Afhayeenka AMISOM oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Beladweyne.
Published on February 3, 2013 by admin · No Comments
Akhrisatay :2133
Iyadoo Ururka Al-Shabaab ay guulo ka sheegteen dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Afhayeenka ciidanka AMISOM.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad oo la hadlay Dhoobleey.com ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne ay guulo ka gaareen dhankooda.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen dagaalyahano gaaraya 20 oo ay masuuliyiin ku jiraan sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka AMISOM.
Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in dhankooda uu hal askari kaga geeriyooday dagaalkaasi islamarkaana uusan jirin khasaaro kala oo soo gaaray ciidamada Jabuuti.
Xumad ayaa ku celiyay baaqa ah in Shabaab dhalinyarada ku jira ay ka tanaasulaan falkaasi islamarkaana ay kusoo biiraan dhanka Dowladda Soomaaliya AMISOM ay soo dhaweynayso.
Marka laga soo tago guulaha labadaan dhinac ay ka sheeganayaan dagaalkii ka dhacay Beladweyne ayaan waxaan si dhab ah loo xaqiijin karin khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaasi.
February 17, 2013
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...
February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...
February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...
February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist
Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale, amaan, sharaf, ...
February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...