
Ciidammada walaalaha Jabuuti oo ka mid ah kuwa Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dayactir ku bilaabay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Airport ee magaalada Beledweyn.
Howlahan dayactirka ah ee laagu sameynayo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn ayaa waxa ay hada si rasmi ah uga soconayaan garoonka qeybihiisa kala duwan waxaana howlaha dayactirka ka shaqeynaya shaqaalle Soomaaliyeed.
Saraakiisha ugu sareysa Ciidammada walaalaha Jabuuti oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlaha dayactirka ah ee lagu sameynayo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn ay hada mareyso meel wanaagsan islamarkaana dhowaan lasoo gebagebeyn doono haduu Alle idmo.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn ayaanay isagu mudooyinkan helin wax dayactir ah waxaana howlaha dayactirka ah ee ay hada ku sameynayaan ciidammada ka socda Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti hadii uusoo gebageboobo wax badan ka bedeli doonaa habsami u socodka howlaha shaqo ee garoonkaasi.
Ciidammada ka socda Dowladda Jabuuti oo qeyb ka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa horey dayactir ugu sameeyey goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Beledweyn goobahaasi oo uu ugu dambeeyey garoonka kubadda cagta lagu ciyaaro ee Lama Galaay.
