Wednesday, April 23rd, 2014

Hooyada gabadheeda la saaxiibta iyo hooyada gabdhadeeda aan la saaxiibin maxay ku kala duwan yihiin?

Published on February 11, 2013 by   ·   1 Comment Akhrisatay :21325

Waxaan la hadlayaa  hooyo walba  oo jecel gabadheeda, hooyadu mala socotaa inay gabadheeda u tahay  tii ay ku dayanaysay,. hooyada wanaagsani waa tan  ay gabadheedu kaga dayato wanaaga, waa tan  wanaaga u horseeda, aan su’aal ku  waydiiyo hooyo gabadhaada saaxiib mala tahay?ma siisay gabadhaada kalsooni buuxda taasoo u horseeda  inaysan waxba kaa qarin, inaad noqoto tii ay  sirta ku qarsan lahayd  tii ay kala sheekaysanaysay  una sheegaysay wixii ku soo kordha  nolosheeda  dhan walba.

Ma la socotaa  hooyo gabadhaada markaad la saaxiibto inaad ka badbaadinayso inay ku dhacdo dabinka saaxiibada xun xun.ma ogtahay hooyo gabadhaada markaad siiso naxariis, jacayl, koolkoolin, inay ka maarmayso  wiilasha ku sira  jacaylka beenta ah, waayo uma oomana jacayl dhalanteed ah ee waxayba haysataa  jacayl dhaba,ma ogtahay hooyo in saaxiibtinimada gabadhaada ay ka dhigan tahay  adoo ku guuleystay  amaanadii gacantaada ku jirtay inaad uga soo baxday sidii ku haboonayd iyo  adoo waajibaadkaagii sidii la rabay u gutay,  waxaan ognahay in gabadha jidkii toosnaa ka leexata ee dariiq qaldan marta  aan kaligeed lagu eedayn jidkaa qaloocan ee ay qaaday  laakiin  dhaleeceyntu soo gaarayso hooyadii soo korisay iyadoo la leeyahay gabari waa hooyadeed, ama hooyadeed ayaan si fican u soo tarbiyeyn, waxaad siisaa gabadhaada kalsooni  heer ay gaarto inay wax walba kaala hadli karto iyadoon kaa baqeyn  niyadana ku haysa  inaad tahay tusaalaheedii koowaad  iyadoo mar walba kaa fileysa  inaad siiso talo iyo  tusaalooyin wax ku ool ah.

Hooyada  gabadheeda la saaxiibta   iyo hooyada gabdhadeeda  aan la saaxiibin maxay ku kala duwan yihiin?

Hooyada gabadheeda saaxiibka la noqota waxaa lagu yaqaan  inay tahay mid  gabadheeda kala sheekaysata wax walba,  gabadheeduna u sheegato waxay damacsan tahay, waa hooyada  khibradeeda ku kordhisa gabadheeda. waa hooyada  gabadheedu kala hadli karto  wax walba  hadii waxaa ay kala hadashay ay u  aragto  hooyadu  wax  aan fiicnayn ku baraarujisa oo ka waanisa iyadoo sidii saaxibteed ula hadlaysa. waa hooyada gabadheeda u sheegta waajibaadkeeda diineed iyo aduuneedba, waa hooyada gabadheeda ayna kala xishoon  inay u sheegato arimaheeda  gaarka ah sida   waxay damacsan tahay mustaqbalkeeda waa hooyada ku qanacsan  inay  tahay   hooyo macaan iyo saaxiibad qaali ah labadaba …

Hooyada gabadheeda aan la saaxiibin..

