SOOMAALILAND OO MARKALE KA JAWAABTAY HADALKII DOWLADDA UK.
Published on January 30, 2013 by cade · No Comments
Akhrisatay :2176
Saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliland ayaa markale ka jawaabay hadalkii kasoo baxay Dowladda Ingiriiska ee ahaa in qataro dhanka ammaanka ah ay ka jiraan deeganada maamulka Soomaaliland.
Taliyaha ciidamada Booliiska maamulka Soomaaliland C/laahi Fadal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ammaanka deeganada maamulka Soomaaliland uu yahay mid wanaagsan.
Wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska ay gutaan waajibaadka qaran ee ciidanka horyaala taasi oo ah sugidda dhanka ammaanka Magaalooyinka maamulka Soomaaliland.
Fadal ayaa sheegay in dhamaan wadamada caalamka uu usheegayo in la isku haleyn karo ammaanka deeganada maamulka Soomaaliland aysana iminka dhibaato ka jirin.
Sidoo kale qaar kamid ah shacabka maamulka Soomaaliland oo ka hadlay aragtidooda ku aadan sida ay u arkaan hadalkii kasoo baxay Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay ku tilmaameen hadal lagu dag dagay.
Waxa ay sheegeen in Dowladda Ingiriiska looga baahan yahay inay raaligelin buuxda ka bixiso hadalka ku wajahan Xukuumadda Soomaaliland ee qataraha dhanka ammaanka ka hadlaya.
Dowladda UK ayaa sheegtay inay u digayso muwaadiniinteeda jooga maamulka Soomaaliland inay kasoo baxaan kadib markii sirdoonka dalkaasi uu helay warbixino sheegaya qatara dhanka ammaanka oo ku wajahan muwaadiniinta UK ee Soomaaliland ku sugan.
February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...