Saturday, May 18th, 2013

Daawo Sawiro: Qalanjo Si fudud ku Curyaantay Iyado xiranayd kabo Dhaadheer.

Published on February 7, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2901

Gemma Flanagan: Kabo Lix Hiish Cidhibtoodu Tahay Oo Ay Xidhan Jirtay ayaa ka dib markii ay muddo dheer Xaflad Ay Las Vegas Kaga Qayb Gashay Taagnayd Ay Mar Qudha Istaaga Ka Dhacday.

Gabadh Gashaanti ah oo u dhalatay dalka Ingiriiska, oo shaqaale diyaaradeed ah, ayaa kabo cidhibtoodu dheer tahay oo ay xidhan jirtay, sababeen inay ka curyaanto labada lugood, taas oo sida la sheegay ay ka qaaday xanuun dhif iyo naadir ah oo naafeeya dadka.

Gemma Flanagan oo sagaal iyo labaatan jir ah, ayaan iyadu wax cilmi ah ka haysan dhibaatada caafimaad ee ay u horseedi karaan kabo aad cidhibtoodu u dheer tahay oo ay xidhan jirtay, waxaana sida ay sheegtay markii ugu horeysay ee la haleelay ahayd mar ay xaflad ka dhacaysay Las Vegas habeen dhan meel dibad ah taagnayd iyada oo xidhan kabo cidhib dheer.

Sida ay tilmaantay wakhtigaas wax xanuun ah may dareemin, laakiin waxa si ka dis ah loogu soo booday markii ay diyaarada raacday, wakhtigaas oo ay dareentay xanuun iyo garaac lugaha ka haya, balse waa ay iska sii wadatay hawsheeda ilaa ay ka gaadhay gurigooda oo ku yaala magaalada Liverpool.

 

Gabadhan ayaa iyada oo shaqo tagaysa oo ku socota madaarka wayn ee Heathrow, mar kaliya lagu soo booday oo inta labada, lugood sida irbada oo kale looga gujiyay ay mar kaliya istaaga ka duushay oo ay dhulka ku dhacday, xiligaas oo sida ay sheegtay ay hadal iyo dhaqaaq midna awoodi kari wayday.

Flanagan ayaa ka warantay sidii xaaladeedu mar kaliya u gaadhay meel halis ah, iyada oo xustay in ay kala garashadu ka tagtay, labada lugoodna bakhti noqdeen laakiin lagu muday irbad lagaga dhuftay laf dhabarta, taas oo dhakhaatiirtu ku garowsadeen xanuunka haleelay.

Xaalada nafo ee sida deg deg ah ula soo deristay gabadhn oo lagu magacaabo, (Guillain-Barre Syndrome), ayaa ah sida dhakhaatiirtu sheegeen, Xanuunada aadka ugu yar dunida oo kontonkii kun ee qofba laga yaaba inay qof ku dhacdo, taas oo sababi karta in si kama danbays ah loogu curyaamo ama si dhif iyo naadir ah looga kaco.

Gabadhan ayaan iyadu wax figrad ah ka haysan in dhibaato caafimaad oo ilaa heerkan gaadhsiisan ay kabaha cidhibtoodu dheer tahay ku keeni doonto, laakiin waxa sida ay sheegtay ay aad ugu faraxsan tahay, musjisada rabaaniga ah ee mar labaad ay dib lugaheedi ugu soo noolaadeen, kuwaas oo wallow aanay sidoodi hore ugu istaagi karin ay haddana iyada oo biro ku boodaysa aad ugu faraxsan tahay.

02 03 04 05 06 07 High Heels Illness 10 11 12

 

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...