Hooyadani waa mid mooda inay gabadheedu uga baahan tahay kaliya  korin ilaa ay ka weynaato. waa hooyo  dhan walba inay ku fican tahay ay dhici karto  laakiin aan aaminsanayn saaxibtinimada gabadheeda, waa hooyo marka gabadheedu ku soo qaado  arimaha qaar   xuubsata lana soo booda maxaad ku hadashay Naa isku xishoo oo wax isku fal  gabar baa tahee! iyadoon  ka dhaadhicin una tilmaamin  xishood la’aanta ay sheegayso waxay tahay, waa hooyada gabadheedu ka qarsato wax yar iyo wax weynba,waa hooyada  gabadheedu ka jeceshahay saaxiibadeed(maaha jacaylkii hooyanimo) waa hooyada  gabadheedu  markeey saaxiibadeed la joogto  lala cajabo farxadeeda, sheekadeeda, qosolkeeda,  iwm markeey gurigooda timaadana la moodo inay soo gashay Xabsi isku soo wada duuboo waa hooyada  aan qiimeyn saaxiibtinimada  gabadheeda.

Shabakada kala soo xidhiidh E-mail-kan: dhoobleynews@gmail.com

Ra'yigaaga oo Qoraal ah halkaan noogu soo dir:

Readers Comments (1)

  1. maxamed cabaas says:

    mahad sanidiin



Current day month ye@r *

WARARKII HORE

news

Deg Deg: Qarax gaari loo adeegsaday ayaa goordhow ka dhacay xabsiga Pangani oo ku yaalla nawaaxiga xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

April 23, 2014
waxaa daqiiqado ka hor ka dhacay qarax weyn oo gaari laga soo buuxiya gudaha Station Pangani, Qaraxaan ka ...
NIK

Daawo Muqaal : Qaramada Midoobe oo Digniin Culus kasoo Saartey Dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho

April 23, 2014
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Dalka  Soomaaliya  Nicholas Kay ayaa ka digay in QM iyo diplomasiyiinta ...
Eastleigh

Daawo Muuqaal: Xaalada Soomaalida xaafada islii oo is badashay kadib Laba Tododaab oo si Xowli ah dadka loo raafayay.

April 23, 2014
waxaa magaalada maalmihii lasoo dhaafay ka socday baaritaano xowli ah kaas lagu baaraya falalka argigaxisada, howgalkaan ayaa lagu ...
som1

Dhageyso : Nin 69 jir Soomaali ah oo hooyadiina Tutsi tahay ku hadla Afsoomaaliga kuna nool Dalka Ruwandha

April 22, 2014
Xasan Xarbi Xuseen oo ah nin Soomaali ah balse hooyadii Tuutsi u dhalatay dalka Rwanda. Xasan Afka Soomaaliga wuu ...
duale

Daawo Xildhibaan Bare Ducaale Markale kuhadlay war somalidu Kenya kunool farxad u ah.

April 22, 2014
Xildhibaan Adan Bare DucaaleOo ka Mida Xildhibanada Barlamanaka wadanka Kenya Oo laga So doorto Magaalada gaarisa e gobolka ...
untitled

Raafkii Soomaalida oo weli ka socda Nairobi iyo Soomaali lagu wado in dib loogu celiyo Dalkooda

April 21, 2014
Dowladda Dalka Kenya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ku dhawaad 100 Ruux oo u badan Soomaali in ...
wa

Daawo : Wiil yar oo badbaaday kadib markii uu 5 sacadood ku jiray lugaha diyaarad hawada maraysa

April 21, 2014
Wiil 16 sano jir ah ayaa nabad tegay kaddib markii uu hoosta ka  galay lugaha  diyaarad hawada ku ...
yus

Dhageyso : Xildhibaan Yusuf Xasan oo si adag uga hadlay howlgalka Xaafada Islii.

April 19, 2014
Iyadoo ku dhawaad saddex isbuuc uu socda howl-galka ka socda xaafadda islii ee magaalada Nairobi ayaa maalmo ka ...
KENY

Dhageyso : Dowlada Kenya oo Qaxooti Soomaali ah dib ugu celisay Xeryahay Qaxootiga

April 19, 2014
Dowladda Kenya ayaa kooxdii ugu horeysay oo qaxooti ah dib ugu celisay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma. Ilaa ...
dhacdo

Daawo Muuqaal Naxdiin leh: Wiil Hooyadiis Mindi Ku dilay Danmark iyo Sida Wax u Dhaceen

April 18, 2014
Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Denmark ka dib markii uu ...