Boqolaal qoxooti Soomaaliyeed ah oo ku jiray xeryaha Dhadhaab-Kenya ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda kaddib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay kooxaha hubeysan ka geystaan Xeryahaas,
C/risaaq Maxamed oo ah wariye Soomaaliyeed oo xeryaha Dhadhaab ku noolaa 21 sano ayaa VOA-da u sheegay in ammaan-darrada ugu daran ay ka jiraan labada Xero ee IFO I iyo IFO 2, kuwaasi uu tilmaamay inay ku nool yihiin qaxooti soomaaliyeed oo hablo u badan.
“Runtii markii aan kormeeray xaalada xerada qaxootiga ee dhadhaab ma ila fiicna,dadka qaxootiga markii aan wareysiyo la yeelanay waxa ay ii sheegeen in xaalada ay tahay mid aan fiicneyn,waxaa jiro Jirdilo,Kufsi iyo boob inta badan lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed oo xilayadii habeenka guryaha loogu galo,gaar ahaan xerada Ifo 2,ayuu yiri Wariyahan Soomaaliyeed oo VOA-da la hadlay”.
Suxufigu wuxuu sheegay in inta badna kooxaha burcadda ah ay ka yimaadaan goobaha ku dhow xeryaha qoxootiga, gaar ahaan xilliyada habeenkii ah, iyagoo weerarrada u geystay sidii ay lacag ku heli lahaayeen.
“Xeryaha dhadhaab waxaa ka jira amaandari baahsan,balse wax intaasi ka badan ma jiraan,dhibaatooyinka amaandarida waxay yihiin kuwo sii fidaya,ayuu yiri Wariyaha.
Hay’ada qaxootiga aduunka ee qaramada Midoobay oo gacanta ku haayso xeryaha qaxootiga Dhadhaab,ayaa sheegtay in ilaa iyo haatan aanay sheegi karin goobaha dhabta ah ee weerada laga soo qaado Soomaaliya iyo gudaha Kenya,balse waxay xaqiijiyeen in amaandarida ay tahay mid jirta.
Madaxa xiriirka gudaha ee UNHCR, Mans Nyberg ayaa u sheegtay VOA-da in 100-qof oo qoxooti Soomaaliyeed ay ka tageen xeradaas maalmihii lasoo dhaafay.
Mans Nyberg ayaa sheegtay in kala cadeyn qaxootiga Soomaaliyeed si rasmi ah ugu guureen dalkooda iyo in mar kale dib ugu soo laabanayaan xeryaha dhadhaab,
Hayeeshee arintaan ayaa imaaneysa,iyadoo xeryaha dhadhaab ee Kenya oo ay ku jiraan qaxootiga soomaaliyeed,ay ka soo baxayeen warar sheegaya in kooxo hubeysan ay la soo baxeen falal fool xun oo ku aadan Kufsiga iyo dhibaato ay ku hayaan Haweenka Soomaaliyeed ee magangalsaday gudaha Kenya,gaar ahaan xeyaha Dhadhaab.
Waxaana jira Haween u geeriyooday falka Kufsiga ee ah ee kooxo hubeysan ay kula dhaqaaqaan hablaha Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab-Kenya.
Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay xukuuumada KENYA amar ku siisay Soomaalida ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalkeeda inay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo ku dhow xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo labadii sano ee ugu dambeysay rabshado ka jireen.