Sunday, May 19th, 2013

Gabar Mudo lagu shukaansanayay Magaca Fanaan ay hawadda Ka jeclaatay Lacagna looga cuney (Dhacda Xanuun badan).

Published on January 29, 2013 by   ·   12 Comments Akhrisatay :21968

Waxaan go’aan ku gaaray inaan la xiriiro bal nolosheydu uga xasisho Jaceylka xad dhaafka ah ee aan u qabay, Waxaan helay ciwaankiisa facebookga Xanuunbadanaa qof aad jeceshahay oo aadan misna si toos ah isku hor fadhiisan Karin.

Bal intaanan sheekadda dulucdeeda galin aan isku kiin sheego qofkaasna magaciisa idiin sheego.

Magaceygu waa Ilhaan Maxamed, waxaan Hadda ku noolahay wadanka Suudaan gaar ahaan Magaalada Khartuun.

Waxaan Si said ah u jeclaaday Wiil fanaan ah oo lagu magacaabo Liil Baliil Mudo lix bilood ah ayaan jaceylkiisa qarsanaayay markaan is iraahdo u sheego waan yar cabsanaayay Anigoo jaceylkeyga qarsanaaya ayaa wax kasta oo uu soo qoro waxaan ka bixin jiray comment mudo yar kadib ayaan bilaabay inaan massage ku qoro oo aan ku dhahaayo aboowe ila sooxiriir intaas uguma aana ekeeyne waxaan go aan saday inaan marnaba qadka ka bixin si aanan u seegin xiliga uu Online ka soo noqonayo .

Habeen habeenada kamid ah anigoo heesihiisa daawanaya ayaan shaashadda ka arkay Studio Balan baalis iyo taleefoono meesha ku qoran , taleefoonkii ayaan qortay kadibna waan wacay waxaa iga qabtay wiil waxaan ku dhahay waxaan rabaa Liil Baliil taleefoonkiisa kadibna wiilkii wuu isiiyay waan wacay waxaan dhahay aboowe Liil miyaa ? haa ayuu dhahay laakin shaqo ayaan ku jiraa.

Isla markaasi waxaan u sheegay qofkaan ahay iyo sidaan u taageero ileen jaceyl horay lagama sheegi karee, habeen ayaan qadka ku arkay balse si fiican hadalkeyga uguma uusan soo jeedin, balse habeen aniga oo qadka facebookga ku jira ayaan arkay isagoo meesha kusooqoray “ Caawa yaa ila soo jeedaaya?” Kadibna comment ayaan ugu qoray Anigaa Kula soo jeedaaya.

Xoogaa ayaan commentiga ku kaftanay kadibna ciwaankeyga ayuu iwaydiiyay waan u sheegay wuu igu soodarsaday habeenkaasi farxad ima dhimaneyn waayo waxay ila ahayd inaan helay qof aan jeclahay balse sidaa sheekadu maahayn .

 

Sheekadu waxay xumaatay markii ay meesha beeni timid , inkastoo uu facebookgiisa ku sooqortay in uu xaasle yahay oo aan aniguna sidaa isaga qanacsanaa maxaase dhacay ?

Inkastoo aanan waji ahaan isku aqoon hadana isla habeenkii igu horeeysay ee aan cod ahaan iskula hadalno ayaa waxaan xoogaa dareemay in codkaani uusan ahayn codkii aan heesaha ku maqli jiray waan waydiiyay waxaan dhahay
codka maxaa isma lahane , wuxuu igu dhahay kaasi waxaa lagu habeeyaa maksar marka waa sidaa waxaad u fahmi waysay.

Habeen ayuu i dhahay cawa murug ayaa i hayso aniga waan naxay waxan ku dhahay maxa kugu dhacay waxa oo idhahay lacagti gurika ijaarka ayaa iiga dhuntay bari maxan sobiyaa meel an deen ka helayo malahan anigoo yaban ayaan wiil ila dhashay ayan wacay waxan dhahay 100 dollar ayan rabaa oo dag dag ku qadanayo waa isoo dhigay lkn malinti ma anan helin malinti dhan aniga waan baqayay waxan is dhahayay amoo ka xanaqaa aniga tel ma anan ka qabanin markas ayuu facebook ayuu ku soo qoray cawa nolosheyda aya iiga maqana aaway ilhaan wan ku jeclahay aniga farxad iyo wal wal ayaa isgu keey darsamay hadalad oo dhahayo iyo lacagta aan u diri wayay waxan ka cabsahaa inoo i naco oo i dhaho aman isii subix waaga markoo barayay ayaan baaxay xawaaladi ayan aday lacagti online ayuu ku qaatay

markas ayaa leer qaboow ah isoo martay meshi ayan ka bilownay sheekadi mar walbo aan dhaho skype soo fariis been ayuu ishegaa waxa oo i dhahaa qaali laptoga aya iiga maqan tel ayan qadka ugu jiraa aniga wan aminay wayo waa naf aan jeclahay sas i tahay waxan niyada isga dhihi jiray lill baliil lacag uma bahno ee amoo adiga kugu dijabinaa runtu maserey ayan ahaa lkn maserka jaceylka ayaa ka badiyay lkn aniga wan ku qanacsana wayo waxan u maleya inoo yahay lil baliil mana ahan malin ayuu waxa oo i dhahay ma ku aminaay ilaa aa naagteyda ka noqoto .

