Saturday, May 25th, 2013

Alla waan ku jeclahay ee maxaa sidan iigu galeysa(dhacdo run ah).

Published on February 14, 2013 by   ·   1 Comment Akhrisatay :21281

Qisadaan oo ah Dhacdo murugo leh isla markaana xambarsaan tiiraanyo xanuun badan oo hadaad aqrisato aad dareemeyso xanuun badan adiga oo aysan kugu dhicin qisadaan balse maxaad maleysan kartaa hadii ay kugu dhaci laheyd aqristow?

Qisadaan waxa ay muujineysa sida dadka qaarkii ay jaceylka ula dhaqmaan oo aysan marnaba ugu jixin jixin nafta jacel waxa ay dhaxmartay lamaane somaaliyeed oo Ku kala nool labo qaaradood oo aad u kala fog qaaradaha africa iyo yurub waxaana lagu kala magacaaba Max,ed iyo Caa,isha.

Max,ed waxa uu ku nool yahay dalka s/africa waana shaqsi firfircoon oo iska xamaasha isla markaana aad u dabeecad macaan waxaana uu xariir jaceyl kala dhaxeeyey Caa,isha oo ku nool wadanka Swedan oo ay isku barteen chating soomaalida ay aad u isticmalaan.

Xariirka lamaanahan waxa uu ahaa mid aad u adag isla markaana aad u isku qadariya dabcan lamaanaha is jacel waxaa lagu yaqaan ixtiraam,Xushmad,Qadarin,Xiiso aan go,in ,Intaa iyo in kabadan ay lagu yaqaan inta badan lamaanaha is jaceyl waxaana xariirka jaceyl ee u dhaxeeyey Caa,isha iyo Maxamed uu gaaray heerkii ugu sareeyey,

Midba mid ka kale kama maarmo mana awoodo in uu daqiiqad moogaada waxaana uu ahaa kuwa is xariiriya telphone-da,internetka,fariin qoraaleedka waxaana intaa u sii dheeraa hadiyadaha qaaliga ah o ay is dhaafsan jireen, aduunka waa is rog rogaa waa harga labadiisa galin inta badan lamaanaha is jacel waxa soo weerara cadow jaceyl oo soomaalidu u taqaan sadaxeeye hadii aan laga gaashaman burburiraya balamada iyo wacadka ay dhigtaan labada ruux ee is jacel waxaana uuna ka dhigaa mid kala fogeeya mar mar waxaa dhacda ruux sadaxeeya ah in uu caawinaad ka helo labada ruux midkood.

Inkasto Maxamed uu ahaa ruux jaceylka u go,ay isla markaana daacad u ah lamaantiisa hadana nasiib daro Caa,isho waxa ay xariir hoose la sameystay Cali oo ahaa wiil kale oo ay qadka isku barteen isla markaana ku nool isla wadanka south africa,Caa,isho labada ruux waa ay isla waday isla markaana mudo kala qarineysay si aysan isku fahmin.

Mudo labo sano ah ayaa kasoo wareegtay markii udubka looga taagay xariirka max,ed iyo caa,isho, Max,ed waxaa uu usoo bandhigay gacalisadiisa in ay soo gunaanudaan xariirka jaceylka kama aysan diidin oo durba waa ay ka ogolaatay waxa ay u sheegtay in ay u imaan doonto mudo bil ah kadib Max,ed waxa u guda galay is diyaarin iyo diyaar garow aroos , halka caa,ishana ay isku diyaarisay in ay la aqal gasho Cali isla markaana ay lug goyso max,ed, alla xanuun badnaa ruux aad jeclaatoo mudo labo sano ah aad fadhi ku sugtay misane xumaan iyo lugooyo kugu sameysa? max,ed malay bada ku jiro ayuu xawaaji u tuntay waxaan maqli jiray qoysatee yaa kuu qoor xiiri doona waxaa la gaaray xilligii balanta oo ay aheyd maalinkii caa,isha ay imaan laheyd magaalada capetown. tallow maxaa dhacay markaa.

Waxaa la isa soo taagay Garoonka diyaaradaha eecape town international airport max,ed iyo asxaabtiisa kala qeyb qaadan laheyd soo dhaweynta ayaa goobtaa xaadir ku ahaa halka cali iyo saaxibadii ayagana ay halkaa diyaar ku ahaayeen wallow aysan is aqaan hadana soomaalinimo ayaa ay isku salaameen o isku xaal waresteen qofba qof kale waxa uu u sheegay in u ruux soo dhaweynayo inkastoo magac aysan isku sheegin.

Waxaa soo cago dhigtay diyaaradii siday Caa,isho waxa aysoo gaartay goobtii soo dhaweynta durba waxaa si isku mid ah dhankeedii u dhaqaaqay cali iyo max,ed oo aan is aqoon balse mid walba waxa uu muuqaal garanayaa gabadha caa,isho ah lkn is ma yaqaanaan max,ed oo war moog ah ayaa salaan ku boobay caa,isho balse waxa ay ugu jawaabtay yaa taqaan waryaa oo yaa aheyd adiga waxaa ay usii raacisay cali gacaliye wiilkan ma adiguu kula socdaa ? iyo erayo kale max,ed waaga ayaa ku baryey suuro gal ay la noqon weyday waxa is yari suuro gal ma ahan tani lkn waxaa uu quustay markii ay gacanta is qabsadeen cali iyo caa,isha isla markaana gaarigii ay wada raacen max,ed istaagii ayuu ka dhacay isla markaana suuxay waxa lagu sii qaaday gaarigii ay saxibadii wateen mudo kadib ayuu soo naaxay asoo ku qeylinaya alle caa,isho waan ku jeclahay maxaan sidaan iigu gashay ma dhaci karto iyo erayo kale max,ed iminka waa maqane jooge saaran sariir gabadhii caa,isho aheyd na waxa ay la aqal gashay cali.

Dhamaad

Readers Comments (1)

  1. m.med sheikh xagar says:

    wakaxumahay wana cambaraynaya waxan leeyahay gurigaada habao waliga ubad hadhalin ohaluguguqasaaro kikugursay kassna wunakuxumaindona wadnakatigidonta ama wadisracidonta &wadumalraacidonta asagana isha alah wuucafimadidona gabarducaysan owalidiinteeda ay uducceyen ayulidona oadokale qaynolay benalay retnaared ahay o ilaharumaysy ncsw racday sidi ca isha okale raliya ah insha alah adigana khayanadi gurigiina lagusobaray AYAAD ADUUN IYO AKHIROBA KUWAYDY



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...