Tuesday, May 21st, 2013

MAHIIGA OO CAMBAAREEYAY QARAXYADII UGU DAMBEEYAY EE KA DHACAY DALKA SOOMAALIYA.

Published on February 19, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2154

Warqoraal ah oo ka soo baxay xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS),ayaa lagu dhaleeceeyay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya inta lagu guda jiro bilowga iyo bartamaha bishan February 2013,oo ay ka mid tahay dilkii Magaalada Garoowe loogu geystay Sheikh Abdiqadir Nur Farah, “Ga’amey”.

Sidoo kale warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska UNPOS ee Muqdisho,ayaa lagu tilmaamay in shirqoolka dilka Dr. Nur Farah uu imaanayo waxyar un kadib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,kaasi oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Boliiska Maamulka Puntland.

Iyadoo weerarada ay dhaceyn bishan gudaheeda ayaa hadana waxaa dhanka kale warbixinta ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya lagu canbaareeyay weerarkii ismiidaminta ah isna loo adeegsaday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo isku qarxiyay baarka Liido ee Magaalada Muqdisho.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine P. Mahiga,ayaa ehalada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Mas’uuliyiintaasi ugu tacsiyadeeyay.

Mahiga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Xukuumada Soomaaliya si looga mira dhaliyo hadafka ah gaaritaanka Nabad waarta iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada ka dhanka amaanka ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka Ka dhaca.

Ergayg gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mahiga ayaa shaaca ka qaaday in Xafiiska UNPOS uu garab taagan yahay shacabka iyo xukuumada Soomaaliya si cadaalada loo horkeeno dadka ku mashquulsan carqaladeynta amaanka dalka,

Isagoona dhanka kale sheegay in dhankooda ahmiyada koowaad ay siinayaan in Nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya oo haatan wadadii Hormarka cagta saartay.

Warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan weeraro qorsheysan oo isugu jira dilal bareer ah iyo Qaraxyo ay ka dhaceen qeybo ka tirsan Dalka Soomaaliya.

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...