Garoonka kubada cagta Magaalada Kismaayo oo si rasmi ah loo furay(Daawo farqiga u dhaxeeyo Garoomada Kismaayo iyo Muqdisho)
Published on January 12, 2013 by admin · 7 Comments
Akhrisatay :21814
Garoonka kubada cagta Magaalada Kismaayo oo si rasmi ah loo furay , waxaana furitaankiisa hadala ka jeediyay Mas’uulyiin ka tirsan Maamlka KMG ah iyo xirirka kubada cagta jubada hoose. Kubadii ugu horeysay ayaa waxaa laaday Madaxa Arimaha Bulshada ahna Afhayeenka Maamulka Jubboyinka Cabdinaasi Seeraar Maax.
HALKAN KA DAAWO
Waxaa eedeeyn loo soo jeediyay xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed oo wax alaale waxii magaca sportiga somaliya lagu soo qaado geeya Magaalada Muqdisho.Xaqii Soomaaliweyn magaceeda lagu soo qaada ama aduunka ugu deeqa dalka Soomaaliya waxaa liqdaa Magaalada Muqdisho. Magaca Soomaali ayaa waxuu noqday mid ay ku qaraabtaan Beelaha dega muqdisho. Hadii laga tashani waayo waligeed dulu iyo dib dhac uunbaa lagu jiraya. Halkan hoose ka eeg Garoonka kubada cagta Muqdisho oo lagu goglayo Cowska aartifishilka ah, halka ka kismaayana aad indhiniina ku aragtaan. Somaliya maanta ma jirto dowlad cadaalad ah nin walba deegaankiisa isagaa dowlad ka ah ee reer jubalanoow isku tashada.



February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...
Inkastoo waqti ka faa, iideysi uu jiro hadana muqdisho waa magaala madaxdii somalia.waxaana wanaagsan marka hore muqdisho ineey bilicdeeda soo noqotaa si dadka wax bixiyo eey u arkaan in somalia eey wado wanaagsan ku socoto.weey jiraan wax is daba marin eey reer muqdisho aga faa, iideysanayaan daruufaha wadanka haaysto.anaga hadii eeynu nahay dadka jubooyinka dego waa inaanan ku tashanin inuu muqdisho wax inaga soo gaaro.waa inaan anaga isku tashanaa oo aan garoomadeena caarada ka qadanaa oo dadkana tusinaa inuu waxqabadkeenu yahay horumar iyo da, daal anagoonan eedeyn qoomiyad kale.samirkana waa inaan badinaa ilaa aan ogaano halka aan wax u raadsani karno.
war ninyahow umadan shaydaan baa dhagta wax ugu sheega war waa dalkeeni meel walbana waa dhisaynaa anagoo gacmaha is haysana muqdishana hal beel malaha oo cid cid marti ugu ah ma jiorto oo waa magaalo madaxdii umada soomaaliyeed marka xumaanta iyo warxumida umada walllaha ah aad dhex dhigaysaan joojiya kismaayo horta marka hore maamul haloo dhiso hana laga dhameeyo shabaabka habeen walba magaalada fowdada ka wado,gedo ilaa jubada hoose iyo mida sare marka laisu furo anagaa imaanayan oo dhulkeena dhiseeyna dhib ma leh masyyrka ma fiicno waa xilo shaydaaan ee kheeyrka badiya hadii xamar qurxoonaato soomaaliyana waa qurxoonaaneeysaa haka walwalin..soomaaliya ha israacdo guuul,guul guuuul..
as.c.w.w. Walaalayaal joojiya fadlan warxuma tashiilka maxa dhacay mugdisho iyo kismaayo waa is kumid laakin weli maamul kamajiro xataa xiriirka cubada cagta matagi karaan meel aan maamul iyo nidaam dowliya uusan kajirin waxad lasocotaan mar dhaweed inlasocelshay wafdi kasocday dowlada iyo igad iyo qm. Intaba.
waxan ku farax sanahay in la furo garoonka kubbadda cagta eee magaalada kismayo in looo furo dhalin yarada ku cayaari jirtay halkaas iyo daawada yaal tiro badan waxaan leeyahay dadka magaalada amnigeeda gacanta ku hayo in ay si rasmi ah u tex geliyaan amniga garoonka wayoo waxaa usoo daawasho tagaayo ilaa iyo 36000 kun iyo ka badan oo dhalin yaro hadda soo baxeyso iyo deqeey tiro badan oo aad u jecel xiiseeyana kubbadda WAXAN DHIHI LAHAA MAAMULKA MAGAALADA U TALIYO IN AY GAROONKA MAAL GELIYAAN OO WIXII DAYAC TIR AH OLOOGA BAAHAN YAHAY GARONKA IN AY HAGAA JIYAAN .
ASC:- kismaayo wa riyooneesa hadiiba aay maanta wax ka sugeesa xamar.yaab war dadka xamar jooga soo maha dadka ku dhex dhalay guryo iyo beero aysan lahayn.
muqdisho soomaalida oo idil xoolaheeyii ayaa beelkaliye ku baashaaleeysaa markaa aniga maqabo in ay caasimad soomaali tahay ee reer baa yeeshay maxaa beenta loo sheegi markii ay caasimad soomaali ahayd waa markii lawada deganaa lagana wadashaqayn jiray hadase maya .
A.s.c dhaman inta wanaga jecel. Runti Waa nasib daro in ad nocelisan. 20 sano ka hor waxi dhacay. Muqdisho iyo kismayane. Waa dhul somaliyed. Muqdisho. Cid gar u lehna majirto. Dolada somaliya cid walbo wey ku jirtaa. Wana lawada ma mulaa. Arimaha somaliya. Cid goni u mamuli karta majirto. Hurumanka somaliwena u socdaa o mugdisho kaliya lagama wado