Sunday, April 20th, 2014

AMMAANKA KENYA OO LAGA SHIRAY IYO KA HORTAGA WEERARADA SHABAAB.

Published on January 30, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2211

Kadib shir si wadajir ah u wada qaateen Wasiirka Amniga Gudaha Kenya Katoo ole Metito iyo Gudoomiyaasha degmooyinka ayaa waxay shirkooda kaga hadleen xaaladaha nabadgalyo ee ka jira dalka Kenya iyo sida looga gudbi karo xilli doorashada madaxtinimada dalka ay soo dhowdahay.

Waxayna si adag u wada balan qaadeen in la iska kaashado sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ahaan dalka oo laga hortago falalka amaanka ka dhanka ah ay ka mid yihiin qaraxyada iyo dilalka bareerka ah ee shacabka iyo askarta loo geysanayo.

Sida ay uu baahiyay wargeyska Daily nation ee ka soo baxa dalka Kenya,wasiirka Amniga Gudaha Kenya Katoo ole Metito ayaa shaaca ka qaaday in falalka amaandari inta badan ka jira dalka Kenya ay ku lug leeyihiin dhalinyaro xariir la leh Al-Shabaab,isagoona tilmaamay in ragaasi gacan bir ah lagu qaban doono.

“Alshabaab waxaa laga yaabaa hada inay abaabulayaan weeraro xilliga doorashada ah,waa laga yaabaa,marka waa inaan isku tashanaa oo amaankeena ka taxadarnaa si dhibaato aysan u dhacin ka hor aan ka hortagnaa”ayuu yiri Mr Katoo ole

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mutea Iringo iyo Madaxa Adeegyada Dawladda,ayaa Gudoomiyaasha degmooyinka ugu baaqay inay la yimaadaan qorshe dhab ah oo wax looga qabanayo xaaladaha amaandari ee ka jira dalka.

Dowlada Kenya,ayaa si weyn waxay kaga walaacsan tahay in doorashada dalkeeda xilliga ay dhacayaan la kulmaan rabshado carqalad giliya hanaanka doorashada iyo habsami u socodkeeda,wallow marar badan Kenya uu ka dhacay kulanka amaanka lagu xoojinayo.

Shabakada kala soo xidhiidh E-mail-kan: dhoobleynews@gmail.com

Ra'yigaaga oo Qoraal ah halkaan noogu soo dir:

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *

WARARKII HORE

yus

Dhageyso : Xildhibaan Yusuf Xasan oo si adag uga hadlay howlgalka Xaafada Islii.

April 19, 2014
Iyadoo ku dhawaad saddex isbuuc uu socda howl-galka ka socda xaafadda islii ee magaalada Nairobi ayaa maalmo ka ...
KENY

Dhageyso : Dowlada Kenya oo Qaxooti Soomaali ah dib ugu celisay Xeryahay Qaxootiga

April 19, 2014
Dowladda Kenya ayaa kooxdii ugu horeysay oo qaxooti ah dib ugu celisay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma. Ilaa ...
dhacdo

Daawo Muuqaal Naxdiin leh: Wiil Hooyadiis Mindi Ku dilay Danmark iyo Sida Wax u Dhaceen

April 18, 2014
Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Denmark ka dib markii uu ...
w2

Sawiro Layaableh : Hal Qoys oo 115 cod kuleh Doorashada Dalka Hindiya

April 18, 2014
Waxaa laga yaabaa in ay u muuqato wax lala yaabo laakiin, waxaa jira qoys u dhashay wadanka India ...
xasaan

Kiiskii loo haystay Sheekh Xasaan iyo Xaaskiisa oo markale dib loo dhigay

April 18, 2014
Maxkamad kutaala magaalada Nairobi ayaa shalay waxay dib u dhigtay go’aan ka gaarto codsi uu mar labaad soo ...
somali

Deg Deg Daawo Muqaal: Afar nin Soomaali ah Oo Laga Qabtay Xadka Kenya Iyo Tanzaniya.

April 18, 2014
Afar dhalinyaro Soomaali oo ka soo qaxay dalka South Africa ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ay ku ...
Uhuru

Dhagayso: M/weyne Uhurru Kenyatta.Soomalida kenya joogta wan iska saareyna.Dalkooda ayeey soo qariben nabad maraban.waanu iska Saareyna..

April 18, 2014
M/weynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlay xaflad tababar loogu soo xiray saraakiil boolis ah oo ka ...
lamaane

Daawo Muuqaal: Lamaane maxkamad loosoo tagay gabar yar iyagu dhaleen oo u dhimatay Gudniinka Fircooniga kadib markii..

April 18, 2014
Lamaane is qaba ayaa mudo 7 maalmood ah xabsiga lagu sii heyn doonaa, si ay u waahaan dawac ...
AMINARTS

Daawo Amin Arts & Sawir yaab leh “Kenyaan bahan oo difaac uga jiro guryaha islii, markii somalida la tarxiilo ayaan..

April 17, 2014
Dawo Sawirka Maanta iyo Amin Caamir:- Kenyaan bahan oo difaac uga jiro guryaha islii. markii somalida la tarxiilo ...
farah

Dhageyso : Faarax Macalin’ oo ciidamada ladagaalanka argagaxisada Dalka Keyna su’aalo weydiiyeen

April 17, 2014
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya Farah Mo’alin, sidoo kalena ah siyaasi dhaliila dawladda oo si cad ...