Wednesday, May 22nd, 2013

Uganda oo wadamada deeqda bixiya ugu baaqday in Soomaaliya dhanka dhaqaalaha laga…

Published on February 3, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2136

Dowlada Uganda ayaa wadamada deeqda bixiya weydiisatay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska wadanka Soomaaliya islamarkaana ay kala shaqeeyaan Ugaanda sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlada rasmi ah oo cagaheeda ku istaagta.

Wasiirka difaaca dalka Ugandha Dr. Crispus Kiyonga oo ka hor hadlay ciidamo badan Soomaaliyeed oo tababar ugu socda dalka Uganda,ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in beesha caalamka iyo wadamada deeqda looga fadhiyo u istaagida taageero dhanka maaliyada ah oo loo helo Soomaaliya si ay u gaarto isku filnaasho dhan walbo ah,isagoona hoosta ka xariiqay in iminka Soomaaliya in laga taageero ay u baahan tahay xaqiijinta ammaanka dalka.

Wasiirka difaaca dalka Ugandha Crispus Kiyonga ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu xil weyn iska saaray tababarka loo fidiyo ciidamada Soomaaliya,waxuuna arintaasi ku tilmaamay arin wanaagsan oo loo baahan yahay in lagu deysado oo qeybaha kale ee daneynaya qaranimada Soomaaliyana ay qeybtooda ay qaataan.

Sidoo kale wasiirka difaaca Uganda ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya u baahan tahay in ciidamo tayo leh oo aad u qalabeysan si wadanka ay u difaacaan.

Dowlada Uganda ayaa Soomaaliya ka taageerta la dagaalanka Kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda,iyadoo iminkana jecel inay sii kordhiso,waxaana dhanka kale Uganda ay suurta galisay in howgalka Midowga Yurub uu tababarka uu ku siinayo ciidamada Soomaaliya lagu fuliyo dalkeeda.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...