Friday, May 24th, 2013

5 MILYAN OO DOOLAR OO LA DUL DHIGAY LABO MUWAADIN OO U DHALATAY SUDAN KUNA SUGAN SOOMAALIYA.

Published on January 10, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2206

Waaxda dowlada Maraykanka u qaabilsan argagixisada ayaa dhaqaalo dul dhigtay madaxa labo ruux oo u dhalatay dalka Sudan oo ay sheegeen inay ku sugan dalka Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in 5 Milyan oo doolar ay siin doonto ruuxii warbixin ka keenaa labo muwaadin oo Suudaanees ah ,kuwaasi waaxda dambi barista Maraykanka ay sheegeen inay ku sugan meel ka mid ah Soomaaliy,wallow aysan cadeyn halka ay tahay.

Dadka dowlada maraykanka ay doondoonayaan ayaa kala ah , Abdelbasit Alhaj Alhasan Haj Hamad and Mohamed Makawi Ibrahim Mohamed kuwaasi oo la sheegay in 2008 New ay dileen diblumaazi ka tirsanaa hayada USAID oo lagu magacaabik John Granville iyo muwaadin Sudaanes ah Abdelrahman Abbas Rahama.

“si rasmi ah uma ogi halka ay ku sugan yihiin Mr Makawi iyo Mr Hamid,sidaa dared meel uun bey ku sugan yihiin,waxaan ku dhiiro gelinaynaa tan in dadkii helaa xogtooda inay nala soo hadlaan,si ay noogu sheegaan war bixin ku saabsan xitaa midkood dadkaasi”Sidaasi waxaa yiri sarkaal ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisada Marayka.

Abdelbasit iyo Makawi ayaa sanadkii 2009-kii waxaa gacanta ku dhigay xukuumada Suudaan iyaga iyo labo kale oo ku eedeysnaa in ay gacan siinayeen shaqsiyaadka la doon doonayay,waxaana Maxkamada Suudaan ay ku xukuntay xukun dil ah.

Sanadkii 2012-kii ayay shaqsiyaadkaan iminka Mareynkanka liiska ku daray xabsigii ka baxsadeen,iyagoo markaasi dil u geystay sarkaal ka tirsanaa Poliiska kuwo kalena dhaawacay.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...