Sunday, May 19th, 2013

UNPOS Oo Ka Digtay in Xukun Caddaalad Darro ah uu Ka Dhaco Maxkamada Qaadeysa Dacwada Wariye Cabdicasiis Koronto Iyo Haweeney La Kufsaday.

Published on February 1, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2114

War saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS ayaa lagu sheegay in UNPOS ay ka walaacsan tahay in xukun caddaalad darro ah uu ka dhaco maxkamadda qaadeysa dacwada loo heysto wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim”Koronto” iyo haweeney ay kufsadeen ciidamada dawlada oo 22 maalmood ku xiran magaalada Muqdisho.

War saxaafadeedka UNPOS ayaa lagu sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin qaabka loo maareeyay kiiska wariyaha iyo dhowr ruux oo kale oo ay ku jirto haweeneyda la kufsaday iyadoo ay yarayd fursadaha qareenada u heli kareen inay kula kulmaan dhibanayaasha ay difaacayaan ee u xiran booliska.

“Si gaar ah xariga dheeraaday iyo iyo iyadoo aysan jirin fursad la talin dhanka sharciga ah ayaa si xun u saameyn doonta hab dhaqanka dhageysiga dacwada.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Maalinta berito ee Sabtida kuna beegan 2-da Febraayo ayaa loo ballansan yahay in dib loo dhageysto dacwada wariye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto iyo afar ruux oo kale oo ay ku jiro gabadhii kufsiga loo geystay.  Dhamaan dadkan waxaa loo heystaa inay sheegeen kufsi been abuur ah, sida dawlada ay sheegtay balse haweeneyda la kufsaday iyo ninkeeda oo hadda xiran ayaa ku adkeysanaya in kufsigaasi ay u geysteen ciidamada dawlada isla markaana aan waxba laga qabanin.

War saxaafadeedka ka soo baxay maanta UNPOS ayaa ku soo beegmay xilli warbaahinta adduunka ay hareysay ka hadalka kiiskan weli ku cakiran hay’adaha garsoorka dawlada Soomaaliya, waxaana bogaga wargeysyada ku soo laalaabanayey beryahan xariga wariyaha wareystay haweeney la kufsaday iyo gabadhii kufsiga dhibanaha u ah iyo seygeeda.

Waxaana arrintan ay sidoo kale noqotay markasta la hordhigo wafdiga madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku maray beryahan wadamada Mareykanka, Ethiopia, Bilgium, iyo UK.

WAR SAXAAFAEEDKA UNPOS

                            Statement on Opening of Trial in Mogadishu

Mogadishu, 01 February 2013 – The UN Political Office for Somalia (UNPOS) notes that charges have been filed against five individuals in the case opened by the Somali National Police investigating the publication in the media of an allegedly fabricated report on sexual violence in Mogadishu.  A journalist, Abdiaziz Abdinur Ibrahim, was charged under Article 269 of the Somali penal code for offending the honour of a state institution and for filing a false report.  A woman who reported having been the victim of a rape has also been charged with false reporting and for offending the honour of a state institution.  Three other individuals have also been charged in connection with the case, which is scheduled to be heard by a court in Mogadishu tomorrow, 2 February 2013.

UNPOS has raised concerns that the handling of the pre-trial phase, in particular that the prolonged detention and the (now remedied) lack of access to legal counsel could negatively impact on the conduct of the judicial proceeding.  The mission has received firm assurances from the Government of Somalia that the trial of the five defendants will be conducted with full respect to both national jurisprudence and international human rights law.

UNPOS reiterates that the presumption of innocence is an essential precondition to the validity of any legal procedure and looks forward to hearing the full facts on 2 February.  The mission will monitor the process throughout and trusts that the defendants will receive a fair trial, in line with the Government of Somalia’s stated commitment to ensure due process and the fair administration of justice.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...