
Shirweyne Ballaaran oo laga soo shaqeeyey ayaa la filayaa in Berito ay Xarunta Jaamacada PSU ku qabsadaan Urur Siyaasadeedka Muxaafidka ah ee Horseed ayna kasoo qayb gali doonaan Madaxweynaha Puntland ku xigeenkiisa iyo Masuuliyiin kale Waxaana jira Diyaar garow iyo wadatashi shirkaasi ku saabsan oo caawa ka socdo Magaalada Garoowe.
Shirkan ayaa la doonayaa in lagu doorto Gudoomiyaha rasmiga ah ee Ururka kuxigeenadiisa iyo Xog-hayaha Ururka Waxaana la filayaa in shirku uu socdo mudo 2maalin ah, waxaa jiray boorar Waawayn oo lagu soo xardhay hal ku dhigyo ka turjumaya wax qabadka ururka oo la diyaariyay taasoo ay qayb ka tahay diyaarinta hawshaasi Wasaarada Warfaafinta iyadoo dhanka diyaargarowga iyo Bilicda kulankana ay qaabilsan tahay Wasaarada haweenka ayaa la filayaa in uu Barito Garoowe ka qabsoomo.
Wafuud ka socota Gobolada Puntland ayaa Maanta ilaa caawa kusoo qulqulayay Magaalada Garoowe kuwaasi oo doonaya in ay kulanka Berito ka qayb noqdaan waxaa sidoo kale la sheegayaa in madax ka tirsan Dowlada Soomaliya oo uu ka mid yahay Ray’sul-Wasaare Saacid in uu soo gaari doono Magaalada Garoowe inkastoo Dowlada Puntland aysan cadayn imaanshaha Madax ka socota Puntland marka laga reebo dadka oo si aad ah u hadal haya.
Haduu kulankan Qabsoomo Berito ayaa waxaa uu noqonayaa ururkii ugu horeeyay ee samaysta Madaxdii rasmiga ahayd ee hogaamin lahayd iyadoo horay uu ururkani u ahaa kii loogu hor dhawaaqay tan iyo intii la fasaxay Furashada Ururada Xisbiyada Badan ee Puntland, Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa horay u sheegay in Ururka horsed uu il gaara ku hayn doono Dhalinyarada iyo haweenka iyadoo laga warsugayo kaalinta ay 2daasi qayb ku yeeshaan hogaanka Ururka oo 2maalin gudohood lagu dhawaaqi doono.