Thursday, May 23rd, 2013

Munaasabad Lagu Sagootinayo Waftiga Baarlamaanka Soomaaliya Oo Lagu Qabtay Magaalada Jigjiga.

Published on February 19, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2456

Munaasabada lagu sogootinayey wafti ballaaran oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hor kacayo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheeekh Cismaan Jawaari oo maalmihii danbe ku sugnaa magaalada Jigjiga ayaa xalay lagu qabtaya qalka martiga magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaana munaasabadaasi qudbado kala duwan ka jeediyey masuuliyiintii ka qeyb galay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalka ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in horu marka uu ku arkay magaalada Jigjiga intii uu ku sugnaa  uu yahay wax farxad galinaya qof walba oo jecel wanaaga dalka Soomaaliyeed meel ay joogaanba wuxuuna ku amaanay madaxda dowlad deegaanka Soomaalida dadaalka ay muujiyeen iyo waxa la taaban karo ee ay deegaanka ka qabteen mudada kooban ee ay jireen.

Max’ed Sh Jawaari ayaa sidoo kale uga mahd celiyey shacabka iyo masuuliyiinta dowlada deegaanka sida niyad samida ah ee ay ugu soo dhaweeyeen deegaanka isagoona ku amaanay maamulka deegaanka sida uu u hirgaliyey nidaamka Federaalka oo looga dhaqmo dalka Itoobiya.

Waxaana ugu danbeyntii hadalka qaatay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar oo sheegay iney si weyn uguy faraxsan yihiin booqashada ay jigjiga ku yimaadeen waftiga ka socda baarlamaanka Soomaaliya isagoona tilmaamay iney wax badan kala faa’iideysteen wuxuuna ka codsaday madaxda kale ee dalka Soomaaliya iney deegaanka ku yimaadaan booqasho sidan oo kale ah si loo sii xoojiyo iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyada Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...