Al-Shabaab Oo Ku Hanjabay Inay Weeraro kale Ay Ka Geesan Doonaan Muqdisho.
Published on January 30, 2013 by cade · No Comments
Akhrisatay :2118

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay weeraro kale oo qaraxyo ah ay ka geesan doonaan xarumaha dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in qaraxa Shabaab ay ka geesteen magaalada Muqdisho uu muujinayo awooda Shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Abuu Muscab ayaa sheegay in xarumaha waaweyn ee dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho ay Shabaab ka fulinayaan qaraxyo muujinaya awooda Shabaab.
Wuxuu sheegay ninkaan ka tirsan kooxda Al-Shabaab in ay bartilmaameedsan doonaan ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya iyo waliba xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale afhayeenka dhanka dagaalada ee Shabaab ayaa wuxuu guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay gobalka Jubadda hoose oo ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sibuuxda u sheegatay in ay ka danbaysay qaraxii lagu weeraro xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada in kastoo dowladu ay sheegtay in weerarkaasi la fashiliyay oo uusan geesan khasaaro badan.
February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...