Wednesday, May 22nd, 2013

Muqdisho Oo 20 Sano Kadib Caawa Lagu Qabtay Munaasabada Calan Dajinta Todobaadlaha Ah.

Published on January 10, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :21012

Muqdisho ayaa caawa markii ugu horeysay 20 sano kadib lagu qabtay dajinta calanka Jamhuuriyada Soomaaliya cutubyo ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed oo ay horkacayeen ciidamada Baambeyda Muusiga ayaa caawa maqribkii  gaada ka ciyaara kasoo bilaabay dugsiga tababarka booliska Soomaaliyeed ee Jen. Kaahiye  waxaana  ay socod ku mareen laamiga isku xira dugsiga jen. kaahiye iyo Xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Cutubyada ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa markii ay gaareen xaraunta maamulka gobolka Banaadir waxa ay goobtaas ka dajiyeen calanka Jamhuuriyada Soomaaliya waxayna  Saaray mar kale isla calanka Soomaaliya oo xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya Isbuuciiba mar la  saari jiray Xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Waxaana kasoo qeybgalay Munaasabada calanka lagu saarayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhuna Maye iyo Masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir waxaana munaasabada ka hadlay afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Max’ed Yuusuf Cismaan oo sheegay in caawa uu maamulka gobolka Banaadir soo nooleeyey mid ka mid ah astaamihii uu qaranka Soomaaliyeed lahaan jiray isagoona sheegay in arintani ay tahay wax lagu farxo in Caawa Muqdisho 20 sano kadib lagu arko wadooyinka Muqdisho ciidamada dowlada Soomaaliya oo si nabad ah gaada ka ciyaar ugu samaynaya wadooyinka Caasimada  Muqdisho iyadoo uu waqtigu yahay habeen.

Wuxuuna sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed oo waayo joog ah ay ilmeeyeen markay caawa arkeen Ciidamada dowlada Soomaaliya oo  Gaada ka ciyaar kasoo bilaabay dugsiga Kaahiy ee degmada Xamar jajab  ilaa ay ka gaaraan xarunta gobolka oo ku taala degada Xamar Weyne isagoona sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ku hawlanyahay soo nooleynta dhamaan astaaimhii dowladnimo.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...