Wednesday, May 22nd, 2013

Aqriso wax qabadkii Ra’iisul Wasaare Saacid ee 55-ka maalmood ee Xukuumadiisa ay jirtay…

Published on January 11, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2211

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mduane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa galabta Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay xafiiskiisa, isaga oo faah faahin dheer ka bixiyay waxqabadka Xukuumada ee mudada 55-ta maalmood ah ee ay jirtay, waxana uu si gaar ah diirrada ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’addaha sare ee Qaranka, sida Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xukuumaddiisa.
“Maanta waa maalintii 55-aad ee Xukuumadda Isbedel-doonka ah ee Soomaaliya ka dhalatay, Baarlamaankuna ansixiyay November 16, 2012, Xubnaheeda iyo Barnaamijkeeda Waxqabadka”.

“Maanta waxa aan mareynaa kala bar 100-kii maalmood ee ugu horeysay ee Xukuumaddan, Waxaanan doonayaa inaan caddeeyo himilada Xukuumaddeena ee Isbedel-doonka ah.

Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku darey: “Marka hore, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in aan ka hortagnay wixii dawladihii hore curyaamin jiray. Waxaa jiri jirtay in khilaafaadyo soo dhexgalaan hay’addaha ugu sareeya Dowladda Sida, Madaxtooyada, Xukuumada iyo Baarlamaanka, wax ka sokeeya Wadajir waxba kuma suurtagali karaan, sidaasi owgeed, waxaan xoogga saarnay midnimada iyo wada shaqeynta saddexdan hay’addood, waxaana u shaqeynaa sida ugu wanaagsan uguna quruxda badan si ay u hirgalaan howlihii Dayacmay ee Dowladda”.

Waxqabadka iyo Dhaqanka Xukuumada:

Soo celinta Dawladnimada waxaa saldhig u ah u adeegga Shacabka Soomaaliyeed. Sidaa awgeed Xukuumaddeydu waxay xoogga saartay 100-ka maalmood ee ugu horreeya in ay muujiso in ay shacabka u adeegeyso. Sidaa awgeed, waxaan goostay in aanaan ka bixin dalka gudihiisa mudaddaasi. Waxa aan doonaynnaa in marka hore aan kasbanno kalsoobnida dadweynaha oo aan ku dadaalno waxqabadka iyo baahinta adeegga Dawladda annagoo ku tashanaynna awoodeenna. Marka aad taas muujiso ayuu imaan doontaa taageerada kale ee caalamkuna.

Xiriirka Caalamka iyo dalalka Deriska:

Xiriirka aynu la leenahay Caalamka iyo Dalalka Deriska ah ma jiro maanta maalin uu ka wanaagsan yahay. Maalin kasta wey noo yimaadaaan, waanan u tagnaa waxaanan u wada shaqeynaa si aad u dhow. “Waxa arrintaas tusaale u ah booqashooyinkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh oo si wanaagsan loogu soo dhoweeyey dalalkii uu tagay oo dhan. Haatana uu ku tegi doono dalka Mareykanka oo uu casuumaad rasmi ah ka helay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid.

Dhanka Ammaanka:

Markii uu ka hadlayey sugidda Ammaanka gudaha waxa uu Ra’iisal Wasaare Saacid yiri: “Ammaanka Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Ra’iisal Wasaaraha oo lagu qaado gaadiid Gaashaaman ma ahan amniga, balse sugidda Amniga ee Muhiimadda inoo leh waa midka dadweynaha” auu sheegay Ra’iisal wasaare Saacid waxana uu ku darey: “Isbaarooyinkii ka badnaa 60-ka, maanta hal kama yaallo, waana siyaasadda sugidda amniga dadweynaha iyo xasiloonida il gaar ah ayaan ku heyneynaa, intii yareyd ee aanu jirnayna in ka badan 7 Milyan oo Dollar ayaannu u qorsheynay inaannu ku sugno ammaanka dadweynaha, adinka oo ka war qaba tabarta Dowladda, runtiina wey ku yartahay, sababtoo ah ammaanka dadka waa muhiimadeena koowaad”.

Argagixisada iyo Kooxaha Nabad-diidka ah:

Ra’iisl Wasaare Saacid waxa uu yiri: “wey naga go’antahay inaanu la dagaalanno Argagixisada hubeysan, waana baabi’ineynaa, waanan ka sifeyneynaa dalka si shacabkeennu uga ammaan helo, Caalamkuna uga ammaan helo. Bal eega inta fashil ku dhacday Argagixisada, qaraxyadii ay ka fulin jireen maalin kasta dalka waa la xakameeyey oo inta la fashiliyay ayaa ka badan inta ay fuliyaan”.

