Monday, May 20th, 2013

Madaxweyne Xasan oo Socdaalkii sii ugu horeeyay ku gaarayo Mareykanka.{Maxaa Faraha miyaa laga soo qaadi rabaa}

Published on January 13, 2013 by   ·   1 Comment Akhrisatay :2388

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku gaarayo dalka Maraykanka.

Waxaa safarkaan Madaxweynaha ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha dibadda Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan, iyo la taliya-yaasha Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madax sar-sare ee ka tirsan dowladda Maraykanka. Kulamaadaas ayuu Madaxweynaha uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya. Boqashadaan ayaa waxeey tahay mid muujineyso sida ay uga go’an tahay Madaxweynaha adkeeynta xiriirka Soomaliya iyo Maraykanka.

Bilihii ugu danbeeyay ayuu Madaxweynaha safaro ku tagay dalalka Geeska Afrika, lana saxiixay heshiisyo laba dhinac ah. Heshiisyadaas oo ku aadan amniga iyo horumarka.

Si loo hubiyo, horumarka la gaaray. Dibna aan loogu noqon bur-bur Madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la’leedahay beesha caalamka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya.

Safarkaan ayuu Madaxweynaha kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo 1 ka ah lixda Tiir Siyaasadeed ee Madaxweynaha. Sidoo kalena wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.

Readers Comments (1)

  1. farhan says:

    hada ayuu ogaadey in aaney soconayn waxa eey u sheegaan jabuuti iyo hawiye action group marka waxa uu radinayaa sidii uu madaxweyne u sii ahaan lahaa



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...