Monday, May 20th, 2013

Al-Shabaab oo sheegay in askarigii dhaawaca ahaa ee Faransiiska uu geeriyooday.

Published on January 14, 2013 by   ·   1 Comment Akhrisatay :2345

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheikh Abdiasis Abuu (Musab) oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in askarigi Faransiiska ahaa ee ku dhaawacmay weerarkii Faransiiska ay ku soo qaadeen Soomaaliya gaar ahaan xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buul-mareer islamarkaana isagoo dhaawac ah gacanta u galay Al-shabaab uu geeriyooday.

Sheikh Abdiasis Abu Muscab, ayaa geerida askarigii labaad ee Faransiiska Al-Shaabaab gacanta ku dhigeen u xaqiijiyay wakaalada wararka Reuters kadib wareysi ay la yeesheen.

Wuxuu sheegay Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab in askariga uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar jimcadii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Buulo Mareer oo u dhaxeeyay ciidamada Kumaandooska loo yaqaano ee Faransiiska iyo Al-Shabaab,kuwaasi saacado isweydaarsanayay rasaas oo ay ka horeysay Madaafiic diyaarado ka baxay oo ku dhacay deegaanka lagu dagaalamay kuwaasi ay ridayeen diyaarado kaalmeynayay ciidamada weerarka soo qaaday ee dowlada Farance ka socday.

“Askarigii labaad ee faransiiska ee dhaawc ahaan gacanta ugu dhignay dhaawicii soo gaaray ayuu u geeriyooday,dhawaan waxaan soo bandhigi doonaa meydka labada Faransiiska”ayuu yiri Muscab oo lahadlay Reuters.

Maalintii sabtida ayaa Madaxweynaha dalka Farance Francois Hollande uu shaaciyay in labo askari ay kaga maqan yihiin Soomaaliya kadib howlgal ay ka sameeyeen, Mr Allex oo la haaste u ahaa Al-Shabaabna uu geeriyooday,taasi oo markii danbe been noqotay oo al-shabaab bayaan ka soo baxay lagu beeniyay.

Readers Comments (1)

  1. Xamaro_city says:

    Allshabaab iyo france midna lama tageeri karo gaal iyo gaal u eke lkn waxan kaxumahay dadka shacabka ah e kudhax dhimanhaya.



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...