MAREYKANKA OO SHEEGAY INUU CUSBOONEYSIINAYO DUQEYNTA UU KA GEYSANAYO WADAMO SOOMAALIYA AY KA MID TAHAY.
Published on February 2, 2013 by admin · No Comments
Akhrisatay :2106

Isagoo wareysi siinayay AFP xoghayaha difaaca Mareykanka Leon Panetta,ayaa wuxuu sheegay in Mareykanka uu doonayo inuu sii wado dagaalka uu kula jira Kooxaha Al-Qaa’ida gaar ahaan kooxaha xariirka la leh ee ka dagaalama dalka Soomaaliya iyo Yemen.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mr Panetta ayaa hoosta ka xariiqay inay wadaan qorshe ay ku cusbooneysiinayaan Diyaaradaha dagaalka ee aan cidi kaxeynin in duqeymo sharcidaro ah ay ka geystaan dalalka Soomaaliya iyo Yemen ay ku tuhmayaan sida uu sheegay rag ay doonayaan.
“Waxaan u maleynayaa inay ku xiran tahay hadba sidaan ula dhaqano ragaan Argagixisada ah,waxaan ku jirnaa dagaal Argagixiso,dagaalkana waxaan ku soo jirnay tan iyo 11,septembar 2002-dii.”
Xoghayaha difaaca Mareykanka Leon Panneta,ayaa isagoo wareysigiisa uu siinayay wakaalada waraka ee AFP ,waxuu dhanka kale tilmaamay in ujeedada dhabta ah ee ka danbeeysa dagaalka ay kula jiraan Al-Qaa’ida ku tilmaamay aargudashada weeraro ka dhacay dalka Mareykanka oo dad shacab ah lagu laayay sida Baneti uu sheegay.
Sidoo kale Baneti ayaa hoosta ka xariiqay in haatan qorshaha Mareykanka uu yahay sidii loo cusbooneysin lahaa Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka geysanayaan Soomaaliya,iyagoo ka duulaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo rag ajaaniib ah oo sida ay sheegeen ka barbar dagaalama.
Hadalkaan Mareykanka ka soo baxay ayaa ku soo aadaya iyadoo dowlada Mareykanka wadamo badan ay ka wado dagaal dhanka cirka ah oo shacab badan ay ka cabaadeen.
Arintan waxay u muuqataa mid kor u sii qaadeysa dhibaato soo gaarta dadka shacabka ah,maadama inta badan dhibaato ay ka soo gaarto duqeynta diyaaradeed dadka shacabka ah.
May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...
February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...