Burcad Badeedda:

“Bal eega Burcad badeedkii sida ay hoos ugu dhacday Afduubkoodii iyo dhibaateyntoodii. Taasina waxay ku timid dadaalka la geliyay, markii horena dhaqanka Soomaalida ka mid ma aheyn Burcad badeednimo iyo Jidgooyo” ayuu yiri R.wasaaraha oo tilmaamay in Burcadkii dadka qafaalan jiray ay marayaan inay dadka ay heystaan sii daayaan si bilaa shuruud ah.

“Miiskaan aan fadhiyo waxaan ku qaabilay saddex ruux oo Ajnabi ah oo muddo labo sano ka badan ay afduub u heysteen Burcadu, waxaana idiin cadeynayaa inaan khasab loo soo furan, waxay ku qanceen wadahadaladii dowladdu la sameysay iyada oo aan wax Laaluush ah ama madaxfurasho ah la siinin, waxaanuna sugeynaa inta kale ee harsan dhamaantood la sii daayo” ayuu mar kale yiri isagoo ugu hambalyeeyey maamulka Ximan iyo Xeeb dadaalkii ay u galeen inay Burcad badeeda ka dhaadhiciyaan inay ka tanaasulaan fikirkaasi khaldan.

Balanqaad:

“Waxaanu balan qaadaynaa inaanu kala shaqeyneyno sidii ay dhalinyaradaasi Burcad badeeda ah sidii ay noloshooda wax uga bedeli lahaayeen oo ay u horumarin lahaayeen noloshooda”.

Tacadiga Weriyeyaasha:

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inay hoos u dhacday dilkii Weriyeyaasha lagu hayay intii ay xukuumadani jirtay, waxayna ku timid dadaalka Sugidda Amniga. Ma ogolin mana ogolaan doono in la dhibaateeyo u adeegayaasha saxaafada, waana ka difaaceynaa caddowga dilaya ee oranaya maxaad wax nooga sheegeysaan, waxaanse idinkula dar daarmayaa inaad qalinkiina iyo codkiina ku taageertaan Isbedelka, Nabadda iyo Dowladnimada.

Abaaraha:

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse dadka liita u samafalkiisa waxay noo tahay muhiimada koowaad, dalka gudihiisa iyo Dibadiisa Qaxootiga joogana mar kasta waanu ka fikireynaa”.

War-xuma tashiilka:

“Shacabka Soomaaliyeed waa inay taageeraan Isbedelka cusub, yaan lagu mashquulin fadhi ku dirir iyo awoodii hebelbaa lunsaday” ayuu yiri isagoo xusay in Dowladdu ay ku dhisantahay Dastuurka ayna xushmeynayaan madaxda oo dhan “Yaan lagu fikirin hebel iyo hebel inta isku dhacaan aan ku garab noqdo hebel, kadibna halkaasi shaqo ha kaaga soo baxdo, taasi waa la soo dhaafay dibna loogu noqon mayo Insha allah, War-xuma tashiilkana waa in la iska daayaa”.

Gobolada iyo Maamulada dalka:

“Dhanka Jubba-land beryahaan dambe waxaa ka jira xasarado, xukuumadana siyaasada ay ku wajaheyso wey cadahay, wax la qarinayana ma ahan. Waxaana ka rabnaa in qeybaha qolyaha Nabad diidka ah ay ku harsan yihiin laga saaro, markaasi kadibna dadka degan dhulkaasi ay sameystaan Maamuladooda, balse waa in Dowladdu hogaaminta dhismaha maamulka ay yeelataa, waana in la waafajiyaa Dastuurka qodobadaasi ayaana saldhig u ah dhismaha maamulka Jubbooyinka” ayuu tilmaamay R.wasaare Saacid oo xusay in arrintaasi ay raali ka yihiin dadka ku dhaqan degaanadaasi, dalalka deriska ah iyo caalamkana ku taageersan yihiin.

Maamulka Galmudug:

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Xukuumadiisa maamulka Galmudug, isagoo sheegay inuu jiro xiriir wanaagsan oo dhow inuu kala dhaxeeya, isagoo u hambalyeeyey hogaanka maamulkaasi, isagoo u rajeeyey horumar.

Maamulka Puntland:

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladda maamulka Puntland wuxuuna u diray hambalyo sida ay u xaliyeen arrimahooda gaarka ah, maadaama ay todobaadyadii ugu dambeeyay ka jireen xaaladdu adag, isagoo u rajeeyey inuu alle u siyaadiyo horumarkaasi.

Maamulka Somaliland:

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu kaga hadlay shirkiisan jiraa’id Maamulka Somaliland iyo Wadahaladii u socday Dowladda iyo madaxda maamulka Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay inay dhowaantan bilaaban doonaan wadahadaladaasi.

“Waxaan rajeynayaa in Wadahadaladani ay ka soo baxaan miro wanaagsan oo ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay inay wax lagu taamo tahay Midnimada ummadda iyo wadajirkeedu.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...