
Waxaa maanta magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu soo dhaweeyey Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo Jeeda Puntland.
Xildhibaan Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe ayaa waxaa soo dhaweeyey Madax ka tirsan Puntland uguna horeeyo Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan,Odayaal dhaqameed, Haween, Maamulka gobolkayo kan degmada Boosaaso,
Xarunta Wasaarada amniga Puntland ee magaalada Boosaaso oo kulan lagu soo dhaweynaayey uu Wasiirku ugu qabtay ayaa Xubnihii kasoo qeybgalay waxay Xildhibaanada usoo gudbiyeen sida Puntland uga qatan tahay deeqaha laga helo dalalka Caalamka taasoo aan marnaba soo dhaafin Muqdisho.

Waxay sidoo kale ka Codsadeen Xildhibaan Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe in Baarlamaanka Federaalka u gudbiso baahiyaha ay qabaan si ay wax uga qabtaan maadaama Federaalka kamid yihiin.
Wasiirka amniga Dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ku amaanay Xildhibaanada kusoo laabashadeeda Puntland ayna tahay wax lagu farxo in gobolkii laga soo doortay kusoo noqoto si ay u Ogaato Xaaladda Shacabkeeda.
”Farxad gaar ah bey i tahay inaan Acyaan iyo Madax dawladda ah aan kusoo dhaweyno Xildhibaan Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo ah Xildhibaan reer Puntland kana mid Xildhibaanada aan u dooranay iney nooga mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka ah,”ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.

Xildhibaan Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heegtay in si weyn ugu faraxsantahay Imaantinkeeda Puntland gaar ahaana gobolka Bari,waxayna u mahadcelisaya Xubnaha sida weyn usoo dhaweeyey.
Imaanshaheeda Puntland ayey ku sheegtay sidii ay ugu kuurgeli lahayd Xaaladaha dhanka arrimaha Bulshada ee dadka ku dhaqan deegaanada Puntland ee ay kasoo jeedo si Baarlamaanka ugu celiso Warbixin faahfaahsan oo arrimahaas ku saabsan.
Xildhibaan Sacdiyo ayaa waxaa dhalay EEBE ha u naxariistee Abwaan Carays Ciise Kaarshe oo kamid ahaa Abwaanada ugu waaweyn dhanka Murtida dalka Soomaaliya,waxayna lagu amaanay Xildhibaanada dadaalkeeda dhanka horumarka ah ee ay wado.
Si kasta arrinta ayaa daba socota dhawaan markii Xildhibaanada Baarlamaanka ka tirsan ay galeen fasax dheer,kaas oo looga goleeyahay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen Xaalada deegaanada laga soo doortay.