Thursday, May 23rd, 2013

Daawo Saawiro: Shirweynihii Xisbiga Horseed oo furmay iyo Madaxda Puntland oo ka qayb gashay.

Published on January 30, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2170

Urur siyaasadeedka muxaafidka ah ee Horseed ayaa Maanta Xarunta Jaamacada ee PSU  ku  qabsaday Kulan socon doona mudo 3maalin ah kaasi oo ay ku dooran doonaan Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen, iyo Xoghayaha Ururka iyo Xubno kale Kulankaasi waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha PL ahna Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Ururka Horseed Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamaanka ,Xubno ka socday 2da Gole ,ergoon ka tirsan Horseed, Gudoomiye yaasha Gobolada Punltland, iyo taageerayaal kale ayaa lagu muujiyay cududa ururku uu ku leeyahay Deegaanada Puntland iyadoo kulankaasi uu furay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweynaha Puntland Dr  Cabdiraxmaan Faroole oo shirka furay ayaa sheegay in ay tahay talaabada ay horay u qaadeen mid looga gol leeyahay in lagu muujiyo sida Puntland ay ugu heelan tahay dhaqan gelinta Dimuqraadiyada ka hano qaada Puntland oo dil.

“ Kulankan  waxaan isugu nimid in lagu ansxiyo Xeerka ururka kadibna waxaa loo guda geli doonaa  doorashada  Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, waxaa hubaal ah in halkan aynaan ku qaybsanayn darajooyin balse waxaanu jidayneynaa in kooxda nagu xigtaahi ay hab dimuqraadi ah wax ku doortaan waana kaa yoolka aanu leenahay kana dhabayn doono haduu alle idmo ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay soo dhaweynayaan Ururada badan ee Puntland ka jira ee la mid ah ururkiisa Horseed wuxuuna cadeeyey in tartanka loo siman yahay oo qofwalbaa taaktiisa iyo tabartiisa uu tiiksado.

“kolay alle ka tuugi meyno in aynu harno hadaanu nahay horseed balse hadii nalaga guuleysto raali baanu ku nahay in aan harno qaylo la’aan  dagaal la’aan waana hambalyeyn doonnaa cidii soo baxda balse rajadeenu ma xuma oo guul baan fileynaa insha allah, waxaan kaloo xusayaa xaasidnimadu ma fiinee in aan Nidaamkan kaga dayano Walaaleheen waqooyi ee Somali-Land anaga qudheena wax nalooga daydo ayaanu fulinay oo ay ka mid tahay in Dastuurkii somaliya lagu hirgeshay Qodobadiisa Puntland taasiba waa ku dayasho Arin mudan Ayuu Yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan.

Sanadihii ay Xilka hayeen ayuu Madaxweyne  Faroole sheegay in ay xooga saareen in ay hirgeshaan Nidaamka Xisbiyada badan iyadoo uu rajo wanaag ka muujiyay waqtiga dhiman in lagu hirgesho Doorashoyinka Dowladaha Hoose taasi oo ah buu yiri Madaxweynuhu arinta kaliya ee looga gudbi karo Doorashiiyinka Qabiiliga  ku salaysan.

“ mudo badan ayaanu wadnay runtii in aan arintan hirgelino, waxaan waligay ku  riyoon  jiray  Puntland  oo  Dimuqraadiyad hesha dadkoo nabad ku nool dagaal la’aan iyo colaad la’aan  Riyaadaasi waxaa lasoo gaaray xiligii ay rumoowi lahayd oo ay dimuqraadiyadu ka hirgali lahayd Puntland Sanadkaan dhexdiisana Guul beynu rajeyneynaa ,runtii Horseed waanu ka tirsannahay laakiin in aan isa sharxeyno iyo in kale alle ayaa og rajadaynuse waxa weeyey in ururku ay Boqolkiiba Konton ka iman doonaan dhanka Bulshada rayidka , sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Puntland oo furay shirweynaha urur siyaasadeedka Horseed ee uu madaweynuhu hogaamiyo.

Kulankan intuu socday ayaa waxaa ka hadlay dhamaan Xubno matalayay 8da Gobol ee Puntland ee ka tirsanaa Ururka oo madasha ka hadlay ayaa Goobta ka sheegay in ay taageersan yihiin Codkana siinayaan Ururka Horseed.

Shirkan oo Socon doona Mudo 3maalin ah ayaa lagu wadaa barito in ergooyinka loogu soo bandhigo Xeerka ururka  hadii ay wax ka bedelayaan iyo hadii ay sidiisa u daynayaan Maalinta Xigtee jimcaha ahna lagu dooran doono HogaankaUrurkaasi,waxaana uu ururka horseed soo bandhigay taageerayaal kor u dhaafaya ilaa 500 oo qof kuwaasi oo deegaano kala duwan ee Puntland ka yimid.

0203

04 05

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...