aniga wan ku farxay hadalkas wayo waxan jeclaa malin inaa naagtis noqodo walalahey ayan baray iyo aabo cideyda dhan ayan wada baray waa la iigu nikaxay dib waxa balansaneyn inaa kenya ugu tago marka dhaho sawir soo gal waxa oo i dhahaa wan mash quulsanahy ok ayan dhaha waxan niyada ku sa sabanaa inaa naagtiisa ahay oo malin uun aan arki doono?

habeenki qadka ayaan ku dhafri jirnay aniga sa.id ayan u sii jecladay marka dhaho naag ma qabtaa waxa oo i dhahaa maya hadalad aan pega facebook ku aragto waa been dadka ayaan ku mada daalin jiray hadalka oo i dhaho wan ku qancaa wanba ku faraxsanahy waxan arkay sawiro oo arooskiisa ah wan weydinaa dhar ayaa la maraa ileen dharta waa runtiis wayo asiga naag ma qabo ee lil baliil ayaa qabo aniga wan yabay waan fikiray hadii an dhaho maxa wayay sawirad waxa oo i dhahaa waa aniga iyo walshey marki la aroosayay walshey wayay wan isga amusaa marka dhaho nairobi ayan kugu imanaa waa didaa waxa oo dhahaa aniga qartoum kugu imanayo hadalo ayan misaamay waxan wacay gabar aderkey dhalay waxan dhahay ninkas ayaa i qabo wan ka shakisanahay ee soo ogaaw waxa la soo ogaday inoo nin kale i qabo oo magaca lil baliil ku qarabanayay aniga naxdin meel aan aado ayan aqooni wayay wan ooyay maxan sobiya dalo faraha ayee ka baxday lil baliil ayaa isla hadalnay maba ahan isagu cod waan fikiray ninki wiil ader dhalay ayaa ogaday xoog aya la iiga furay aniga niyada ayan ka jabay nolosheyda mugdi ayay gashay .

lil baliil wan jeclahay lkn ma rabo inaa rerkis bur buro magacisa ayaa xasuus i ah waxan wiilasha somaliyeed ugu digaa inee nolosha bini.adamka lagu ciyaarin qofkan dhib loo kesan wayo gabar waa kula dhalatay ma la xumeyo nin ragga ah nin kale faciis ah magaciisa inoo ku qarabto waa laka fiican yahay aniga jecelkeyga sas ayan ku wayay ninkasna kalia waxa oo jeclaa magaca lil baliil inoo ha leeyo ama sumcad daro ku rido wayo waqti walbo lacag ayuu i weydiin jiray marka illah ayaa joga adduunka waa laga tagaa.

Readers Comments (12)

  1. hussein says:

    wallahay gabadhaa waan kanaxay weyna aminaad badantahay waxaan dhihi lahaa wallal ha is caloow xumeyn dhaxda xiro

  2. Sheybani says:

    Waan ka xumahay abaayo iska samir wixi dhacay na iska iloow. Qofka sida kuu qiyaane isagaa hortiisa ka helaayo

  3. Axmedaey says:

    Kkkkk banana wax laga jaclaadaa yaaku yiri,naa ruuxa bani aadamka waxaa lajaclaadaa marka la arko habdhaqankiisa+muuqiisa+dabeecadiisa inta kale waa ka helitaan ee Allaha kuu saqiro silicaad martay haduuba jiro horta filin buu u egyahay.

  4. Xamaro_city says:

    Kkkkkkk inaalilah naga daaya dee dhoobleey geed xataa maydaan ugu sogaban tan kkkkkk nin anaan la aqoon la arag waxuu yahay war lohaynin miyu odey gabadhiisa umaheri wa maya

  5. almahdy says:

    marka hore waa kaxumahay khayamada kugu dhacday oo kugu sameeyay wiil somaliyeed asagoo ka faidaysanaya jacaylka aad uqaaday nin adan arag. waa jiraa jacaylka lakiinse hadana wa lais kontorola hadii kale meel xunbuu kudhigi. alwayz be strong 2 control your self

  6. Janaay says:

    way kugu macdahay! Waxana kugula talinaya cashar ku qaado taas hada kadibna is ilali.

  7. Oskakido says:

    Ilha allah hakusa wahaa gacantisa kubarkiya oo hasustisa ilobeni

  8. Noorani says:

    Asxabta iyo wargeysga dhoobley waxan weydin su,al ah. RIYO JACEYL MA RUMOWDA? Gabadha inan garabsiyo ayan jeclahaye yan kala xariira mise i gu so xaririn karo?

  9. wiil sade says:

    sheegsheladan waa murug culayskeda leh lkn filim aan fiirsaday leewaye a abaayo waxay lashekeysay

  10. runtaweheshade says:

    hhhhhhhh runta yaanlagasiii fogaan walashey abo gabadhiisa matuuro facebook. kama meheriyo mise abahaa waa mid casriga lasocda

  11. runtaweheshade says:

    warkagu waa riyo cml horta kasooo toos hurdada

  12. omar abdullahi nuh pk. says:

    kkkkkkk. in badan rag idiin daacada waad turufayseen dhulkana waad la dhacdeene. Aad & aad ayaanu uga xunahay gabar somaliyeed calaf doona ah in sidaa loo boojeeyo aamaaba la arkaa muxubooy inaad wiil ilintu kaaga daadanaysay aad na kuu rabay inaad ku xumaysay nabsina uu kugu noqday ha murugoon aduun wax kasta waa la arkaa almiino ka danbe si fiican ubaandhee. sun.06:35.am.2013. holland.



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...