shirkaan wuxuu ka dhacay magaalo madaxda Galdogob ee Dagmadda Galdogob, kasoo looga hadlayey sida ciwaanka shirka ku cad, ahaana shirka dhaqanka nabad galyada, midnimo iyo hormarka beelaha wada daga gobolka Mudug, hadaba waxa shirkaasi dhamaadkiisii kasoo baxay, war murtiyeed ama baaq ay soo saareen, Issimada iyo waxgaradka isugu yimid shirkaas, waana sidaan hoos ku cad.

In dhamaan laga wada qayb qaato lagana wadashaqeeyo ilaalinta
nabadgalyada gobolka iyo midda guud.

In la iska kaashado nolosha iyo hor marka ummadda midda guud iyo mida gobolkaba.

In la ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka.

dhamaana wixii inaga ba’san loo xaliyo si wadajir iyo walaaltinimo ah.
Wuxuu shirku ku baaqayaa is cafis guur iyo isa saamax.

Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii wado oo aan
la joojin ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo yoolkii
laga lahaa shirka.

Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la iska kaashado hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhismaha wadada Galdogob – Garacad.
Wuxuu shirku ku baaqayaa in dadka shacabkaa ee reer Puntland gaar
ahaan gobolka Mudug, ee qafaalasho ahaanta loohaysto muddo laba bilood ka badan xuriyadoodii loosoo celiyo sida ugu dhaqsiinyahay badan, ayna fududeeyaan cidkasta oo ay khusayso soodayn doodu gaar ahaan dowladda Puntland ay xil iska saarto soodaynta Shacabkeeda.

Waxaa la isku dar-daarmay Alla kacabsi, walaaltinimo iyo Wadajir.
In lajoojiyo kala takoorka beelaha wada daga Puntland.
Wabilaahi Towfiiq.

Isiimada Shirkaan Qabtay soona saaray baaqaan

Ugaas Cali Ugaas Maxamed
Islaan Bashiir Islaan Cabdille
Ugaas C/qaadir Cilmi Filig
Sudaan C/salaam Suldaan Maxamed
Suldaan maxamed Jamac Shire
Islaan Xassan Cigaal
Suldaan Maxamed suldaan Maxamuud Cilmi Calas
Suldaan Maxamed Maxamuud Buurtinle
Suldaan Cabdi Bile
Suldaan C/rishiid Muuse Shire

01 02 03 04

Readers Comments (1)

  1. Xiimaay Xaaji says:

    Adeerayaal Beesha daarood umabaahna tafaraaruq dambe iyo iska la qayb qaybin aan macno laheeyn,Puntlan hadaan si fiican ligaha dhulka loogu dhigin ogaada in nalagu celin doono xuduuda Kenya oon markii horeba soo taabanay,waxaan sugaynay in aad wax ka dhistaan Jubooyinka iyo Gedo,ee marna ma aanan sugaynin in Putlan is qab qabsato,oo isimadeeda la xir xiro,Farooloow hadii waqtiga kuu dhamaaday adeero duco qaado oo meesha is kaga tag sidii Cade ooga tagay.



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...