Tuesday, May 21st, 2013

Muqdisho: Booliska oo Xabsiga u Taxaabay Weriye Cabdicasiis Koronto, Su’aalana Weydiiyay Weriye Kale.

Published on January 11, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2174

dhobley1

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xariga loo geystay weriye Cabdulcasiis Abdinuur Ibrahim (Cabdicasiis Koronto) oo ku xiran xarunta Baarista dembiyada ee CID, iyadoo maxkamadi xarigaas dalban, isla markaasna ku baaqay in si deg deg ah weriyaha xorriyadiisii dib loogu soo celiyo.

Weriye Cabdulcasiis Abdinuur Ibrahim (Cabdicasiis Koronto) oo u shaqeeya Radiyaha Ergo iyo Dalsan, isagoo sidoo kale wakiil wareed u ahaa Jariirada Daily Telegraph,   ayaa loo heystaa warbixin laga sii daayay talefishinka Aljazeera oo ku saabsaneyd ciidamo ka tirsan dowladda oo kufsi u geystay haweeney Soomaaliyeed.

Gen. Cabdullahi Xasan Barise ayaa waxa uu wacay weriye Cabdulcasiis, una sheegay in uu CID ugu yimaado, balse markii uu yimid ayaa loo sheegay in uu xiran yahay. Sidoo kale, ciidamada Booliska waxa ay su’aalo weydiiyeen weriye Cumar Faaruuq oo telefishinka Aljazeera u shaqeeya, inkastoo markii dambe la fasaxay.

“Waxaa la iga soo wacay gabadhii dhibanaha ahayd ee aan wareystay taleefoonkeeda, waxaana iga soo wacay Gen. Barise, waxa uuna ii sheegay in aan imaado CID” Cabdulcasiis Koronto ayaa NUSOJ u sheegay isagoo ku sugan xarunta CID-da, waxa uuna intaas ku daray,  ”Markii aan imid, waxaa la I weydiiyay, gabadhan adiga maa wareystay, waxaan ku iri Haa, kadibna waxaa la ii sheegay in aan xiranahay.”

Cabdicasiis Koronto ayaa intaa ku daray in gabadhan uu wareystay 6 January ee sanadkan, ayna u sheegtay in ay shan (5) nin oo ku lebisan dharka ciidamada milateriga ay xoogeen intii lagu guda jiray bishii Barakeysneyd ee Ramadaanka.

Sidoo kale, waxa uu Cabdicasiis NUSOJ u xaqiijiyey in aanay jirin meel uu ku daabacay wareysigaas haba yaraatee. Iyadoo Boolisku ay xireen gabadhii dhibanaha ahayd iyo gabadhii bartay weriyaha dhibanaha.

Telefishinka Aljazeera English ayaa baahiyey 6 Janaayo ee sanadkan maqaal looga hadlaayay kufsiga dumarka loo geysto oo ay qorto weriye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo layla Cali, oo saldhigeedu yahay magaalada Nairobi, taasoo lagu soo bandhigay heerka kufsiga ee lagu hayo haweenka Soomaaliyeed.

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska inay sida ugu dhakhsiyaha badan xorriyadiisa dib ugu soo celiyaan weriye Cabdicasiis Koronto.  Waxaa muhiim ah in la ogaado in saxaafadu doorkeedu yahay in ay iftiimiso wax qarsoon oo indhaha dowladda lagu soo jeedinayo si ay wax uga qabato, weliba iyadoo u tebineysa hab wax dhisid ah.

“Haddii uu daabici lahaa Cabdicasiis wareysiga gabadha dhibanaha ah, doorka ciidamada qalabka sida waxa uu noqonayaa in ay fal dembiyeedyadaas dhacaya ay wax ka qabtaan, dambiilayaashana keenaan maxkamad cadaalad ah,” Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Md. Maxamed Ibrahim (Bakistaan) ayaa yiri, “Ma ahayn in weriyaha u iftiininaya meelaha u baahan wax ka qabashada inay xabsiga dhigaan amaba ay xiraan dhibanaha, taasoo xadgudub ku ah xorriyadda Hadalka iyo xuquuqda aadanaha.”

“Waxaan ugu baaqeynaa in ciidamada booliska inay xorriyada weriyaha dib ugu soo celiyaan, isla markaana qadariyaan bahda saxaafada iyo wada shaqeynta kala dhexeysa ciidamada Booliska.” xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibrhaim, ayaa intaa ku daray.

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku amaanay ciidamada Booliska iyo kuwa ammaankaba sugidda amniga magaalada Muqdisho.

 

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...