Monday, May 20th, 2013

UGANDA OO RAADINEYSA 10 RUUX OO XIRIIR LA LEH SHABAAB.

Published on January 11, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2175

Dowlada Uganda ayaa sheegtay inay baadi goob ugu jirto 10 ruux oo ay sheegeen inay yihiin argagixiso ,kuwaasi oo shan ka mid ah ay sheegtay inay aaminsan yihiin todobaadkan inay si qarsoodi ah ku galeen dalkaasi Uganda ,sida ay sheegeen saraakiil booliska dalkaasi ka tirsan.

Ku xigeenka afhayeenka booliska dalkaasi Vincent Sekate ayaa sheegay inay dadka ay doonayaan ay kala yihiin Ali Salax Adan, Nam Amur, Abdullah Ahmed, Abderaouf iyo Mohaned Nor Ali, oo ay ku sheegeen inay dagaalyahano ajaaniib ah oo xiriir la leh ururka Alshabaab.

Dowlada Uganda ayaa shantaan ruux ku eedeysay inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala sanadkii 2010 kaasi oo ka dhacay goob ciyaaro lagu daawanayhay oo ay ku dhinteen 72 ruux.

“Kuwaasi waa dagaalyahano ajaaniib ah oo caawinayay ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya,waxayna ka dambeeyeen qaraxyadii Kampala ka dhacay”ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka ciidamada booliska dalkaasi Sekate.

Wuxuu sheegay dadkaasi inay baadi goob ugu jiraan,islamarkaana ay kaga shakisan yihiin inay ku dhuumaaleysananaan meel ka mid ah dalkaasi Uganda,sida uu hadalka u dhigay.

Sekate,ku xigeenka afhayeenka booliska dalkaasi ayaa ka codsaday dhaman shacabka ku dhaqan dalkaasi Uganda inay kusoo wargeliyaan xog walbaa oo dadkaasi ku aada,iyo waxii ay ka shakiyaan bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale booliska dalkaasi ayaa waxay baadi goob ugu jiraan shan ruux oo kale ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Alshabaab kuwaasi oo kala ah Ahmed Khaled Andreas, Martin Muller and Emrah Erdogan Alias Imraan AL-Kurdy alias Salahaddin AL-Kurdy,

Ugu dambeyntii Sekate ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee dalkaasi heegan buuxa ay ku jiraan islamarkaana adkeyn doonaan amaanka dalka oo dhan sida uu sheegay,isagoo sheegay in Alshabaab ay u bartilmaameyd sanayaan dowladaha Kenya iyo Uganda ciidamadooda oo ku sugan dalka Soomaaliya.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...