Galmudug oo faah-faahin ka bixisay dagaal beeleed ka dhacay deegaano ka tirsan Mudug .
Published on January 14, 2013 by admin · 1 Comment
Akhrisatay :2326
Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal beeleed ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Mudug halkaasi oo ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo.
Guddoomiyaha Guddiga Dhexdhexaadinta beelaha ku dagaalamay deegaano hoostaga Degmada Gelinsoor ee Gobalka Mudug ahna wasiirka qeyraadka Galmudug C/qaadir Maxamed Cali Qalabxooor ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan.
Wuxuu sheegay in iminka ay kuguda jiraan dhexdhexaadin ku aadan beelahaasi dagaalamay isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in meel wanaagsan ay u marayaan howlaha.
Dadka dagaalamay ayuu sheegay inay yihiin dad xoolo dhaqato ah islamarkaana amuuraha ay ku dagaalameen ay suuragal tahay inay yihiin daaqsin iyo arimo dhulbeereed la xiriira.
C/qaadir Maxamed Cali Qalabxooor Guddoomiyaha Guddiga Dhexdhexaadinta beelaha ku dagaalamay deegaano hoostaga Degmada Gelinsoor ee Gobalka Mudug ayaa ugu baaqay beelaha halkaasi ku dagaalamay inaysan dib usoo celin dagaalkaasi ayna eegaan walaaltinimada iyo wanaaga ay kuwada dagan yihiin.
Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya deegaano ka tirsan waxaa ku dagaalama dad reer miyi ah kuwaasi oo isku qabsada arimo la xiriira dhul beereed.
February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...
asc walayal dhiga qoriga o nabad wax kuxaliya sidu dhaqankenu ahanjiray dagal wil aya kudhinte wilkuma dhasho war yabaye somalidu kamadasho miya qori iyo inay dadiyan dhiga walalkod wlh intaynu banaysanayno dhiga qof walalken ah inaynan guldaro macalul iyo gajo kabaxaynin e somaliyey usonoqda ilahay